A New centre in hargeysa named after the legendary Qarshe

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

A New centre in hargeysa named after the legendary Qarshe

Post by Siciid85 »

Ururka Fanka iyo dhaqanka SAAC oo daah-furay Xarun-Faneed loogu magac-daray Cabdillaahi Qarshe

Written by Kaariye
Aug 21, 2010 at 03:33 PM


Image

Hargeysa ,(Qaran News )- Munaasibad uu soo qaban-qaabiyay Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida SAAC oo lagu daah-furay Xarunta Fanka iyo Farshaxanka ee Cabdilaahi Qarshe (Qarshe Arts Center), ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Image


Munaasibaddan oo si ballaadhan loo soo agaasimay, kana qayb galeen masuuliyiin ka kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Madar, Agaasimaha Barnaamijyada Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, Guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Abwaan Maxamed Jaamac Kayd, Abwaan Cali Xasan (Banfas), masuuliyiin ka socotay Ururada Bulshada iyo marti-sharaf kale, ayaa lagu daah-furay xaruntan oo loogu magac-daray Allaha u naxariistee Aabbihii Fanka iyo Muusigga casriga ah ee Soomaalida Marxuum Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe.


Image

Xaruntan oo ay daah-fureen, soona agaasimeen furitaankeeda Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida SAAC, waxa munaasibaddii furitaanka ka hadlay Wasiirka Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Madar oo ka warbixiyay muhiimadda ay xaruntani u yeelan doonto horumarinta, kaydinta iyo ururinta Fanka iyo Farshaxanka. Waxaanu xusay in ay wasaarad ahaan la shaqayn doonaan Xaruntan, diyaarna u yihiin. Wasiirku gebogebadii wuxuu soo jeediyay in ay xaruntani noqoto mid lays-garab taago oo hana-qaadda.

Image


Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Barnaamijyada Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo ku dheeraaday taariikhda halyeyga xarunta loogu magac-daray ee Cabdilaahi Qarshe. "Ilaahay ha u naxariistee 28-kii October 1997-kii, ayuu ku geeriyooday magaalada London, 3-dii November 1997 maalin Isniin ah, ayaa lagu aasay magaalada Hargeysa," ayuu yidhi Boobe, waxaanu halkaa ka jeediyay qaar ka mid ah maansooyin baroor-diiq ahaa oo Abwaannada qaarkood ka tiriyeen geeridii marxuum Qarshe.

Waxa kale oo ka hadlay Abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ah dadka wax ka qoray taariikhda Abwaanka loogu magac-daray Xaruntan, waxaanu sheegay in 17 Maanso oo baroor-diiq ah ay Abwaanno kala duwani ka tiriyeen geerida marxuum Qarshe, isaga oo hoggaanka iyo masuuliyiinta Xarunta Fanka iyo Farshaxanka Cabdilaahi Qarshe ku ammaanay fikirka iyo aasaaska xaruntan. "Waxaanu diyaar u nahay in aanu is-garab taagno oo aanu macluumaad iyo taariikho badan ku kabno xaruntan, waanan u hambalyaynayaa oo aanu ku ammaanaynaa cidda fikirka keentay iyo Ururka hirgeliyay ee SAAC," ayuu yidhi Abwaan Kayd.

Abwaan Cali Xasan Cali (Cali-Banfas) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa macneeyay magaca Ururka isku xilqaamay hirgelinta xaruntan ee SAAC. "Ururka SAAC waanu uga mahad-celinaynaa hawsha uu isu-xilqaamay iyo fikirka uu ku aas-aasay xaruntan loogu magac-daray Qarshe. Waxaanan leeyahay SAAC macnaheedu waa barwaaqo,waxaanu idiin rejaynayaa inaad hawsha halkaa ka sii waddaan," ayuu yidhi Abwaan Banfas oo ku dheeraaday taariikhda marxuum Cabdilaahi Qarshe iyo qaar ka mid ah heesihiisii, isaga oo halkaa ka jeediyay maanso uu ugu baroor-diiqay wakhtigii uu Cabdilaahi Qarshe geeriyooday.

Wacays Cabdilaahi-Qarshe oo ka mid ah Caruurta uu dhalay marxuumku, kuna hadlayay afka Qoyska reer Cabdilaahi Qarshe oo munaasibadda joogay, ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xaruntan, taageerana la garab-taagan yihiin.

Agaasimaha SAAC ee Somaliland Barkhad Maxamuud Kaariye iyo Agaasimaha Fanka iyo dhaqanka ee Xarunta Cabdilaahi Qarshe Yaasmiin Maxamed Kaahin oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyay ujeedada aasaaska xarunta.


Image

Gebogebadii munaasibadda oo laga jeediyay maansooyin, ayaa Guddoomiyaha Ururka SAAC Saciida Sheekh Axmed, ayaa dadweynihii munaasibadda ka qayb-galay u mahad-celisay.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Keyse_0208 »

These are the kind of programes and projects i love, preserving the culture and dhaqan for the coming generations :up: :up: Nice work :up: :sland:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by The_Emperior5 »

well done cabdulahi qarshe was a legend aun

Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Siciid85 »

The_Emperior5, indeed sxb he was the first man in the former somalia in the early 1930's to invent the kaban music and i have alot of poems of his they are really amazing, he was a second generation sijui born in tanzania though. :lol: laakinse he later moved to hargeysa-somaliland wax badan bu joogay as a young boy. :up: :sland:
Last edited by Siciid85 on Sun Aug 22, 2010 12:36 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Siciid85 »

Keyse_0208 wrote:These are the kind of programes and projects i love, preserving the culture and dhaqan for the coming generations :up: :up: Nice work :up: :sland:

Indeed. :up: :sland:
Lord Diplock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3807
Joined: Wed Jun 22, 2005 2:56 pm

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Lord Diplock »

This is great stuff bro, was he really a Sijui? :up: :lol: :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Siciid85 »

Lord Diplock wrote:This is great stuff bro, was he really a Sijui? :up: :lol: :lol:

Yes he was second generation tanzanian born somalilander.
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by yunis09 »

i thought sijuis were the kenyan malis...not tanzanians
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Siciid85 »

yunis09 wrote:i thought sijuis were the kenyan malis...not tanzanians

Kenyan & Tanzanian malis are both called sijuis.
User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Samatr »

I thought he was reer cadmeed.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Siciid85 »

Samatr, here is a brief biography of Abdullahi Qarshe, at first he was born in Tanzania he later moved to yemen.


Qarshe was born in 1924 in the Somali expatriate community in Moshi, Tanzania. In 1931, at the behest of his family, he left Tanzania and settled in Aden, Yemen for his education. It is in Aden where Abdullahi had his first encounter with cinema and radio playing western films and Indian and Arabic music, which inspired him to buy a lute to accomplish his new goal of creating music in the Somali language. Qarshe, along with other first generation artists such as Ali Feiruz and Mohamed Nahari, was among the pioneers of modern Somali music. An innovative musician, Qarshe often employed a wide variety of instruments in his art, such as the guitar, piano, and oud. He was also known for his poems and his theatrical work at Mogadishu and Hargeisa venues. In addition, Qarshe was a member of the pioneering Somali musical ensemble, Waaberi.
User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Sakhraan »

aqoon la'aani waa iftiin la'aan............so true.


Aabihii fanka Soomaliyeed(aun)

http://askarmotors.com/Wadani/aqoonlaani-Qarshe.rm
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by RuralMan08 »

Sakhraan wrote:aqoon la'aani waa iftiin la'aan............so true.


Aabihii fanka Soomaliyeed(aun)

http://askarmotors.com/Wadani/aqoonlaani-Qarshe.rm
The last time I checked Aabihii fanka Soomaliyeed was Abdi Sinimoo
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Executive »

Is it that guy that made the gabay Hooyada wa lama huuran?

:up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: A New centre in hargeysa named after the legendary Qarsh

Post by Siciid85 »

Executive wrote:Is it that guy that made the gabay Hooyada wa lama huuran?

:up:

waan uu malaynaya, executive are you also a tanzanian sijui?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”