

Wasiiradaan Maanta kasoo deegay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aaden Cadde ayaa waxaa kamid ah wasiirka Gaashaan dhigga Abuukar Cabdi Cismaan mardaadi, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Amniga Qaranka Axmed Cabdi Salaan Aaden iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/Rashiid Maxamed Xidig kuwaasoo qaarkood Magaalada Addis ababa uga soo qeyb galay Kulan ay si wada jir ah u qaateen Masuuliyiintaasi iyo xubno ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljamaaca.
Sidoo kale Wasiiradii Maanta dib ugu soo laabtay gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah R/Wasaare Ku Xigeenka ahna wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Prof. C/raxmana Xaaji Aaden Ibraahim Ibbi iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen kuwaasoo howlo shaqo iyo caafimaad ugu maqnaa dalka Dibaddiisa.
Qaar kamid ah Wasiiradaasi oo aan la xiriirnay daqiiqado kadib markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaradaha caalamiga ah ee Aaden cadde ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan safarkooda waqtigaan, ayagoo sheegay in ay dhawaan saxaafadda la hadli doonaan.
Dhowaan ayey ahyd markii Magaalada Addisababa lagu soo gebogebeeyay Kulan ay lahaayeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Masuuliyin ka tirsan Culumaau’diinka Ahlu Sunna Waljamaaca kaas oo diiradda lagu saaray sidii lo tayeyn lahaa qorshaha ammaanka ee dalka.
Kulamadii ugu dambeeyay oo ay Magaalada Addisababa ku yeesheen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Culumada Soomaaliyeed ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu mideeyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ASWj si ay wax uga qabtaan Ammaan darrida ka jirta gudaha Magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka Soomaaliya.