I see the Future is Bright for My Somalilanders









Sarifka Cumlada Maraykanka ee suuqyada Somaliland ayaa xalay gaadhay SL.Shilng 5700 - 6000 Halkii Dollarba, kadib markii Wasaarada Maaliyadu ay qayb ka mid ah mushaharooyinkii shaqaalaha dawladda ku bixisay Lacagta dollarka Maraykanka.
Dhawrkii maalmood ee ina soo dhaafay ayaa waxa ay dawladdu bilawday inay bixiso qaybo ka mid ah mushahrooyinkii shaqaalaha ee ku baaqday maamulkii madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo muddadii gaabnayd ee ka soo wareegtay markii la dhaariyey golaha Wasiirada ee cusub waxa ay wasaarada maaliyada u suurtawday inay soo xarayso dakhli ku laban laabmaya kii hore ugu soo dhici jiray Khasnada dawladda oo isugu jira dollar iyo SL.Shilng.
Taliyaha Ciidanka Cashuuraha Bariga Maxamed Cumar Taani oo ka mid ahaa dadkii dollarka lagu siiyey mushaharka ayaa Haatuf u sheegay in isaga iyo saaxiibadiisii ay wada shaqaynayeen ay arintani layaab ku noqotay oo aanay marnaba filayn dollar wax lagu siiyo daayoo inay wakhtigan gaaban mushaharkoodii lagu siiyo