reer muqdisho cannot break their fasting cuz of the irhabis

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

reer muqdisho cannot break their fasting cuz of the irhabis

Post by AhlulbaytSoldier »

Image
Image
Image
Image

Shabaab oo dagaal ku baaqay, DKMG oo cago dhigo tiri iyo Ahlu Sunna oo guulo ka dheegatay dagaal ka dhacay Muqdisho
Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada AL Shabaab ayaa Maanta ku baaqday dagaal ka dhan ah dowladda iyo AMISOM, iyadoo dowladduna ay caga dhigo tiro, halka Culumaa’udiinka ahli Sunna waljamaacana ay guulo ka sheegteen Dagaal Maanta muqdisho ka dhacay.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage oo maanta warbaahinta qadka taleefanka kula hadlay ayaa sheegay Al Shabaab ay iclaaminayaan Dagaal ka dhan ah dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho kaasoo uu sheegay inay qaadi doonaan ciidamada kala duwan ee Al Shabaab.

Waxaa uu sheegay in duulaankaani Cusub ay ugu magac dareen Dhabar goynta waxa uu ugu yeeray Saliibiyiinta ku soo duushay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay maamulada Al Shabaab ee koofurta Soomaaliya inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaaladaasi.

Afkayeenka Wasaarada Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/risaaq Qeylow oo isna Galabta Shir jaraa’id u qabtay warbaahinta daqiiqado kadib markii uu Cali Dheere dagaalka iclaamiyay ayaa arin riyo ah oo lagu maran haabinayo dadka shacabka ah ku tilmaamay iclaaminta Al Shabaab ee dagaalada Muqdisho.

Sheekh C/risaaq Qeylow waxa uu sheegay in bishaani ay tahay bil cibaado sidaasi darteeedna loo baahanyahay in aan lagu dul dagaalamin dadka muslimiinta ee Sooman, waxaana uu hadalka Sheekh Cali Dheere ku tilmaamay mid dhowr jeer uu horey ugu maran habaabiyay Caruurta yaryar ee uu tilmaamay in ay dagaalka ku sireen sida uu hadalka u dhigey.

Dhinaca kala Afhayeenka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Banaadir Sheekh Max’uud Axmed Shuuriye oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay dagaalo culus oo ciidamada Ahlu Sunna ay galabta degmada Hodon kula galeen ciidamada Al Shabaab.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shuuriye in dagaalkaasi ay ku dileen 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab kuwaasi oo uu tilmaamay in qaar ka mid ah meydadkooda ay hayaan islamarkaana ay saxaafada u soo bandhi doonaan maalinta berri ah, isagoo tilmaamay inay dhankooda ay ka dhaawacmeen ilaa labo askari sida uu tilmaamay.

Marka laga soo tago caga juglyenta Al Shabaab ee dagaalada Muqdisho, Baaqa dowlada ay ku dalbaneyso in dagaalada la hakiyo iyo guusha ay sheeganayaan Ahlu Sunnada gobolka Banaadir ayaa dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ay sii huriyeen cabsida dadka shacabka ay ka qabeen in dagaaladu ay sii kodrhaan bisha Ramadaan, waxaana dadkii ugu badnaa ee maanta ku waxyeeloobay dagaalada ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan.

Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowlada KMG, Ahlu Sunna waljaamaca iyo AMISOM ayaa caado ka dhigtay bisha Ramadaan in ay weeraradooda ku beegan xiliyada shacabka muslimiinta Soomaaliyeed ay isu diyaarinayaan afurka ama Saxuurta taasi oo aan la ogeyn ujeedada goonida ah ee laga leeyahay, hase ahaatee waxaa ay weeraradaasi dhaliyaan in shacabka ay cabsi ku afuraan cabsina ku saxuurtaan kadib markii weerarada xoogagaasi ay jawaab culus ka bixiyaan Ciidamada Midowga afrika ee kusugan Muqdisho
User avatar
Simra
Posts: 115
Joined: Thu Jul 15, 2010 3:30 am
Location: Suq Bacad

Re: reer muqdisho cannot break their fasting cuz of the irha

Post by Simra »

Can reer Galgadud???????????
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”