Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and worlo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and worlo

Post by moshakis_nl »

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhow oo maanta ah ku dhawaaqday Xamllo ka dhan ah ciidamada Shisheeye ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho islamarkaana lagu soo gaba gabanayo joogitaankooda.


Shir Jaraa'id oo uu goordhaw magaalada Muqdisho ku qabtay Afhayeenkada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage ayuu ku sheegay in laga bilaabo maanta ay qadayaan dagaallo Muqdisho looga saarayo AMISOM.


Xamladdan ay Mujaahidiintu ku dhawaaqeen ayaa loogu magac daray "Nihaayatul Muctadiin" oo Macnaheedu yahay soo gaba gabaynta cadawga Xadgudbay oo ah AMISOM iyo kuwa kale ee la shaqeeya.

Weriyaasha Shabakadda SomaliMeMo ayaa goob joog ka ahaa madashii shirka Jaraa'id ee Sheekh Cali Dheere qabtay waxaana lasoo bandhigay Ccidamo farabadan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin iyo Hub Casri ah.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in Xamladdan ay ka qayb qaadanayaan dhamaanba xoogaga Mujaahidiin nooc kasta oo ay yihiin iyo wilaayaadka Islaamiga ah ee dalka Soomaaliya.


Shacabka Muslimiinta ah ayey Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu baaqday in ay dagaalka ka qayb qaataan kuwa aan ka qayb qaada karina ay Guryahooda godad ka qotaan ama ay Shubabka galaan si ay uga bad baadaan duqaymaha laga yaabo in uu Cadawgu ugaysto shacabka.

Waa Xamladii ugu horaysay oo ay Mujaahidiintu kusoo gaba gabaynayaan Xasuuqa ay AMISOM ku hayso shacabka Muslimka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

Dagaalo Xoogan oo udhaxeeya Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Ciidamada dowladda kmg ah oo kaashanaya kuwa Shisheeye ayaa saaka waxay markale dib uga qarxeen degmooyin ka tirsan gobolka banaadir.


Dagaalada saaka socda oo ah kuwa aad u xoogan ayaa waxay ka socdaan degmooyinka boondhoore ,Howl wadaag iyo Waabari,iyadoona Xoogaga Xarakada Mujaahidiinta Alshababaab saaka markii ugu horeysay ay si toos ah u maamulayaan Isgoyska ee Dabka degmada waabari kadib markii halkaasi ay ka cayriyeen Ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah iyo kuwa Ahlu suna.


Wariyeyaal ka tirsan Idaacadda Islaamiga ah Alfurqaan ayaa gaaray qaar ka tirsan Jiidaha hore ee ay ka socdaan dagaalada udhaxeeya Xoogaga Mujaahidiinta iyo Ciidamada dowladda kmg ah oo ay gacan siinayaan kuwa shisheeyaha.


Wariye Maxamuud Sheekh Axmed Tooshow oo ka tirsan Idaacadda Alfurqaan ayaa saaka aroortii wuxuu khadka teleefoonka si toos ah ugu soo galay isaga oo ku sugnaa Isgoyska Dabka,waxaana wariyaha uu shaxraad ka bixiyay halka uu ku sugan yahay iyo sida ay xaaladdu tahay.



Halkan ka dhagasyo Codka Wariye Tooshow oo ku Isgoyska Dabka.


“ Imanka aan kula hadlayo waxaan si toos ah ugu suganahay Isgoyska Dabka,waxaana ii muuqda Xoogaga Mujaahidiinta oo taagan bartamaha Isgoyska,laakiin waxaan la maqlayaa rasaas iyo madaadiic xoog leh oo ka soo dhacaysa dhinaca gurigii hore ee shaqaalaha ee ay ku sugan yihiin Ciidamada shisheeye” ayuu yiri Tooshow.


Dagaalada ka soconaya Magaalada muqdisho waxaa bar bar soconaya madaafiic xooganoo degmooyinka kala duwan ee muqdisho ay ku garaacayaan Ciidamada shisheeye,iyadoona madaafiicdaas ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo aad u badan.


Wariye C/fataax Maxamed qaasim Filibiin oo isna ka tirsan Idaacadda Alfurqaan ayaa saaka wuxuu gaaray qeybo ka tirsan suuqa wayn ee bakaaraha iyo xaafadaha ku dhow dhow,wuxuuna soo sheegayaa inuu indhihiisa ku arkay dad badan oo kusoo dhaawacmay Madaafiicda Ciidamada shisheeyaha kuwaasi oo gurmad ay u fidinayaan gaadiidka Ambulance-ka ee gar gaarka deg dega ah.


Wariyayaasha kale ee Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ka tirsan ee saaka gaaray jiidaha hor ee dagaalka waxaa ka mid ah Wariye Fu’aad Maxamed Xaaji,waxaana Fu’aad uu soo sheegayaa in dad badan oo rayid ah ay wax yeelo dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaartay madaafiic Ciidamada shisheeye ay ku garaaceen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.


Dagaaladan saaka markale kasoo cusboonaaday magaalada muqdisho ayaaa waxay kusoo aadayaan Xili Xarakada Shabaabul Mujaahidiin shalay ay ku dhawaaqday Xamlo ay ugu magac dartay “Nihaayatul Mutacdiin” taasi oo lagu doonayo in guud ahaan magaalada muqdisho looga xoreeyo dowladda kmg ah iyo Ciidamada shisheeye ee garabka siinaya.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

iidamo sida gaar ah u tababaran oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha u galay Hotel Muna oo si aad ah ugu dhow xarunta Villo Somalia ayada oo xiligaas ay gudaha Hotelka ku sugnaayeen ugu yaraan 36 xildhibaan iyo tiro kale oo ka mid ah Saraakiisha DKMG-ka ah.

Wararka ay SomaliMeMo helayso ayaa xaqiijinaya in Shabaabul Mujaahidiin ay dhegta dhiiga u dartay illaa 15 xildhibaan oo ka tirsanaa DKMG-ka sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay AMISOM.

Hotel Muna ayaa la xaqiijiyey in ay deganayaan Xildhibaano gaaraya Afartameeyo ayada oo la soo sheegayo in xalay ay ka maqnaayeen 5 xildhibaan kaliya halka intii kalena ay ku sugnaayeen gudaha Hotelka.

Sidoo kale waxaa Hotelka deganaa Mas'uuliin iyo saraakiil ka tirsan DKMG-ka ah.

Howlgalkaan gaarka ah ee ay fulisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayey Xarakadu ku sheegtay in uu yahay mid ka maxad banaan dagaalkii ay Shalay Xarakadu Iclaamisay ayaga oo sheegay in howlgalkaan diyaarintiisu ay in muddo ah soo socotay.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

Wararka ay helayso Idaacadda Alfurqaan ayaa sheegaya inTaliyihii Saldhigga degmada Waabari ee dowladda kmg ah oo lagu magacaabi jiray C/laahi yare lagu dilay dagaalkii saaka ka dhacay isgoyska dabka halkaasi oo ugu dambayn ay la wareegeen Ciidamada shabaabul Mujaahidiin.

Warar faah faahsan lagama hayo qaabka loo dilay Taliyihaas balse warar soo baxaya ayaa sheegay inuu ku geeriyooday iska hor imaad kooban oo Ciidamo uu watay ay la galeen Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Xili ay doonayeen inay ka firxadaan goobta dagaalka.

Dilka Taliyahan ayaa waxa uu kusoo aadayaa Xili magaalada muqdisho maanta uu ka socdo dagaalkii ugu xooganaa ee u dhaxeeya Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa dowladda kmg ah oo gacan ka helaya Ciidamada shisheeyaha.

Dhanka kale Tv-ga Afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa baahiyay in 15-ka tirsan Xildhibaanada dowladda kmg ah lagu laayay Hotelka Munna ee degmada Xamarwayne halkaasi oo saacado ka hor ay xoog ku galeen Cutubyo ka tirsan Guutada Kumaandooska ee Meliteriga Shabaabul Mujaahidiin.

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa la filayaa in arintaasi goordhow ay Saxaafadda kala hadasho,inkasta oo warar kalena ay sheegayaan inuu aad u badan yahay khasaarha nafeed ee ka dhashay weerarkii kadiska ah ee Cutubyada Kumaandooska Shabaabul Mujaahidiin ay ku galeen Hotel Munna oo kaabiga ku haya Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

NO MORE AMSOM KILLER
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

Ugu yaraan 30-ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 85-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalo qaraar oo shalay ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda KMG, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamada AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dhinac ah iyana.


Dagaalka oo bilowday markii laga baxay salaadii casar ayaa waxa uu isku mar ka biloday fariisimo ay labada dhinac ku kala leeyihiin degmooyinka Hodan, H/wadaag, Boondheere, iyo degmooyin kale oo ka mid ah kuwa ay isku horfadhiyaan dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana rasaasta yaryar iyo tan waa weyn si weyn looga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.


Madaafiic barbar socotay dagaalka ayaa ku dhacday xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, H/wadaag, W/dhiigley, Yaaqshiid, Boondheere, Xamar weyne, X/jajab iyo degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana inta la ogyahay madaafiicdaasi ku dhintay dad ka badan 30-ruux ku dhawaad 90-kalena waxaa ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan.


Goobaha ugu daran ee ay madaafiicdu ku dhacday ayaa waxaa ka mid ahaa suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa dahablaha, Bacadlaha, Xawaanka, agagaarka shirkadda Golobol, X/weyne, X/jajab, Suuq-bacaad iyo Towfiiq, waxaana duqeyntaasi ay socotay ilaa xalay oo dhan, iyadoo aan la ogeyn tii dambe khasaaaha rasmiga ah ee ay geysatay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud {Raage} uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu sheegay in dagaalkani uu yahay sida uu yiri kii dalka looga sifeyn lahaa ciidamadaasi, wuxuuna dagaalka ugu magacdaray dabar-goynta kuwa soo duulay, wuxuuna sheegay inay ka qeybqaadanayaan mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada inay dagaalka uga qeybqaataan Maal, Fikir iyo inay dagaalka si toos ah uga qeybgalaan, wuxuuna dadka rayidka ah ugu baaqay inay dhufeyso ka sameystaan guryahooda dhexdooda ama ay gabaad ka dhigtaan guryaha shubka ah, taas oo uu ku sababeeyey in marka uu dagaalku bilowdo ay ciidamada AMISOM ka aarsanayaan dadka shacabka ah iyo suuqyada.


Dhinaca kale Afkayeenka Wasaaradda Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/risaaq Qeylow oo isna dagaalka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dagaalka khasaarihii ka dhashay ay eediisa qaadayaan kooxihii iclaamiyey ee ku dhawaaqay, wuxuuna xusay inay iska difaacayaan haddii ciidamadooda la soo weeraro.


Dhanka kale afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh Maxamuud Maxamed {Shuuriye} oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen sida uu yiri, isla markaasna ay dileen 15-ka mid ah kooxihii ka soo horjeeday, wuxuuna beeniyey in saldhigyo ciidan lagala wareegay, wuxuuna xusay inay hadda ku suganyihiin goobahoodii hore.


Sidoo kale waa isna dagaalka ka hadlay afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in hanjabaada cusub ee ka soo yeertay Al-shabaab aysan waxba ka bedelneyn sida uu yiri kuwii horay uga soo bixi jiray, isla markaasna ay iyagu mar hore u diyaargaroobeenka dagaalka Al-shabaab, isagoo aan ka hadlin madaafiicda ciidamadoodu ay ku garaacayaan goobaha ay deganyihiin dadka shacabka ah.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

Dhaawaca iyo Dhimashadii dadka rayidka ah oo sii kordhacay iyo AMISOM oo qeybinaysa Madaafiic

Waxaa aad u sii kordhay saaka khasaarihii gaaray dadka rayidka ah ee ku sugan Muqdisho ka dib markii ay dagaaalo iyo duqeymo ka qarxeen mar kale magaalada Muqdisho.

Dhimashada dadka rayidka ah ayaa sii cagacageynaysa 40 halka dhaawaca uu marayo 100 kale dagaalo socda shalay ilaa maanta

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo kan culus oo ay ku jiraan qoryaha mortarka iyo BM-ka oo ay ridayaan ciidanka AMISOM.



Madaafiicda ayaa ciidanka AMISOM waxay la beegsanayaan hareeraha suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan suuqa dahablaha igoyska Bakaaraha iyo kan Howlwadag .

Madaafiic ayaa ku dhacaya suuq Bacaad, Towfiiq, Gubta, Xamarweyne iyo xafado ka mid ah degmada Waaberi.

Dagaalo goosgoos ah ayaa haatan ka socda Degmada Boondheere halka ay xoogaa degan tahay saaka Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by AhlulbaytSoldier »

:lol: :lol: :lol:
i though the last battle was last year when umm zubayr said behind her burqa that the govt has 5 days to surrender before her boys capture villa somalia.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

HutuKing01 wrote::lol: :lol: :lol:
i though the last battle was last year when umm zubayr said behind her burqa that the govt has 5 days to surrender before her boys capture villa somalia.
one more step to kick people like u from somali
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by AhlulbaytSoldier »

You are wrong, inshallah the murtaddeen will be cleaned from ardul soomaal :up:
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by moshakis_nl »

HutuKing01 wrote:You are wrong, inshallah the murtaddeen will be cleaned from ardul soomaal :up:
u have only three options

1- run to ithopia like every somali worlord and dhabadhelf
2- run to kenya
3- swim to Yemen and Buy a house near A Y house
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Final Battle between AL Mujahdeen AND amsom killer and w

Post by AhlulbaytSoldier »

If i remember correctly it was alshabaab who fled from guriceel and dh/mareeb leaving behind their wounded comrades and deads.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”