Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Itoopiya

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Itoopiya

Post by EEGA9 »

Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Xukuumada Ethiopia.

Dooxa: (Sh. M. Network) Jabhadda ONLF ayaa maanta beenisay in uu jiro qorshe xubno ka tirsan Jabhadaasi ay kula heshiinayaan Xukuumada Ethiopia ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Ethiopia, kadib markii hadal arinkaasi ku saabsan ay sheegtay dowladda Ethiopia.

Kadib markii xukuumada Ethiopia ay ku dhawaaqday in heshiis ay la saxiixaneyso bilaha soo socda Jabhadda ONLF ayaa masuuliyiinta Jabhadaasi waxaa ay wax kama jiraan ku tilmaameen heshiisyadaasi Ethiopia ay sheegtay inay la xasiisaneyso Jabhadda ONLF.

Xuseen Max’ed Nuur oo ah madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF oo Shabelle la hadlay ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warkii maalmo ka hor ka soo baxay Ethiopia, isagoo tilmaamay in Saalixudiin oo ah hogaamiye Ethiopia Wadahadalada la galay ay horey uga saareen sanadii 2006-da kadib markii uu lunsaday dhaqaalo ay laheeyd Jabhadda ONLF sida uu hadalka u dhigey.

Madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalo culus oo inta lagu jida jiro bisha Ramadaan ay kula galeen Ciidamada Ethiopia dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho isagoo sheegay in ay la wareegeen 10 xero oo ay ku jirto xerada Caleen ee u dhaxeysa Shalaabo iyo Balanbale, isalmarkaana ay dileen sida uu hadalka u dhigey saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia.

Xuseen Max’ed Nuur waxaa uu sidoo kale digniin u jeediyay ciidamada New Police ee Maalmihii u dambeeyay dagaalada ka waday dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho, isagoona ugu baaqay in ay hubka dhigaan mudo bil gudaheed ah hadii kalana talaabo ay ka qaadi doonaan.

Warkaani ka soo baxay Jabhadda ONLF ayaa imaanaya xili dhawaan la taliyaha dhinaca maanka ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu sheegay in bilaha soo socda ay heshiis la gali doonaan xubno ka tirsan Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho.

Xogasho: Shabelle.net
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Itoo

Post by Queen_Arawello »

:up: :up: :up: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”