Habarjeclo top 5 best poets

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Habarjeclo Best top 5 poet

Poll ended at Sun Aug 29, 2010 1:27 pm

1 Salaan carabay
3
20%
2 Gamuute
5
33%
3 ina nuur fadal
1
7%
4 Kitifiqiye
3
20%
5 hadraawi
3
20%
 
Total votes: 15

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

1 Salaan carabay
2 Gamuute
3 ina nuur fadal
4 Kitifiqiye
5 hadraawi
In that particular order
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by LiQaaye_TDH »

Salaan Carabay is obviously Number 1, but Number 2 always go to Ilma Fadal :clap: :clap: :clap:
Runloow101
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 353
Joined: Tue Apr 22, 2008 3:33 am
Location: Ilaahoow adaa weyn.

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by Runloow101 »

The_Emperior5 wrote:1 Salaan carabay
2 Gamuute
3 ina nuur fadal
4 Kitifiqiye
5 hadraawi
In that particular order
1. Salaan Maxamed
2. Dirir Warsame
3. Max'd Nuur Fadal
4. Gammuute
5. Guniyo baar eeg or Max'ud Daalin
Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by Ceelafweyn »

I would say

1. Salaan Carabey
2. Kitefiqe
3. Ilma fadal
4. Dirir Warsame
5. hadrawi - he tries to be impartial (you simple cann't be ur either somalilander or not) :D
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by HooBariiska »

i think gamute is the best, his poems about geela and gumaysi nacaybka are outstanding. Followed by salaan carabey. I am not a big fan of hadraawi, laakin i like that maxamuud salabeen waraabe guy, :up: :up:
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by GENERAL_SNM »

1, M Nur Fadal :D
2, Salan Caraby
3, Gacmadhere
4, Gammutte
5, M'med daalin
6, Hadrawi
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

GENERAL_SNM wrote:1, M Nur Fadal :D
2, Salan Caraby
3, Gacmadhere
4, Gammutte
5, M'med daalin
6, Hadrawi
Tadu wa qabyalad Nuur fadal was a great poet but not better then salaaan carabay
Nur fadal laakin wuxu helley copka geel amaanka of all somalis
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

This is gamuutes anticolonial poem there is also a poem he made about ismidh :lol:

Maxamed Cabdulle Cali "Gammuute", (HJ)
Gabaygan wuxuu abwaanku curiyey mar uu yimid magaalada Burco oo waagaas uu ka talinayey gumeystihii Ingiriiska. Maalmahaas uu Gammuute yimi magaalada waxa lagu xidhay oday ka mid ah madax-dhaqameedyada deegaanka oo ka soo horjeestay Gumeystaha Ingiriiska. Madal la isugu yimid ayaa rag odayaal ahi kaga codsadeen inuu gabyo markaasuu marshey tixdan dheer ee taariikhda gashay:
1. Uugaabo gabay waanigaan, ururrin waayaha’e
2. Asaraar siduu uga dhacee, rag ugu eedoobay
3. Ee niniyo eray loo helee, loogu alalaasay

4. Il masaarin maansada haddaa, igu ogaydeene
5. Caawana shirkaan ka aqbalee, ma ambaqaadeene
6. Haddaan aynigaygiyo cimriga, iniq ka faalleeyo

7. Wadaadkii inkaaraha qabay, ee ulayey duulaanka
8. Ee beladka oogtiyo ka shiday, awgii dami waayey
9. Arba kuraya anigoo ah buu, oosha soo galaye

10. Artala iyo tiig baanu niil, iyo idhanka beereede
11. Illin geela baan raaci jiray, qaarna awr yahaye
12. Guun abwaana baan ahay haddaa inan imoodeene.

13. Abaarii horaan joogay iyo, ololkii luufluufe
14. Ninkaygaa arkeysaan waxaan, anigu soo joogay
15. Abnawaas gaboobiyo waxaan, odayo ii sheegin

16. Afar wiil hal loo soo lisay, ay in iska reebeene
17. Caawana abeerkii dhalaan, inan yar deeqayne
18. Ibtiloobe qaalmii ratiga loo unuun jaraye.

19. Waa duni waxaa lagu arkiyo, aakhir sebenkaase
20. Ma onkoday sidii roob gu’oo, oogo ka hilaacay
21. Ma amleeyey sida aar ka ciyey, alabla guudkeeda

22. Ma alwaday sidii eeridhaba, ay ku kala baaday
23. Ma addimay sidii macalimkoo, uunka kicinaaya
24. Ma asteeyey sidii sheekh cilmiga, aad u garanaaya

25. Ma akhriyey Ilaahbay baroo, waan aqoon jiraye
26. Amin gaaban weeyee intaan, uunku kala seexan
27. Abshir dhaha Allaa ii sakhiray unugta geeraare.

28. Ilaahay markuu ina khalqay, ee ina abuuraayey
29. Insi iyo jin waxa keliyahee, Eebbe uga jeeday
30. Ee nebbiga loo soo idmiyo, aayadaa digaya

31. Addoomuhu cibaadiyo inay, amarka qaataane
32. Islaamnimo markii laga tegay, ee la intihoon waayey
33. Ee laga ambaday waadigii, aayihiyo kheyrka

34. Ee eebo mawdiyo runtiyo, daacad la ilaaway
35. Inkastay caradu aba' lahayd, ama umaag cawsa
36. Uu dirir ku oogtuu raxmaad, rayska ka aroorsho

37. Tayo iyo uraad maleh beryahan, ubaxa geeduhuye.
38. Waa duni ajoowdoo kufriga, lagu adeecaaye
39. Waa duni arkaantiyo xaqii, oodda loo rogaye

40. Waa duni Illaah leeyahoo, aadmi laylyadaye
41. Waa duni indhii laga ridiyo, araggi faayaaye
42. Waa duni iblays iyo fircoon aalada u tumaye.

43. Waa duni raggii aad ahaa, aakhiruu kacaye
44. Waa duni akhyaartii tagtoo, obollos joogaaye
45. Waa duni qof wacad oofiyaa sii iqriir yahaye.

46. Waa duni qofkaad aamintaa, seed ku aayiriye
47. Waa duni aqoon kaad biddaa, eexo taliyaaye
48. Waa duni abaalkaad gashaa eed ku tarayaaye.

49. Waa duni amaahdii dorraad, la inkiraayaaye
50. Waa duni arsaaqday lahayd, la arfacaayaaye
51. Waa duni ilmaha aad dhashaa ku asaraaraaye.

52. Ma egmado hadduu toban jir yahay, wiil adoo dhalaye
53. Waa duni amleey lagu rogiyo, olole maadhiine
54. Waa duni ilmaadeeradii, kala irdhoobeene

55. Kuwii uur kasoo wada dhacaa, obo' la moodaaye
56. Waa duni ninkii jara arwaax, lagu ammaanaaye
57. Waa duni utuno sheelan iyo aano loo rogaye.

58. Waa duni waxaa lagu arkiyo, aakhir sebenkaase
59. Ma onkoday sidii roobka gu’oo, oogo ka hillaacay
60. Ma amleeyey sida aar ka ciyey, alabla' guudkeeda

61. Ma alwaday sidii eeridhaban, ay ku kala baaday
62. Ma addimay sidii macalinkoo, uunka kicinaaya
63. Ma asteeyey sidii sheekh cilmiga, aad u garanaaya

64. Ma akhriyey Illaahbay baroo, waan aqoon jiraye
65. Amin gaaban weeyee intaan, uunku kala seexan
66. Abshir dhaha Allaa ii sakhiray nugta geeraare.

67. Iyagoo ayey leh iyo bahiyo, hooyo iyo aabbe
68. Aan rugtay ku ababtiyo ka tegin, weli ardaagooda
69. Waa duni hablaha ugubi ay, ila xidh goostaane

70. Iyagaa aroostee beryahan, looma awr dayo’e
71. Waa duni raggiyo ooryihii, kala ordaayaane
72. Sidii gaban ardayahoo asuul lagu adkeynaayo

73. Waa duni afadu sayga qaba aamus leedahaye
74. Intaan aqalka qaadiga la baran waanu ka adkeyne
75. Sidii aar asayn gaas watoo ula abaaraaya

76. Ama geel ugbaad lagu wadoo oogo ku hayaansan
77. Adhli ruumka waatay daraad urursanaayeene
78. Usha lalama dhaco hadala waa lagala oo’aaye

79. Adduunkiina waa looga tegay agagas mooyaane
80. Afkaagay ilaashaan siday ku edbinaayaane
81. Haddii laba qabiiloo asala eedi kala gaadho

82. Ab ogaayadaa baadhi jiray eelka kii wada’e
83. Iminkana irdaha gaaladay kula itaalaane
84. Afarta koodhka iyo caaqilkiyo eyga daba jooga

85. Iyo waxaan askari goyni waa ibba daboolmaane
86. Axdi layska qaadiyo ma jiro marag adeegaaye
87. Hadba kii anfaco laga helaa loo ingaydhyahaye

88. Waa duni intaho wayday iyo saliyo iimaane
89. Asma fiqi lahaa iyo suldaan talo abyaageeda
90. Waa duni ugaasyada maxkamad alif la taagaaye

91. Waa duni amaaniyo la cunay hilib agoomeede
92. Waa duni ashraafiyo la dhacay nimankii reer awe
93. Meeshiyo albaabada makiyo aradka nayroobi

94. Waa duni akhbaarkii ka dhacay eega kuu imane
95. Ibtilaha wax dhigay raadyihiyo udubka waarliise
96. Waa duni axmaarkii shawana agabaraystaaye

97. Iglan baaba laga keenayaa ubadkii reerkiine
98. Oomanii saraareed dermiyo eexo iyo dhoodi
99. Arbaxaale ilaygii cawaley idhankii baargooye

100. Bali egen abeesaale iyo eegi iyo tuuro
101. Aleen kama sanqadho shiilcaskiyo xagarkii awdnaaye
102. Irdihii biyaha waxaa la dhigay aarmi iyo xooge

103. Udubkii runduday caynka carar adhaxda jiilaale
104. Omosbaa la tubay nugulka iyo adhi ku nooshiiye
105. Aflo’aadle reerihii ku jiray soo amaaradiyo

106. Awaare iyo digbay moodharadu alambasaayaane
107. Afar shaaglahaa mara halkay idil ku beerayde
108. Dhulkii ayro lagu foofin jiray laga ugaadhawye

109. Iskuulaaba laga jeexayaa aydii dhagaxleeye
110. Waataa Adari iyo laysku xidhay koonfur iyo Eyle
111. Waa duni abbaanduulihii loo adeegsadaye

112. Waa duni laka iibsadoon lana ogaysiine
113. Bahal samada eeraabayoo aad u kala jeexay
114. Adimada ku soconaynin oo la’amba qaadaayo

115. Waa duni waxaa lagu arkiyo aakhir sebenkaase
116. Ashaahaada inuu ebaheen inna haleelsiiyo
117. Ooynaan ansaariyo ku dhiman ehelu naar miidhan
118. Faataxada soo wada akhriya waa amour culuse.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

By the habarjeclo salaan carabay is leading head :up:
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by HooBariiska »

smiidh :D :D :D aka Smith,

gabaygaa waan maqlay, waa gabaygii uu leeyahay umada somalidu waa isku wada isir iyo waa ka amaan....
from tumaal to darood
"dadku waa isku isir, dhamaan reer nabi aadam"
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

So far these guys are leading ogaden side raage ugaas and ina abdila hassan is a tight each got one vote so we dont know


Sicid qamax
Salaan. carabay
Xasan tarabi
Cali jamac haabil
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

hadraawi and salaan carabay its a tight
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by Rightwing »

The_Emperior5 wrote:hadraawi and salaan carabay its a tight

Emperior

Sxb. Hadraawi ma gabyo. Mutidiisu waa jiifto, Heeso iyo geeraar.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

haa laakin mar mar bu afaray tiriya
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Habarjeclo top 5 best poets

Post by The_Emperior5 »

Hj do u guys agree gamuute best hj poet?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”