Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dheer

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dheer

Post by AhlulbaytSoldier »

Why does he accept this yet he makes takfiir on sharif's government(which agreed to shariahlaw)???
The only answer is: Qabiilism!




culimo waaweyn oo ay ka midyihiin Sh.umal Sh.shibli iyo Sh.Craxmaan Sh.cumar o bayaan ka soo saaray heshiiskii dhexmaray ururka UWSLF iyo itoobiya
By SomaliMirror on 26 Aug, 2010 1:01 AM in Baaqyada, Fataawi, Main, Wararka

bayaan ay ku saxiixanyihiin culio waaweyn oo ay ka mid yihii Sh. umal Sh.shibli iyo Craxmaan sheekh cumar ayaa bayaan ay ka soo saareen heshiiskii dhexmaray ururka UWSLF iyoitoobiya soo gaarsiiyay shabakadda somalimirror wuxuuna u qornaa sidan


Qodobada qoraalka:



1. Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?
2. Hordhac lagama maarmaan ah
3. Maxaan ka qabnaa heshiiska?
4. Maxaan ku dhisnay soo dhaweenta heshiiska?
5. Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?
6. Xukunka raggii heshiiska galay?
7. Talooyin:



Culimada Qoraalka soo saartay
1. Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal.
2. Sh. Maxamud Sh. Maxamed Shibli.
3. Sh. Maxamed Shaafici Khaliif.
4. Sh Cabdiraxman Sh Cumar.
5. Sh. Xasan Ashkir Ibraahim.

Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?



Waayahan danbe waxaa si balaadhan warbaahintu u qaadaadhigaysay heshiiskii ay jabhadda ( UWSLF) la gashay dowladda Ethiopia, ayadoo aragtiyo kala gadisan laga qaatay.
Waxaase xusid mudan in culimo aan kamid nahay magacyadooda warbaahinta laga xusay, ayagoo loo tiirinayo dushana laga saarayo waxyaaba aysan waxba ka ogayn & mawaaqif aysan lahayn ayagu.
Arintaasi markay dhacday dhowr goorna ay soo noqotay kadib ayaa waxaa qasab noqotay inaan cadeynno xaqiiqada jirta & sida ay wax u dhaceen.

Hordhac lagama maarmaan ah



Waxaan jecelnahay inaan marka hore caddeynno in annaga oo ah culimada ku saxiixan bayaankan aannan waxba kala soconin, tashina nalaga galinnin heshiiska xabbad joojinta markii lagalayay, balse waxaa nala soo gaadhsiiyay markii lagu kala tagey dhaqan galentiisuna billaabatay kadib.
Sidoo kale nalooma keenin mana aannan akhriyin qodobada heshiiska intaan lasaxiixin, balse wuxuu nuqulka qodobada heshiisku nasoo gaadhay markii lagu kalatagay xafladii saxiixa kadib.

Maxaan ka qabnaa heshiiska?



Markay xabad joojintu soo baxday, si rasmi ahna loogu dhawaaqay, ayna muuqatay in loo socdo heshiis dhamaystiran oo lala galayo dowladda Itoobiya, si taxadar leh ayaan usoo dhawaynnay arinkaas guud ahaan.


Maxaan ku dhisnay soo dhaweynta heshiiska?

Soo dhawaynta heshiiska ladamacsanyahay balse aan wali qodobadiisu soo shaacbixin waxaan u cuskannay oo aan ku dhisnnay laba qodob oo lagama maarmaan u ah arin kasta oo miisaanka sharciga la saarayo, waana kuwan:



A ) waaqica xogtiisa
Cid kasta oo si dhab ah uga warhaysay waqtiyadii dambe xaaladda jabhadda & dadwaynaha gobolka daga ee muslimka ah, waxaa qasab ah inuu wax badan ka ogyahay xaqiiqadan hoos ku qoran:
1) Jabhaddu muddo dheer ayay dagaal kusoo jirtay, Dagaalkaa oo aan dhul lagu qabsanin, dacwo iyo diin faaftana aan waxba ku kordhinin.
2) Markii maskax fayow oo cilmi leh lagu fiiriyo natiijadii dagaalka waqtiga dheer socday iyo duruufaha hadda ku xeeran wuxuu malahiisu u badanayaa inuusan xaalku wax ka soo raynaya u muuqanin.
3) Bulshada muslimka ah ee dagan gobolkaa waxaa ku dhacay mudadii dagaalku socday dib dhac wayn oo dhanka diinta iyo aduunyaba leh, oo waxaa faafay jahli iyo afkaar ka horjeedda tawxiidka iyo sunnada, maadaama culimadii iyo ducaadii laga dhexsaaray magaalooyinkii ay bulshadu daganayd, taasoo fursad siisay afkaartii khaldanayd iyo jahli aan caadi ahayn.

B) Usuusha shareecada
Arinta markii la saaro miisaanka shareecada, lagana daayo xamaasadda iyo ficiltanka aan miisaannayn ee miithaaliga ah, waxaa soo baxaya inay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo qawaaciddan sharciga ah ee hoos ku xusan:

1) Waxaa si cad ugu qeexan quranka & sunnada nabiga (S.C.W.) in gaalada dagaalku nagala dhexeeyo lala geli karo heshiis nabadeed, waa haddii ay maslaxada muslimiintu sidaa ku jirto.

2) Waxaa kale oo sugan inay dhici karto hadii ay duruufi keento in ayadoo qayb muslimiinta kamid ah dagaal kula jirto gaalo, qayb kalana uu heshiis dhexmari karo, waana masalada loo yaqaano (تجزؤ العهد) arintaana waxaa cadeeyay quraanka aayada (72) ee suuratul anfaal iyo sunnada sida ku cad qisada Abubasiir ee saxiixulbukhaariga ku timid, iyo qisada xudeefa iyo aabihii ee saxiixulmuslim ku timid.
3) Waxaa kale oo quraanka & sunnadu cadeeyeen in jihaadka hubaysani uu wasiilo u yahay jihaadka kalimada, (dacwada) & inuu tirtiro ama yareeyo shirkiga & in dadka diinta laga fitneeyo, sida uu Allaah yidhi (وَيَكُون الدِّين كُلُّهُ لله وَقَاتِلوهُم حَتى لا تَكُون فِتنَة)

4) Culimada aqoonta dheeraadka ah u leh cilmiga loo yaqaanno (علم المقاصد) sida سلطان العلماء العز بن عبد السلام iyo الإمام الشاطي iyo شيخ الإسلام ابن تيمية waxay cadeeyeen in hadii uu tasarufku ama wasiiladu xaqiijin waydo ujeedadii & maslaxadii loogu tala galay, ama nusqaamiso oo ay dhib u gaysato inaysan shareecada waafaqsanayn ayna lagama maarmaan tahay in la saxo. كل تصرف شرع لمقاصد بطل بفوات مقاصده أوبعضها) )( )



5) Sidaa darteed hadii jihaadka seeftu keeni waayo towxiidka iyo sunnada fiditaankooda, fitnada iyo shirkiguna inay bataan mooyee uusan waxba kadhimin, ma aha jihaadkaasi kii quraanku sheegay, sidaa darteedna wuxuu u baahan yahay in dib loo fiiriyo oo lagu noqdo sharciyadiisa.

6) Hadii ay mas�uuliinta jabhadda (UWSLF) iyo culimadoodu u cadaato in qorigii uusan xaqiijinnin maslaxadii shareecadu ugu talagashay, raja badanna aan laga qabin inuu hadda kadib wax soo kordhin doono, isla markaana laystuso inay kubadalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh.



Hadday masaladu sidaas tahay waxaa fiqhi darro lagu tilmaami karaa in la yidhaahdo ku soco jid loo badinayo in uusan keenaynnin guul dacwo iyo mid millatari toona, oo taa macnaheedu waxaa weeye waxba yaysan kuu badbaadin.



7) Waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado qoriga & jihaadka hubaysani inaysan ka hoos baxsanayn miisaanka wayn ee axkaamta shareecada oo dhami ay hoos timaaddo loona yaqaanno ( قاعدة المصالح والمفاسد ), taasoo sheegaysa wax kasta oo dhibkiisa & mafaasidiisu kabadato dheeftiisa & maslaxadiisa inuu noqonayo xaaraam, xataa asalkiisu waajib ha ahaado markii hore( ) .
Sidaa darteed in larumeeyo oo lagu qanco in mar walba, xaalad walba & wakhti walba uu qorigu maslaxo yahay mafsado raajix ahna uusan marna yeelan Karin, waa nooc kamid ah waxay shareecadu u taqaanno ( الغلو فى الدين ) oo macnihiisu yahay xadgudub & kabad badis diineed.
Qawaaciddaa & kuwa lamid ah ayaan ku dhisnnay soo dhawanytii aan soo dhawaynnay heshiiska xabad joojinta & nabadda.



Kadib maxaa dhacay?



Waxay kadib – Xabad joojintaa aan sidaas ku soo dhawaynnay – jabhaddu billowaday inay isu diyaariso heshiiskii rasmiga ahaa, iyo qodobadiisa waxaanan markaa kula talinnay inay aad isaga ilaaliyaan intii suurto gal ah, wixii tanaasul ah ee kusaabsan diinta & arimaha aayaha u ah ummadda, wakhti kadib waxaa xigtay inaan codsannay nuqulka qodobada heshiiska intaan lasaxiixin si aan talo sharci ah ugu biirinno, wixii aan haboonaynna tala bixin uga gaysanno intii suuro gal ah, Laakiin nasiibdarro arintaasi masuuroobin, sidaa darteed waxba maannaan ka ogayn qodobada heshiiska ee lakala saxiixday intaysan banaanka usoo bixin.



Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?
Waxaa lagama maarmaan ah in laka saaro labadan arimood.



1) Heshiiska guud ahaan & in hadii ay adkaatay in dagaal wax lagu keeno lagu badalan karo dacwo & jihaadka kalimada oo ah inta ay culimadu soo dhaweeyeen.



2) qodobada heshiiska oo markay soo baxeen kadib uun la ogaaday inay xambaarsanyihiin khaladaad waawaayn oo ay ahayd inaan la aqbalin asal ahaan.
Waxaa noo muuqata in aysan adkayn in qodobada heshiiska badankood loo heli karo meelayn sharci ah markii lagu dhiso ( فقه حالة الإضطرار، وفقه الأقليات المسلمة ) ee aan lagu dhisin (فقه حالات الإختيار ).

3) Waxaa noola culus qodobada heshiiska inay jabhaddu ogolaato oo ay waafaqdo u hogaansanka dastuurka Ethiopia, iyo dhammaan qawaaniinta wadanka, sida ku cad qodobka (1)aad faraciisa (5)aad, waana waxyaabaha burin karaya islaamnimada, isla markaana keeni kara gaalnimo, arimaha sidaas oo kale ahna waxaa lageli karaa kaliya markay kugu timaaddo xaalad khaas ah oo shareecadu u taqaanno ( الإكراه الشرعي بشروطه المعتبرة), taas oo la isla ogol yahay, ama daruuro aan gaadhsiisnayn ikraah, sida ay qabaan culimada qaarkood ( ).



4) Waxaa baraarujinn mudan in la ogaado in masaladani tahay mid ka guda weyn qadiyadan oo xukunkeedu saamaynayo muslimiinta joogta dhamaan meelaha looga badan yahay ama looga awood roon yahay ( الأقليات المسلمة ) oo ay tahay qadiyad xukunkeeda ay wadaagayaan malaayiin muslimiin ah, waxaana soo galaya dhamaan arimahan soo socda:
( qawaaniinta oo la aqbalo in loo hogaansamo (si cad ama curfi ah), ama loo codeeyo inay hirgasho, ama la doorto xubinkii baarlamaan ee dajin lahaa, ama la qaato aqoonsiyada shardiga ay u tahay u hogaansanka qawaaniinta, iwm ).
Intaan ognahay mushkiladan haysata muslimiinta ku nool meel kasta oo aan sharciga Allaah looga dhaqmin maannaan arag wax culima ah oo wadartooda ku gaalaysiiyay arimahaas, waxayna ku xanbaareen laba midkood:

1- In ay dadku yihiin Mukrahiin aan lahayn khiyaar kale.



2- In ay ku jiraan xaalad daruuro oo loogu cudurdaari karo.

Intaas oo dhan waxay keenaysaa in waxii isku mid ah lasiiyo xukun isku mid ah, asal ahaana ay wadaagaan waxii cudurdaar ah, oo ay khalad tahay in la kala farqiyo sabab la’aan.



Xukunka raggii heshiiska galay?




Waxaa noo suurto gashay inaan walaalaha waydiinno waxa ku kalifay inay arintaa aqbalaan oo ay saxiixaan, waxayna noogu jawaabeen inay isku qanciyeen in uusan u furnayn khiyaarka diidadu, oo ay ku qasbanaayeen (مكرهين) haysatayna xaalad ay rukhso u heli karaan inay saxiixaan qodobka ku saabsan dastuurka iyo qawaaniinta Itoobiya, ayna tahay sidii Allaah yidhi: { مَن كَفَرَ بِالله مِن بَعدِ إيمانِهِ إلا مَن اُكْرِهَ وَقلبُه مُطمَئِن بِالإيمان}iyo {إلا أن تتقوا منهم تقاة }



Waxaa kale oo ay isku qanciyeen in ummad dhowr milyan ah badbaadinteedu ay tahay daruuro loo geli karo arintaan oo kale.
In kastoo dhinacyada qaarkood aan kaga aragti gadisanahay, hadana labadaas arrimoodba waa wax lagu kala aragti duwanaan karo, laakiin waxaa dooddaa walaalaha na dhexmartay nooga soo baxday inay ahaayeen muta�awiliin (متأولين) wax ku dhisay labadan arimood:



1) In daruurada aan ikraaha gaadhsiisnayn gaalnimo loogu dhawaaqi karo.



2) In xaaladda ay ku sugnaayeen noqon karto ikraahii shareecadu sheegtay.



Waxaa kale oo aan shaki kujirin in labada mas’alaba ay ka qarsoomi karaan in badan oo culimada kamid ah, iyo ardayda (طلبة العلم) caamada iskaba daaye, sidaa darteed waxaa khalad iyo xad gudub noola muuqda in la gaalaysiiyo ragga heshiiska galay lafahooda, (تكفيرالأعيان) oo riddo lagu xukumo, ayadoo ay caddahay inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين ) ama markay ugu yartahay ay jirtay shubhatul ikraah ( شبهة الإكراه ) .( )
Waayo waxaa la ogyahay in mad-habka saxaabada iyo salafku uu ahaa inaan muta’awilka noocaas oo kale ah lagaalaynsiin Karin ilaa xujada lagu oogo shubhadana laga zuuliyo, inta ay shubha jirtana aan qofka xukun iyo xuduud lagula deg degin.
(لاتكفير لأهل الخطأ في التأويل السائغ حتى تقام عليهم الحجة وتزال عنهم الشبهة ).
Waxaase ayadu xadgudub iyo ka badbadis (من الغلو) ah in lagaalaysiiyo cid kasta oo u fatwootay ama taageertay ama ku faraxday.



Talooyin:



Gabo gabada maqaalka waxaan jeclahay aniga iyo culimaduba inaan walaalaha u dardaaranno.



1) Inay walaaluhu laasimaan alle ka cabsiga iyo ilaalinta diinta iyo inay Allaah danbi dhaaf ka waydiistaan dhammaan wixii khaladaad ah ee dhacay.
2) Inay ujeedsadaan xoogana saaraan faafinta dacwada iyo towxiidka, ayagoo iska ilaalinaya wax



kasta oo arintaa carqalad ku keeni kara, kana faa iidaystaan waaya aragnimada ay kadhaxleen mudadii dheerayd ee ay dagaalamayeen.



3) Inay ka fogaadaan siyaasadda wasakhaysan si aysan sumcadooda u dhaawicin kadibna dacwada dhib ugu gaysannin, kaalintooduna ay noqoto inay naseexo culimanimo & tala bixin ay siiyaan kolba ciddii ummadda taladeeda haysa.



4) Inay iska ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara in loo adeegsado dagaal lala galayo dad muslimiin ah, gudaha ama dibadda dalka .



5) inay tallaabo kasta oo ay qaadanayaan hadda kadib aad looga fiirsada dhinacyo badanna laga daraaseeyo gaar ahaan dhanka sharciga:



Waxaa qoray/
1) Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal…………………………………….Date 21/08/2010



2) Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar…………………………………………. Date 21/08/2010



3) Sh. Maxamed Shaafici Khaliif…………………………………………….Date 21/08/2010



4) Sh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli…………………………………….Date 21/08/2010



5) Sh. Xasan Ashkir Ibraahim……………………………………………….Date 21/08/2010
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by Shirib »

Only in your twisted head did he make takfiir on the dowlad. The only thing he said about them was that they were wrong to vote on a thing such as Sharia law.

When did Umal call anyone in that dowlad gaal?
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13996
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by DR-YALAXOOW »

of course WAHAAABI sheikh excepts UWSLF surrender to ethiopia and except the ethiopian constitution whit out condition, sheikh wahaaabi and hes fellow munaafiqiin wahaabis sheikhs are known qabiiliiste, when reer tolka does something thet will always make the fatwas which they agree what ever reer tolkoood does.

in the other hand POOR PEOPLE OF MOGADISHU and south somalia the genocide war agains reer mogadishu which wahaabis al shabaaab is committing, wahaabis sheikh like umul and other munaafqiins call it jihaaaad. and when TFG was built in jabuuti UMUL made long speech which he deaclared TFG as kuffarr goverment despide TFG contition ku saleeysan yahay on KITAABKA QURAANKA, while ethiopian consition is from on kitaabka kiristaanka.

UMUL and other munafiqiiin wahaabis live the comfortable live in KENYA, THE HOLD KENYAN PASSPORT WHICH MEANS THE REGOCNISE THE SECULAR constitution OF KENYAN REPUBLIC. UMUL WAS BORN IN KILILKA SHANAAD ETHIOPIA AND HES ETHIOPIAN AND HOLD KENYAN CITIZENSHIP SI BEEN ABUUR AH AYUU KU QAATEY DHALASHADA KENYA.

laakin waxaas oo dhan waxaa ka sii xun hutus like CALI DHEERE NACALADI HAKU DHACDEE AND XASAN MA DAAHIRE AWEEYS who massacre their own people while others like umul care their qabiiils.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by AhlulbaytSoldier »

Shirib wrote:Only in your twisted head did he make takfiir on the dowlad. The only thing he said about them was that they were wrong to vote on a thing such as Sharia law.

When did Umal call anyone in that dowlad gaal?

he said the dastuur is pure gaalnimo.

what do you not understand, shirib???


Waxaa laga yaabaa caamadu in ay in badan ku wareerto in lagu gaaloobo aqbalitaanka dastuur ama qawaaniinta iyo in kale laakiin taas waxaa caddeeyey sheekh Maxamed Umal iyo sheekh Shibili muddo aan saas u fogayn kahor. Sheekh Umal oo ka hadlay dastuurka Jammuuriya Soomaliya Sharif Sheikh Axmed, Janaqow, iyo rag kale xukumaya si aad u dhagaysato Halkaan Riix Ama Guji .Sheekh


http://www.somalimemo.net/index.php?opt ... 48:wararka


he says: where is your islaamnimo? with other words, such people who accept dastuur have no islaamnimo. Pure takfiir.
now look what he says about his clansmen who accepted a christian law, and handed over their weapons.
Are they better than this government(agreed to shariahlaw)?
Aliyyi Oromada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 541
Joined: Tue Oct 21, 2008 10:18 pm

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by Aliyyi Oromada »

Sheikhs are human. They are not infallible. You only follow them when they are right.

The truth is, in Ethiopia.. both within Somali and Oromo regions, secularist fronts are more patient, more determined, more willing to endure hardship, than so called Islamists. A land of 10 million Sheikhs, yet its always the leftist university students like Meles, Isayas, Galaasa etc. who are vying for power, fighting, killing, living in the bush, under enemy fire etc. so that one day they could rule the country and govern it how they want and tell the Sheikhs what to do. There is a reason he is in Kenya, and Meles is a king in his country.
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by LobsterUnit »

Sheikh Umal attacked the Shariff government as he personally met some of them in Nairobi and they admitted that they conceeded on Sharica implementation. But he never made takfir on the SHariff government. His original khutba is widely available on the net and he stopped short of making takfir. WHat this means is that there can be certain barriers or impedients to takfir such as the existence of religious doubts, ignorance and so on. Furthermore, saying an action is kufr does not always meant there person is being declared a disbeliever. This is what these Ulema are arguing in the case of Ibrahim Dheere. Sheikh Hassan is arguing otherwise and he made full takfir on them. One can disagree or agree with either group, but accusing the ulema of tribalism is an ill advised option.
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by Talo alle udaa »

Bal eega waxaa meesha ku qoran, waa wax aan cadeyn, laguna tala galey in qolo kasta si gaar ah loo qanciyo. Walee Culimadan far baa ku qodan.



Culimada wahaabiyada ee hore waa lawada ogyahay meeshey ka taaganihiin gaalo la miicansado, ayagoo aad ugu dheerada mas'alada la yiraah "al wala wal bara" oo eey kusoo aroortey ayaado tiro badan, laguna gubaabinayo mu'miniintu in eey ka bari noqdaan gaalo, safkoodana laga fogaado.

Culimadan waayahan danbe ee wahaabiyada ku abtirsada, kuwooda soomaalida ah, siiba kuwa Ictisaam eey puntland/somaliland jooga ayaa "maslaxo" marmarsiiyo ooga dhiga sida kooxda shariifka iyo Ibraahim dheere in ethiopia lala heshiin karo, amsiom lala garb dagaali karo, si alshabaab arlada laga nadiifyo.
User avatar
Berke
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1499
Joined: Sat Sep 16, 2006 10:40 pm
Location: Saluda al campeón

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by Berke »

What is Shiekh Cumar Faaruuq's take on the government and Al shabab?
qardasay
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 745
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm

Re: Umal accepts peacetreaty UWSLF & Ethiopia..Warbixin dhee

Post by qardasay »

After he was elected sheik sharif was afraid to say " We will introduce Sharia law in somalia" dhoor usbuuc wuu aamusnaa. Culimada iyo odayaasha beesha hawiye waxay ugu tageen gurugiisa. The Western Media iyo Afhayeenka AMISOM waxay dhahaayeen "There will be no Shariah law in Somalia.

Somali leader agrees Sharia law

"The mediators asked me to introduce Islamic Sharia in the country and I agreed," Sheikh Sharif told reporters.

http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/7916937.stm
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”