What is Wasiirka Arimaha dibedda doing in UK?
Posted: Wed Aug 25, 2010 8:08 pm
Wasiirka Arimaha dibedda oo aan soo booqan qusulka magaalada London isagoo muddo sadex wiig ah ku sugan UK.
London(Oodweynenews)- In dhoweydba waxa boqortooyada wadanka Ingiriiska ku sugnaa Wasiirka Arimaha dibedda ee Somaliland Dr Mohamed A Omar.
Dr Mohamed oo dhowaan ka mid noqday wasiirada loo doortay wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland ayaan weli la kulmin shacbiga reer Somaliland oo ilaa iminka ogayn sababta uu u joogo UK.
Waxay ilo ku dhow dhowi noo sheegeen inuu weli wato shaqadiisii hore ee ahayd macalinimada isagoo wax ka dhiga jaamacadda London School of Economics UCL. Hadaba anaga oo dhowaan kula xidhiidhnay khadka telefoonka ayaan wax jawaab ah ka helin Wasiir Dr Mohamed Abdullahi.
Mar aan la xidhiidhay Qunsulka Somaliland eek u taala bariga London Mr Dahir Tukale ayaan weydiiyey inuu safiirku weli u yimidsafaaradda, waxaanuu ii sheegay inaanu weli iman laakiin ay iyagu soo booqdaan.
Hadaba isaga oo haya xil ka mid ah xilalka ugu waaweyn Somaliland ilaa hadda lama garanayo waxa uu ka qabanayo UK. Waxa keliya oo uu labo usbuuc ka hor ka khudbadeeyey aqalka lagaga hadlo arimaha Africa.
Hadaba Wasiirku maxaa kelifay ee uu ula kulmi waayey shaqaalaha safaaradda ama Qusulka ku sugan.
Dawaladdan dhowaan la doortay ee u badan qurbo joogu side bay isula jaan qaadayaan arimaha dantooda ah iyo inay qabtaan hawlaha looga baahanyahay inay u qabtaan shacabkooda.