Page 1 of 1

Day 3 of fighting: 29 Dead in Xamar

Posted: Thu Aug 26, 2010 4:19 am
by Executive
Dagaallo weli ka socda magaalada Muqdisho, iyo khasaaraha ka dhashay duqeyntii shalay oo korortay

Talaado, August 24, 2010 (HOL) − Dagaallo iyo duqeymo ayaa saakay dib uga qarxay magaalada Muqdisho, kuwaasoo daba socda dagaallo iyo duqeymo khasaare badan geystay oo shalay gallinkii dambe bilowday, socdayna xalay oo dhan.

Saakay ayaa waxay dagaallo xooggan ka bilowdeen degmooyinka Boondheere iyo Hodan, halkasoo ay isku horfadhiyeen ciidamada dowladda, kuwa Ahusunna iyo AMISOM, waxaana barbar socda dagaalladan duqeymo ay dhinacyadu ridayaan.

"Madaafiic ayaa ku socda suuqa Bakaaraha, waxaana hakad ku jira ganacsiga oo dhan, dadku way ka cararayaan suuqa oo ay madaafiic badan ku dhacayso," ayuu yiri goobjooge ku sugan Bakaaraha oo sheegay in illaa xalay ay duqeyntu socotay.

Haweeney iyaduna ku sugan degamda Boondheere ayaa sheegtay in duqeymo culus ay ku dhacayso xaafado ka tirsan degmadaas, gaar ahaan wasaaraddii hore ee arrimaha gudaha, taasoo ay gacanta ku hayaan Xarrakatul Shabaab.

"Dhaawacyada aan illaa shalay gallinkii dambe aan qaadnay waxay gaarayaan 97-qof, waxaana aragnay dhimashada 29-qof oo isugu jiray qaybaha bulshada," ayuu yiri madaxda gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Life Line Africa iyo NationLink Cali Muuse Sheekh oo saakay saxaafaafadda la hadlay.

Maydadka laba qof ayaa weli yaalla isgoyska Bakaaraha, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ku dhinteen duqeyntii shalay gallinkii dambe ka dhacday Muqdisho, taasoo ahayd tii ugu cuslayd ee dhacda bishan Ramadaan.

Isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa yaalla dhaawacyo aad u fara badan, kuwaasoo u badan haween iyo caruur ku dhaawacmay duqeymihii ku dhacayay xaafadahooda, kuwaasoo ka imaanaya dhinaca ciidamada AMISOM ee taageera dowladda KMG ah.

Degmooyinka ay dagalladu ka socdaan ayaa qaarkood waxaa ka bilowday qax, halka dadka ku harsan ay sheegeen inay cabsi xooggan hayso, waxaana dagaalkan uu bilowday markii afhayeenka Xarrakatul-Shabaab uu ku baaqay dagaal weyn oo ka dhan ah DKMG ah iyo AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho,. Soomaaliya

Re: Day 3 of fighting: 29 Dead in Xamar

Posted: Thu Aug 26, 2010 5:00 am
by Yareey
It's quite this morning alxamdullilaah

Re: Day 3 of fighting: 29 Dead in Xamar

Posted: Thu Aug 26, 2010 10:18 am
by Shirib
Yareey wrote:It's quite this morning alxamdullilaah
Quiet before the storm. Shit is gonna hit the fan tonight

Re: Day 3 of fighting: 29 Dead in Xamar

Posted: Thu Aug 26, 2010 10:25 am
by Alluring
Non-Somalis killing Somalis. If Al-loco is Somali than I am Jennifer Lopez's daughter.

Re: Day 3 of fighting: 29 Dead in Xamar

Posted: Thu Aug 26, 2010 11:43 am
by The_Emperior5
The jihad executive always wanted

Re: Day 3 of fighting: 29 Dead in Xamar

Posted: Thu Aug 26, 2010 2:37 pm
by Executive
^Have you ever asked for my opinion?