Maantay oo ku beegan 17/ka Bisha Barakeysan Ramadaan kal horena loo aqoonsaday Maalinta Shuhaddada Xoogagga Ahlusunna waljamaaca, ayaa waxaa laga xusay Dhammaan Caalamka Maalintaas Qaayaha iyo Qiimaha badan .
Culumada Ahlusunna waljamaaca meel kasta oo aay Dunida ka joogaan waxeey Labadii Usbuuc ee la soo dhaafay laguna guda jiray Bisha Barakeysan ee ramadaan wadeen Quraan akhris , iyo Alla bari loogu duceynayey Shuhaddadadaas.
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca Macallim Maxamuud Sheekh Xasan
Haddaba Quraan akhriskaas oo la soo gabagabeeyey Xalay ayaa waxaa ka duceeyey Guddoomiyaha guud ee Culumaa´udiinka soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca Alcaalim Fadiilatu Sheekh Macallim Maxamuud Sheekh Xasan Ilaaheey ha xifdiyee, isaga oo ilaaha Caziizka ah uga baryey in uu Janatul Firdowsa ku Casuumo Eheladii iyo Qaraabadii aay ka Shahiideena Sabar iyo Iimaan ka siiyo , Inta Dhaawaca ahna Bogsiiyo.
Xoogagga Ahlusunna waljamaaca waa xoogaggii u babac dhigay Khawaarijta Magacyada badan ee Wahaabiyada Shabaab iyo Xizbusheydhaan ka dib markii la waayey Cid qaabisha oo ka hor istaagta Xadgudubyada aay ku hayaan Diinta , Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed , waxaana Xusid mudan Macrakooyinkii aay isku qaabileen Cashiradii aay u dhigeen Khawaarijtaas.
Sidoo kale waxaa Xusid mudan sidii looga cirib tiray Gobollada Dhexe Khawaarijta isa soo baheysatay , isla markaana loogu xasuuqay.
Haddaba Ahlusunna waljamaaca ma ahan labo ee waa tan sidaan Khawaarijta Habar Dugaag ugu loogtay.









http://www.shaaficiyah.com/wararka/Sana ... 100827.htm
Allahu Akbar! Allahu Akbar! Allahu Akbar!
Those brave mujaahidiin gave their souls for the defence of the religion and the defendless civilians.
May Allah accept their martyrdom.
“Think not of those who are killed in the Way of Allah as dead. Nay, they are alive, with their Lord and they have provision.