Y.Cisse Xamari, on Golaha Deegaanka, Wakiilada & Guurtida

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Y.Cisse Xamari, on Golaha Deegaanka, Wakiilada & Guurtida

Post by Siciid85 »

Image




“Waxa Komishanku Uu Ku Talinayaa In Golaha Guurtidu Maaddaama Uu Yahay Gole Dhaqan In Uu Ku Yimaaddo Xulasho” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.




Hargeysa (Ramaas) August 26, 2010 - Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng: Ciise Yuusuf Maxamed ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Labada Gole Baarlamaan “ Guurtida iyo Wakiiladda” iyo Guddoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaranba u diray qoraal ay ku soo bandhigayaan sidii loogu diyaar garoobi lahaa Sadexda Doorasho ee Guurtida, Wakiiladda iyo Golayaasha Deegaanka oo la doonayo inay qabsoomaan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha horyaala.


Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku qoraalka uu u diray qaybaha kala duwn ee aynu kor ku soo sheegnay ee loogu yeedho daneeyayaasha Doorashooyinka waxa ay ugu soo bandhigeen caqabado farabadan oo isugu jira kuwo sharci, dhaqaale iyo farsamaba kuwaasoo loo baahan yahay in talo Qaran laga yeesho, iyagoo farta ku fiiqay qaar ka mid ah soona jeediyay Talooyinka ay u arkaan in lagaga bixi karo

Gaar ahaana waxa ay Madaxweynaha Talada Dalka imika haya u soo jeediyeen in loo baahan yahay inuu hormuud ka noqdo qabsoomida Doorashooyinkaasi isla markaana uu keeno xalka lagaga gudbi karo caqabadaha taagan iyo wakhtiga la haysto oo yar.


Qoraalkaas oo ka koobnaa lix bog oo nuqul ka mid ah oo ay heshay Shabakada Wararka ee Ramaasnews ee magaalada Hargeysa helay waxa uu u dhignaa sedan:-



Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UDUB

Ku: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Ku: Gudoomiyaha Golaha Guurtida


Ujeedo: ku talogal Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka.


Mudanayaal,

Waxaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Xushmad iyo maamuus u ah ka dib Doorashadii Madaxtooyada ee 26 kii June, 2010 ee sida nabadgelyada ah inoogu dhacday, in uu mar labaad bilaabo Xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhexeeyay Komishanka, Xukuummadda iyo Daneeyayaasha Doorashooyinka ( Election Stakeholders).


Mudanayaal waxaynu wada ogsoonahay in ay innagu soo fool leedahay Doorashadii Goleyaasha Deegaanku.


Haddaba, iyadoo uu Komishanka Qaranku u xilsaaran yahay qabashada Doorashooyinka kala duwan ee Dalka sida ay tilmaamayaan Xeerarka Doorashooyinku, Xeer Lr. 20/2001 iyo Xeer Lr. 20-2/2005, isla markaana uu ku hawlan yahay diyaarinta Qorshe Hawleedka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Afar iyo Badhka sanno ee soo socda ( Four and Half Year Startegic and Action Plan), ayaa waxa Komishanka Xishmad iyo maamuus u ah in uu soo gudbiyo arrimaha inna horyaalla oo ay qaarkood u baahan yihiin in go’aan iyo Siyaasad Qaran oo cad laga yeesho.


Qodobadaasi waxay kala yihiin


1) Doorashada Golaha Wakiilada;

2) Doorashada Goleyaasha Deegaanka;

3) Xulashada ama Doorashada Golaha Guurtida


Su’aalaha is waydiinta leh ee ku gedaaman qabashada Doorashada Golaha Wakiiladu waxa ay yihiin: ma waxaa Doorashada Golaha Wakiilada lagu salaynayaa Gobol Doorashooyinka jira? Maxa waxa lagu salaynayaa Degmooyin Doorasho ee Derejada A illaa C ee uu tilmaamayo Xeerka Gobollada iyo Degmooyinku, Xeer Lr. 23/2002?


Ma waxa la qabanayaa tira-koob Qaran ( National Census)? Mise waxa loo daynayaa Qaabka imika ay Goluhu u kala fadhiyaan ee Gobollada loogu qaybiyay? Muxuu yahay habka Doorasho ee la qaadanayaa ( Electrol System)? Ma waxaa la qaadanayaa habka liistada ee uu Xisbi waliba Xisaabtamaaya? Ma waxa la qaadanayaa Habka Liistada ( List System) ee murashaxiinta heer Gobol?


Su’aalahaas kor ku xusani waxa ay u baahan yihiin xal ama xuluul siyaasi ah oo uu hormuud u yahay Madaxweynahu.


Talo-soo jeedin:


Waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu soo jeedinayaa in Muddada Golaha Wakiillada loo kordhiyo illaa iyo Dhamaadka Dabayaaqada Sannadka 2011, iyada oo la soo hor mariyo Doorashada Golaha Wakiilada


Doorashada Goleyaasha Deegaanka


Doorashada Goleyaasha Deegaanku waxa ay muftaax u tahay laba arrimood oo kala miyashadoodu ay ku xidhan tahay Madadxweynaha.

Labadaa arrimood waxay kala yihiin:


1) Miyaa la furayaa Ururada Siyaasada

2) Ma Saddexda Xisbi ee hada jira ayaa lagu galayaa Doorashooyinka innagu soo fool leh ee Wakiilada iyo Deegaanka.


Hadii la qaato Qodobka hore ( First option), waxaa loo baahnaanayaa:In la diyaariyo Xeerka Diiwaangalinta Xisbiyada Siyaasadda (Political Party Registration Law)- maaddaama Xeer Lr. 14/2000 uu dhaqan-gelkiisu ku e’ekaa lix bilood kadib markii ay soo baxeen saddexda Xisbi ee hadda jira isla markaana la kala diray Guddidii Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda.

In dib loo abuuro Guddi Qaran oo Diiwaangelisa Ururrada Siyaasadda isla markaana qiimaysa sida ay Ururradu uga dhisan yihiin Gobollada si looga fogaado in uu jiro Urur Goboleed, Qabyaaladeed ama Diimeed (Emphasis added) (eeg Qodobka 9aad, faqradiisa 3 aad ee Dastuurka);


In Komishanka Doorashooyinka loo igmado in uu shaqada Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda qabto sida Komishanka Doorashooyinka ee dalal badan oo Adduunka ah oo ay waddamada jaarkuna ka mid yihiin (eg: Ethiopia, Kenya, Rwanda, Sudan, iwm);


In la soo horreysiiyo doorashada Goleyaasha Deegaanka si loo kala saaro Ururrada Siyaasadda;


In la helo dhaqaale ku filan oo dabooli kara hawsha baaxaddaas leh, iyadoo shaqooyinka la qabanaayo ay ugu muhiimsan yihiin Wacyi-gelinta, tababarka hawl-wadeennada, daabacaadda liiska Ururrada Siyaasadda oo aan la garan kareyn tiradoodu inta ay noqon karto.


Goldaloolooyinka (Shortcomings)


■Waxa dhici karta in ay isdiiwaangaliyaan ku dhawaad 100 urur, iyadoo uu ardaa waliba yeelanayo Urur;

■Waxa dhici karta in uu soo baxo Urur Xagjir ah kaasoo af-kala-qaad ku noqda Jawiga Siyaasiga ah ee dalka iyo Mandaqadda.

■Kharashka ku baxaaya Diiwaa-gelinta Ururrada Siyaasadda wuu ka badnaanayaa kan ku baxaaya doorashooyinka.


Xulashada ama Doorashada Golaha Guurtida


Golaha Guurtida qudhiisa, xilligoodii wuu ka dhan yahay. Golahan oo ah Gole Dhaqameed, Diimeed iyo Nabadeed (eeg Qodobka 57aad ee Dastuurka) marnaba doorasho looma qaban tan iyo markii ay Beeluhu soo xuleen sannaddii 1997 kii.


Dastuurka dalkan JSL, waxa uu tilmaamayaa laba siyood oo uu Golaha Guurtidu ku iman karto. Labadaas oo kala ah Doorasho (eeg Qodobka 58 (1) iy xulasho (eeg Qodobka 62aad ee Dastuurka).

Waddamada qaarkood sida Ethiopia, Rwanda iyo Britain waxa aqalka sare ee Odayaashu uu ku yimaadda Xulasho iyo Magacaabis.


Talo soo jeedin


Waxa Komishanku uu ku talinayaa in Golaha Guurtidu maaddaama oo uu yahay Gole Dhaqan oo ku yimaaddo Xulasho, waxay arrintaasi waxtar weyn u tahay in la dhawro xuquuqda dadka laga tirade badan yahay ee aan ku iman karahayn doorasho


Doorashada Golaha Wakiillada iyo Deegaannada oo Mar La Qabto

Waxaa jira ra’yi odhanayaa in labada doorasho ee Wakiillada iyo Deegaanka la isku geeyo (combined) oo mar qudha la wada qabto. Arrintani waxa ay yarayn kartaa kharashka loogu talo-galay doorashada ee Dawladda iyo Deeq-Bixiyeyaashaba, Waxayna meesha ka saaraysaa in uu dalku sannad walba doorasho ku jiro.


Waxaa iyaduna in lagu xisaabtamo mudan heerka qoris-akhris-la’aaneed ee Bulshadeena (The level of illiteracy). Arrintaasi waxa inaggu khasbaysaa in doorashooyinka lakala qaado. Sidoo kale, wali may dhicin in la isugu geeyo doorashada Golaha Wakiillada iyo tan Deegaanka.


Waxa intaas dheer, doorashada Golaha Deegaanka waxa laga codeynayaa heer Degmo (Degmo Doorasho); doorashada Golaha Wakiillada waxa laga codaynayaa heer Gobol iyadoo ay dhammaan Degmooyinka Gobolku isku yihiin Gobol Doorasho, waxa ay arrintani murgin kartaa tirinta codadka Deegaanka iyo Wakiillada.


Tallo-Bixin


Waxa Komishanka Doorashooyinku ku talinayaa in la kala qaado labada doorasho ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, iyadoo mid walba xilli gaar ah la qabanaayo.


Miisaaniyadda iyo Adeegyada Lagu Qabanaayo Doorashooyinka

Hawlaha doorashooyinka ee innagu soo fool leh ma suurtoobi karto in la fuliyo haddii aan la qoondaynin miisaaniyaddii iyo kharashkii lagu qaban lahaa. Doorashooyinkii iyo Diiwaan-gelintii codbixiyayaasha waxa ay Dawladda Somaliland iyo Deeqbixiyayaashu u kala qaybsadeen 75% iyo 25%. Iyadoo Dawladda Somaliland waajib ku tahay in ay bixiso 25%.


Taas macnaheedu waxa ay tahay –haddii kharashka doorashada ku baxaaya uu yahay 10 milyan oo Dollar, xukuumada Somaliland waa inay bixisaa 2.5 milyan oo Dollar. Waayo-aragnimadii aan ka helnay doorashooyinkii hore waxa ay tusinayaan in aanay sahlaneyn bixinta kharashka ku qayba Xukuumaddu, iyada oo uu Komishanku mar walba la hayste ama daymaysane u noqdo hawsha Qaran ee Ummadddiisa uu u qabtay.


Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah in lagu sii tallo-galo kharashka ku baxaaya doorashooyinka innagu soo fool leh isla markaana intaan doorashada la qaban ka hor waa in ay miisaaniyadda doorashadu ku jirtaa akownka Komishanka.


Gebo-gebadii waxa Komishanku Doorashooyinka Qaranku uu u soo jeedinayaa dhinacyada ay warqaddani ku socoto kana codsanayaa in aydun iyadoo aanu ku rajo weynahay in aynu hawshan wada tashiga qabano Subaxniada 26 ka August, 2010 ka.





Allaa Mahad Leh

Caddaaladdu ha Waarto




Eng. Ciise Yuusuf Maxamed

Guddoomiyaha KDQ.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Y.Cisse Xamari, on Golaha Deegaanka, Wakiilada & Guurtid

Post by LiQaaye_TDH »

I agree 100% with Ina Xamari, The Parliament and The Local Election needs to be hold ASAP :clap:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Y.Cisse Xamari, on Golaha Deegaanka, Wakiilada & Guurtid

Post by Siciid85 »

Qodobadaasi waxay kala yihiin


1) Doorashada Golaha Wakiilada;

2) Doorashada Goleyaasha Deegaanka;

3) Xulashada ama Doorashada Golaha Guurtida




"Labadaa arrimood waxay kala yihiin:


1) Miyaa la furayaa Ururada Siyaasada

2) Ma Saddexda Xisbi ee hada jira ayaa lagu galayaa Doorashooyinka innagu soo fool leh ee Wakiilada iyo Deegaanka.


Hadii la qaato Qodobka hore ( First option), waxaa loo baahnaanayaa:In la diyaariyo Xeerka Diiwaangalinta Xisbiyada Siyaasadda (Political Party Registration Law)- maaddaama Xeer Lr. 14/2000 uu dhaqan-gelkiisu ku e’ekaa lix bilood kadib markii ay soo baxeen saddexda Xisbi ee hadda jira isla markaana la kala diray Guddidii Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda.

In dib loo abuuro Guddi Qaran oo Diiwaangelisa Ururrada Siyaasadda isla markaana qiimaysa sida ay Ururradu uga dhisan yihiin Gobollada si looga fogaado in uu jiro Urur Goboleed, Qabyaaladeed ama Diimeed (Emphasis added) (eeg Qodobka 9aad, faqradiisa 3 aad ee Dastuurka);


In Komishanka Doorashooyinka loo igmado in uu shaqada Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda qabto sida Komishanka Doorashooyinka ee dalal badan oo Adduunka ah oo ay waddamada jaarkuna ka mid yihiin (eg: Ethiopia, Kenya, Rwanda, Sudan, iwm);


In la soo horreysiiyo doorashada Goleyaasha Deegaanka si loo kala saaro Ururrada Siyaasadda;"
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”