Xukuummada Somaliland Oo Wakiilkii Ugu Yara U Magacowday Dalka Ethiopia Iyo Farxad Iyo Reynreyn Ay Dhalinyaradu Ku Soo Dhaweeyeen.
(Hadhwanaagnews) Friday, August 27, 2010
Hargeysa(HWN):-Xukuummada Somaliland ayaa u magacowday Wakiilkii ugu da’a yara Maxamed Xasan Siciid inuu Somaliland u fadhiyo Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia ee Adis Ababa.
Magacaabista xilkan ay Xukuummada Axmed Siilaanyo shalay Digreetada ku soo saartay ayaa guud ahaan waxa soo dhaweeyey dhalinyarada Somaliland, kuwaas oo Dawlada uga fadhiyey inay xilal u magacowdo.
Maxamed Xasan Siciid oo ah wiil dhalinyaro ah oo aadna u fir-fircoon ayaa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews na la soo xidhiidhay si ay wax uga weydiso dareenkiisa, iyo sida uu u rako xilkaasi loo magacaabay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waan ku faraxsanay xilkan cusub ay Xukuummada Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ii magacowday, xilkan iyo mid ka sii sareeya-ba waan filanayey, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu I fududeeyo xilkaasi, waxaanan leeyahay dhalinayarada xilkan la ii magacaabay waa Boos-kii dhalinayarada, qaar kale-na waa loo magacaabay ee igu garab-gala si aan wax badan uga midho dhaliyo”
“Markii xilka la I magacaabay marna waan naxay, marna waan farxay, waayo xilku waa wax culus waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu I fududeeyo, ummada waxaan leeyahay gaar ahaan dhalinayarada waa inay I garab is-taagan wixii tallo iyo tusaale ahna I soo gudbiyaan anna waan la shaqeynaya”ayuu yidhi Maxamed Xasan Siciid.
Maxamed Xasan Siciid waxa uu bartay sharciga iyo xidhiidhka caalamiga ah, isaga oo xilal kala duduwan ka soo qabtay hay’adaha maxaliga iyo kuwa ajanabiga ah-ba, waxaanu ka mid yahay dhalinyarada fara ku tiriska ee asaastay Dallada Midowga dhalinyarada Somaliland ee [SONYO], isaga oo noqday guddoomiyihii u horeeyey ee daladaasi,
Sidoo kale, Maxamed Xasan waxa uu noqday sarkaal sare oo ka tirsan madaxda hay’ada HANDI-CAP International, waxa kale oo uu madaxda sare ka soo noqday hay’ada IRI oo ah hay’ad mareykan ah, waxaanu tababaro siiyey Baarlamaanka Somaliland, taas oo ku saabsanayd Dawlad wanaaga [Good Governance], waxaanu aqoon u leeyahay arrimaha Diplomas-iyada iyo waxaana loo dhiibay xil ku haboon oo mudan yahay, isla markaana waxa looga fadhiyaa inuu ka midho dhaliyo hawsha loo igmaday, maadama uu sito magicii dhalinyarada tusaalena u yahay oo xilkaasi lagu tijaabinayo.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/office
Hargeysa/Somaliland
Email: Janaale94@gmail.com
Safiirka cusub ee Somaliland u Fadhiya Eithopia
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Safiirka cusub ee Somaliland u Fadhiya Eithopia


- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Safiirka cusub ee Somaliland u Fadhiya Eithopia
Bohol iyo karaman wrote:
Ayuub Political Leader
he looks ayub


- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Safiirka cusub ee Somaliland u Fadhiya Eithopia
EMp

he looks ayub![]()



Re: Safiirka cusub ee Somaliland u Fadhiya Eithopia
Mashallah dhalinyarada deserve political post espicially those which studied internally nice move by Sillanyo.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 338 Views
-
Last post by Deqa111
-
- 8 Replies
- 856 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 210 Views
-
Last post by newsbot
-
- 40 Replies
- 2160 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 352 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 22 Replies
- 181 Views
-
Last post by Advo
-
- 25 Replies
- 2483 Views
-
Last post by zingii
-
- 15 Replies
- 1101 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 48 Replies
- 1881 Views
-
Last post by Ureysoo
-
- 1 Replies
- 326 Views
-
Last post by Mr_Alfaas