
Ceerigaabo=Aqoon-isweydaarsi lagu soo xidhay xagaasi
Written by Qaran news
Aug 27, 2010 at 03:58 PM
Ceerigaabo(Qarannews)-Xarunta Wasaaradda Waxbarashada gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa maalintii Khamiista waxa lagu soo gebagebeeyey tababbar muddo 14 casho ah halkaas uga soconayey 143 macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada waxbarashada dadban ee gobolka Sanaag.
Aqoon-isweydaarsigan oo wasaaradda waxbarashada ay ka taageeraysey hay'adda UNICEF ayaa guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid Xuubey, ‘isagoo uga mahad celiyey hay'addan iyo wasaaradda waxbarashada waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa
"Kolley bil barako leh ayaynu ku jirnaayoo hadal badan ma odhanaynoo kolleyba qolyaha TV-yaduna hadalka masoo wada daayaanoo wimminkay odhanayaan editing iwm ayaannu ku samaynay, haseyeeshee waxbarashadu waa laba qaybood (Informal eduction & Formal education) oo labadaba waxa la rabaa in wax laga barto. Markaa waxan idinku boorrinayaa qodobbada muhiimka ee aad halkan ka barateen oo ay ka mid tahay xallinta khilaafaadka iyo colaadaha oo aad ogtihiin innaka inteenna badani in aynu ku dhex jirno colaado iyo khilaafyo kaleba in aad uga faa'iidaysaan iskuulladii iyo ardaydii aad ka timaaddeen, waxana habboon in mar kastaba lagu xisaabtamo wixii cilmi kuu kordha haseyeeshee aydinnaan noqon kuwo ku xisaabtama mxaa dhaqaale kuugu jira". "Dhinaca hay'adaha waxbarashada taageera iyagana waxannu ka codsanaynaa in naloo joogteeyo tababbarrada kusaabsan tayaynta iyo kor u qaadista waxbarashada waayo tababbarkan kii innooku xigey afar sano ka hor ayuu ahaa taasna cid kastaaba waa garan kartaa masaafadaasi inta ay le'eg tahay".
Dhinaca kale xubnihii macallimiinta tababbarkani u xidhmay ee iyaguna halkaas ka hadlay ayaa iyagoo maammulkooda wasaarad ahaaneed uga mahad celiyey tababbarkan waxay sidoo kale halkaas ka sheegeen arrimihii ugu muhiimsanaa ee ay tababbarkan ka heleen iyo inay dib ugula noqon doonan, ugana faa'iidayn doonaan ardaydii iyo dugsiyadii ay ka kala yimaaddeen.
Qarannews/Ceerigaabo.
