Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Post by KeligiiJabhad »

Guurkayaga ka hor waxaannu ahayn dhig iyo udub, ul iyo diirkeed, ceeshow milix, haan iyo hadhuubkeed, iyo wax walba oo dad hilow, kalgacal iyo jacayl isu qabaa wadaagaan. Iyadu anigay ahayd, aniguna iyadaan ahaa! Haddase xaalkagayagu waa garan waa. Isma jeclin ismana necbin, isma dhegaysanno ismana maqalno, isma tix galinno iskumana tanaasulno, isma qadarinno ismana qiimaynno, isma dhawrnno ismana dhaqaalaynno, isma dhuganno iskumana dhololno, dhunkasho iyo isku dhegna hadalkeedaba daa. Arrinkayaga waxa lagu soo ururin karaa: "Kala go' kala lulashaa dhaanta."

Layskuma kaaya qasbin ee intaannu is calmannay baannu haddana is calfannay. Waxayse sheeko dhabaqday markaannu isku hoy noqonnay. Wax badan waxa dhegahayga ku soo dhici jiray "Naagaa rag is dhaafshay." Markaasaa intaan hoos isula faqay baan is idhi: malaha waxa kaa dhimaniba waa naag. Iyada lafteeda wax badan baa loogu sheekeeyay, looguna maahmaahay "Naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed." Markaasay godka waxay ka door bidday guntiga ragga. Taasaa marka horeba malaha isku kaaya keentay

Guurkayagu kumuu dhisnayn qorshe, ee wuxuu ku dhashay qooq. Intay sheeko noo socotay waxa dhexdayada ka ilmo roganayay jacayl dhicisa, ase aannu u haysannay dhammays. Isna intii birta loo soo siday buu bakhtiyay, waayo mabaan arag aqalgalkayaga dabadii.

Ceel nin galay baa laga waraystaaye, kuwaan u tilmaan doontay waxay igula taliyeen inaanay naagtu jiljilayc iga dareemin, hadalka barin, la tashan iyo wax la hal maala. Anoo caadiya baan duulkaas goor baas la tashadee, waxaan ka soo noqday anoo garaaddo iyo gacan maroodi yeeshay. Iyana dhinaceeda kuwii ugu dhawaa waxay kula taliyeen: "Yaanu ninku kaa dareemin inaad jeceshahay, hadal naxariis lehna ha ku dhihin. Markuu wax kuu sheego ugu jawaab maxay dee iwm. Kolkaa iyana iyadoo caadiya bay qoladaas u tagtee waxay soo noqotay iyadoo gowso iyo geeso lo,aad yeelatay. Yartu tiiba ma'aha, anna haba sheegin!


SII AKHRISO .....
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Post by KeligiiJabhad »

Sheekadaan waa sheeko si wanaagsan uga turjumaysa kala daadsanaanta, buuqa, isku dhaxyaaca, ixtiraamdarada, iskaashi la'aanta, isweheshi xumada, iyo tafaraarruqa ka dhex alloosan lamaaneyaal--Qaysas-- badan oo Soomaaliyeed. Waxay wax ka taabanaysaa Gunta iyo salka hoose ee ay sartu ka Quruntay ee baahida weyn loo qabo sidii loo qodbayn lahaa dhibtaan qaraxa weynaatay ee qiiqeedu daran yahay.
User avatar
OliveOil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7678
Joined: Thu Feb 11, 2010 3:07 am
Location: I walk this empty street on the Boulevard of Broken Dreams

Re: Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Post by OliveOil »

I don't have the patience to read Af Somali :|
TheLoFather
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5352
Joined: Wed Apr 14, 2010 11:49 am
Location: No Shelter Is Safer Than Piety

Re: Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Post by TheLoFather »

OliveOil wrote:I don't have the patience to read Af Somali :|
x2
User avatar
OliveOil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7678
Joined: Thu Feb 11, 2010 3:07 am
Location: I walk this empty street on the Boulevard of Broken Dreams

Re: Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Post by OliveOil »

LoDoon wrote:
OliveOil wrote:I don't have the patience to read Af Somali :|
x2

But it shouldn't be that way lol
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: Aniga iyo Gacaladey ha naloo Garnaqo (Sheeko Xiiso leh)

Post by KeligiiJabhad »

OliveOil wrote:I don't have the patience to read Af Somali :|
Sideedaba marka ay jiraan wax ama shey kaa so hor baxa oo aaddan xiiso u qabin ayay taasi dhacdaa. Dabcan malaha waxaa habboonaan lahayd in aad xooggaa kobciso akhrisa Qormooyinka ku soo baxa Soomaaliga; si aad isaga meel dhigto wahsiga iyo samir la'aanta kaala soo deristay akhriska wixii Af Soomaaliku qorran--sida aad tibaaxday.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”