Page 1 of 1

Maamulka Ahlusunna Waljameeca oo bandow ku soo rogay degmada

Posted: Sat Aug 28, 2010 10:32 am
by grandpakhalif
Maamulka Ahlusunna Waljameeca Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgduud ayaa amar bandow ah waxay ku soo rogeen degmadaasi, iyadoo bandowga xalay lagu soo rogayna uu ka dhaqan galay.

Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ee degmada Caabud Waaq ayaa waxay sheegeen ujeedada bandowga inuu yahay si loo xaqiijiyo ammaanka iyo nabad gelyada Degmadaasi oo mar marka qaar ka dhacaan falalka amaanka ka soo horjeeda.

Maamulka Ahlusunna Waljameeca degmada Caabudwaaq waxay kordhiyeen muddooyinkan danbe howlgalada lagu xaqiijinayo Arrimaha Amaanka Degmadaasi iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow si loo sugo amaanka.

Dadweynaha ku nool Degmada Caabudwaaq ayaa ka walaacsan howlgaladan bandowga ah ee xalay lagu soo rogay degmada Caabudwaaq inta ay ku ekaan doonto, taliska Ciidamadana ma aysan sheegin waqtiga Bandowgaasi ku ekyahay.

Allgedo News Media Network

Re: Maamulka Ahlusunna Waljameeca oo bandow ku soo rogay deg

Posted: Sat Aug 28, 2010 4:15 pm
by Berke
Kuwaan bandow badanaa. Every few days there is a bandow on Cabudwaq imposed on it by Ahlu Subag Wal Dufan.