Direct Commercial trade with China Trough berbera

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Direct Commercial trade with China Trough berbera

Post by The_Emperior5 »

Wefti Shiine ah oo Shaaca ka Qaaday in Baceedaha Somaliland ka soo iibsato Dalkooda si Toos ah Looga soo Dejin Doono Dekedda Berbera
Berbera (Jam)- Wefti ka socday dalka Shiinaha oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay qorshaynayaan sidii baceedaha kala duwan ee Somaliland ka soo iibsato dalkooda si toos ah looga soo dejin lahaa dekedda magaalada Berbera, halka iminka la soo mariyo magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.


Weftigan oo isugu jiray wakiilo qaar ka mid ah kambaniyada ganacsi ee ugu waaweyn China iyo ganacsato kale, waxay Somaliland ku sugnaayeen muddo toddobaad ah, iyagoo kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo ganacsatada wax ka soo dejisa dalka China.

Weftigan oo shalay dalka ka ambabaxay ka hor intii aanay dhoofin waxay kulamo la yeesheen masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo Dekedda Berbera oo ay ka wadahadleen qorshahooda, isla markaana kormeer lagu mariyey dekedda, iyagoo ay horkacayaan Badhasaabka gobolka Saaxil iyo masuuliyiintii hore ee dekadda, kuwaasoo mid mid u tusay waaxyaha marsadu ka kooban tahay iyo guud ahaan adeegyada kala duwan ee ay qabato.

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo dekedda Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyey qorshahan oo ay sheegeen inuu yahay mid faa’iido ballaadhan u leh dalka iyo ganacsatada Somaliland-ba.

“Ganacsatadeenu inay baceedaha China ka keenaan oo ay Dubai soo mariyaan ayaa Berbera la keenaa, taas oo ah alaabta laba-rar iyo laba kharash ku dhacaan, markaa runtii weftigan maanta [shalay[ noo yimi oo isugu jira ganacsato iyo hay’addo dawli ah waxaannu ka wadahadalnay sidii alaabta toos loogaga soo raran lahaa dalka China oo ganacsateedana u fududaynaysa in markabka Beijing [caasimadda China] ka soo baxaa toos ugu soo xidho dekedda Berbera, waanuna isla afgaranay, waayo iyaga xitaa faa’iido ayaa ugu jirta.” Sidaa waxa yidhi Badhasaabka cusub ee Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo kulanka uu la yeeshay weftigaasi kadib shalay warbaahinta u warramayey.

“Waxaannu rajaynaynaa in markay ruqsadaha ka helaan wasaaradaha ku shaqada leh in la bilaabo oo ganacsatadeenuna faa’iido badan ka hesho,” ayuu ku daray Badhasaabku.






Jamhuuriya Online
senoritaa
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 543
Joined: Fri Oct 02, 2009 2:24 pm

Re: Direct Commercial trade with China Trough berbera

Post by senoritaa »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”