Page 1 of 3

Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 10:05 am
by Siciid85
Image
Sawirkani waa Taariikhi waxa uu ka hadhay Groupklii jabiyay Jeelkii Birjeex waxaa Dhexda hoose Fadhiya Col/ C/laahi Askar oo ahaa Kornaylkii ay la soo baxeen Gorupkan kor ku sawiran waxaa ka maqan Sawirka laba nin oo shahiiday intii uu socday Hawlgalku waxayna kala yihiin Biixi Xaaji Xasan, &. Siciid Birjeex,


Sarkaal Ka Tirsanaa Saraakiishii Ugu Magaca-dheeraa Jabhaddii SNM Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday
Hargeysa (Oodweyenenews)- Alle ha u naxariistee waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Kornayl Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa Saraakiishii waa-weynid ee jabhadii SNM, isla markaana imika ahaa wakiilka Somaliland ee Jarmalka.
Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee Kornayl Cabdilaahi Askar, ayaa la qorshaynayaa in galabta si heer Qaran ah loogu aaso caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Kornayl Cabdilaahi Askar, waxa uu ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ku biiray 1967-kii, isaga oo ka soo qalib-jebiyey kulliyadii barashada culuumka milliteriga, isla markaana markii dambe waxa uu dalka maraykanka ku soo qaatay aqoonta sare ee hogaaminta ciidamada iyo tababaristooda.
Alle ha u naxariistee Kornayl Cabdilaahi Askar, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ee markii ay u adkaysan waayeen tacadigii iyo gumaadkii lagu hayay bulshada reer Somaliland u badheedhay inay dagaal naf-hurnimo ah kala hortagaan taliskii Siyaasad bare, isaga oo ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysa jabahaddii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland.
Waxa uu ahaa sarkaalkii 13-kii April 1983-kii markii ay ciidamadii Taliskii Af-weyne qabteen Cabdilaahi Askar, oo markaa magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-galo qarsoodi ah ay Xerada Birjeex kala baxeen koox uu hogaaminayey Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM. Mmarkii dambe ka noday Saraakiishii SNM.
Taariikhdii Kornayl Cabdilaahi Askar oo dhegaysi ah, waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararka dambe.
Ugu dambayntii Madaxda iyo hawl-wadeenada shabakada wararka ee Oodweynenews.com, waxa ay tacis u dirayaan Guud ahaan ehelkii, qaraabadii, SNM iyo shacabweynaha Somaliland geeridaa naxdinta leh eek u timi Kornayl Cabdilaahi Askar, waxaana ay ilaahay uga baryayaan inuu Jannaddii ka waabiyo.

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 10:24 am
by abdikarim86
I heard about this
He is a relative

AUN

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 10:30 am
by kaliil
ilaahay ha u naxariisto.

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:19 am
by The_Emperior5
inaalilahi wa inaalilahi rajicuun saaka la ila so hadlay :shock: , i was shocked about this he was family :( :(

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:21 am
by ToughGong
Inaalilahi wa inaalilahi rajicuun

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:24 am
by Siciid85
Allaha uu naxariisto, atleast he died in a holy month of ramadan may allah grant him jannah.

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:31 am
by The_Emperior5
I am so sad today ma nFact that i won’t see him around anymorea person u knew and all the story’s he told us one thing though the country he helped liberate is in good hands and is independent and peacefull, and he saw 20 years of peace and prosperity the place he fought for Amiin May allah bless your soul, You will not be forgotten, I remember a few times I sat with him one of the last few times he was telling me about how Somaliland made progress but that how The SNM made so much sacrifice that we the next generation should make so much sacrifice to in terms of building the country he said, We fought a long battle against the regime so that you can live in dignity and respect , you guys should work also as hard as you can. Mujaheed cabdilahi askar born in 1937 Dies 2010 Aun

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:35 am
by Siciid85
So he was 73? he was younger than muj.siilaanyo who is also about 76-74, i remember 7 months ago also famous SNM Mujahiid Maxamed Siciid Nuur AUN the leader of golaha dheexe ee Ceelafweyn & Sanaag - SNMTA, died, it seems the SNM veterans are dying one by one by the day.

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:40 am
by The_Emperior5
They won’t live for ever no one does but their legacy shall never be forgetting

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 11:58 am
by Siciid85
The_Emperior5 wrote:They won’t live for ever no one does but their legacy shall never be forgetting


True "Every soul shall have taste of death; In the end to us shall ye be brought back
.(Surah Al-'Ankabut The Spider 29:57).

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 12:22 pm
by Mr_Alfaas
Allahu u naxariisto Muj Askar

Shalayna waxa la iso sheegay another muj la odhan jirey col/muj Ahmed xasan Jibril.....aad ban ooga naxay Alle ha u wada naxariisto mujaahidinta dalkena inoo soo halgamay si aynu si naxariis ah ugu noolaano dhulkena hooyo....

Then, on that Day, you shall be asked about the delights[] (you indulged in, in this world)!
At-Takathur ayat 8

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 12:26 pm
by The_Emperior5
I still cant believe Muj Cabdilahi askar is gone , what a sad day man :|
Here was a recent pic at this picture it was the 18 may of somaliland last year in holland

Image

Picture 1983
Image

Picture 1989 baligubudle

Image

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 12:30 pm
by Salah Al-Din
Inna Lilaahi wa innaa ilayhi raji'uun

Allah Yarhama

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 1:34 pm
by hargaysaay
ilaahaw u nxariiso, dadkiisana samir iyo iimaan ka sii, xili wanaagsan oo ramadan ah buu dhintay

Re: Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Posted: Sun Aug 29, 2010 4:14 pm
by Gatspy
Inaa Lillah wa Inaa Ileyhi raajucuun. A hero and a true halyey that will truly be missed. May Allah have mercy on his soul.