Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Xoghaye Cusub U Ma

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Xoghaye Cusub U Ma

Post by Siciid85 »

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Xoghaye Cusub U Magacaabay Dawalda Hoose Ee Magaalda Hargaysa.
Hargaysa (Oodweynenews) Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta digreeto heer wasiir ah ku magacabay Deeq Xirsi Xujaale (Deeq Xirsi Canbuur ) in u noqdo xoghayaha cusub ee dawlada hoose ee magalada Hargaysa.
Xoghayaha cusub ee dawlada Hoose ee Hargeysa oo maalmahan-ba la naawilayay magacaabistiisa, ayaa xilka kala wareegi doona xoghayihi hore Maxamed Cabdilaahi Wayrax, kaas in muddo ah soo ahaa xoghayaha dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.
Sida Wasiirka Arrimaha Gudhu waxa uu faray kusimaha duqa ahna kuxigeenka duqa caasimada Maxamed C/laahi Uurcade in sida ugu dhakhsaha badan ugu kala wareejiyo xilka masulkan cusub iyo masuliki hore oo ku amaanay mudadi u xilka hayey sida wadaniyada leh u gutay wajiibabki qaran.
Wasiir Gaboose wax uu kula dardaarmay xoghayaha cusub in u halkaasi ka si anba qaado hawsha qaranka ee lo igmaday, isla markaana uu si toos ah uga soo baxo masuuliyada fulinta dawlada hoose ee loo magacaabay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”