Page 1 of 1

Madaxweynihii Hore Somaliland Oo Dhambaal Taci Ah U Diray Qo

Posted: Sun Aug 29, 2010 4:14 pm
by Siciid85
Madaxweynihii Hore Somaliland Oo Dhambaal Taci Ah U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Mujaahid Cabdilaahi Askar



Madaxweynihii Hore Somaliland Oo Dhambaal Taci Ah U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Mujaahid Cabdilaahi Askar
(Hadhwanaagnews) Sunday, August 29, 2010
Hargeysa (HWN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, iyo shacbi weynaha Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum- Cabdilaahi Askar oo ka mid ahaa saraakiishii ugu caansanayd isla markaana kaalinta wax ku oolka ah ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta Somaliland ee Ururkii SNM.

Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo xiligan ku sugan dalka Itoobiya wuxuu dhamaalkiisa tacsida ah oo uu na soo gaadhsiiyay Guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB Md. Cumar Jaamac Faarax uu u dhignaa sidan:-

"Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ku sugan magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis ababa wuxuu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ILLAAHAY ha u naxariistee Marxuum- Cabdilaahi Askar oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa laguna aasay, Madaxweynihii hore wuxuu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo."

Re: Madaxweynihii Hore Somaliland Oo Dhambaal Taci Ah U Dira

Posted: Sun Aug 29, 2010 4:44 pm
by The_Emperior5
:up: :up: