Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Muj. Cabdillaahi Askar: Halyey Somaliland ka Baxay oo si Heer Qaran ah loogu Aasay Hargeysa
August 30th, 2010 Comments Off

“Wuxuu ahaa nin dadkiisa iyo dalkiisa jecel, waana ninkii naftiisa u huray halkan [Hargeysa] u soo baxay”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo
Hargeysa (Jam)- Allaah ha u naxariistee Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ahaa halyey adag oo ka mid ahaa saraakiishii ugu cadcadaa ururkii SNM ee Somaliland xorreeyey iyo ciidankii xooggii Soomaaliya, ayaa shalay galab si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu isla shalay gelinkii hore ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala degmada 26-ka june.
Aaska marxuunka waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, saraakiishii iyo mujaahidiinta ururkii SNM, shirguddoonka golayaasha Baarlamanka, wasiiro, masuuliyiin axsaabta qaranka iyo dadweyne aad u tiro badan.
Masuuliyiinta iyo saraakiisha aaska ka qaybgalay ee aqoonta u lahaa marxuunka, ayaa ka warramay taariikh-nololeedkii iyo shaqsiyaddii Muj. Cabdillaahi Askar oo ku tilmaameen inuu ahaa nin halyey dalka iyo dadkiisaba jecel oo naftiisa u huray.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qaybgalay aaska marxuunka, ayaa ka sheekeeyey shakhsiyadii Cabdillaahi Askar oo ay in badan ku wada jireen halgankii ururkii SNM.
Ugu horreyn, Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuunku.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey taariikhdii marxuum Cabdillaahi Askar waxa uu yidhi; “Cabdillaahi Askar waxa uu ahaa shakhsi halgamaa aad u wayn ah, waanu soo wadagalnay halgankii dheeraa ee dalka lagu xorreeyey, muddo dheerna wuxuu ahaa madaxda iyo hoggaanka ciidammada, wuxuu ahaa nin aad waddani u ah oo qiiro iyo xammaasad badan, dadkiisa iyo dalkiisa jecel oo wax allaale wuxuu ka hagran jiray aanay jirin, wuxuu ahaa ninkii naftiisa u huray ee halkan [Hargeysa] u soo baxay ee markii dambe Allaah ha naxariistee Ibraahim Koodbuur iyo rag kale ka saareen.”
Waxa kale oo aqoontii ay marxuunka u lahaayeen ka warramay saraakiishii SNM oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Ibraahim Dhegoweyne, Maxamed Kaahin iyo dad kaloo ay ka mid yihiin abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Garariye), Guddoomiyayaasha Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida, waxaanay dhammaantood isku raaceen in marxuunku ahaa shakhsiyad wanaagsan oo ku sifaysnaa muwaadin dhab ah oo dadka iyo dalka jecel.
Marxuun Cabdillaahi Askar waxa uu ka mid ahaa jannanadii ugu sarreeyey ciidammadii Soomaaliya ka hor intii aannu ku biirin SNM oo uu u qaabilsanaa hawlgallada gudaha, iyadoo markii dambe lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu xidhay halka loo yaqaan Miiska Saraakiisha, hase ahaatee waxa dil loo qoondeeyey ka badbaadiyey koox mujaahidiin ah oo uu hoggaaminayey Allaah ha naxariistee mujaahidkii weynaa ee Ibraahim Kood-buur.
Jamhuuriya Online

Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Mujaahid C/laahi Askar Halyey Somaliland Kabaxay Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Hargeysa
BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

(Hargeisa 30/08/2010) Allaah Ha U Naxariistee Muj C/laahi Askar oo ahaa Halyey Adag Oo Kamid ahaa Saraakiishii ugu Cadcadaa Ururkii SNM Ee Somaliland xoreeyey iyo ciidankii Xooggii soomaaliya ayaa shalay galab si heer qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Boqol Jire Ee Magaalada Hargeysa kadib Markii isla shalay Galankii Hore Uu Ku Geeriyoodey Gurigiisa oo kuyaalada Degmada 26 juun Ee Magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka waxaa asooq ayb galley Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Saraakiishii iyo Mujaahidiintii Ururkii SNM,Shirgudoonka Guurtiada iyo Wakiilada,Wasiiro Katirsan Xukuumada ,Masuuliyiinta Asxaabta Qaranka,Culima Awdiin Iyo Dadweyne Farabada oo kale.
Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ka Qayb Gashey Aaska Ee Aqoonta U lahaa Marxuumka ,Ayaa Kawaramey Tariikh Nololeedkii iyo Shakhsiyadii MarxuumMujaahid C/laahi Askar Ayaa Shegey Inuu Ahaa Halyey Dadkiisa Iyo Dalkiisaba jecel Naftiisana Hurey.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} Oo KaQay Galley Aaska Marxuumka Ayaa Ka Sheekeeyey Shakhsiyadii Mujaahid C/laahi Askar oo ay inbadan ku wada jireen Halgankii Snm.
ugu horeyn Madaxweynuhu waxaa uu tacsi udirey qoyskii ,qaraabadii,Ehelkii iyo shacabka somaliland ee uu kabaxay marxumku.
Madaxweyne Silaanyo oo kahadlaayey tariikhda marxuum c/laahi askar waxaa uu yidhi{C/laahi Askar waxaa uu ahaa shakhsi Halgamaa Aad Uwayn ah,waanu soo wada halganey halgankii dheeraa ee dalka lagu xoreeyey muddo dheerna wuxuu ahaa madaxada iyo hogaanka ciidamada ,wuxuu ahaa nin aad waddani u ah oo qiiro iyo xammaas badan dadkiisa iyo dalkiisa jecel oo wax allaale wuxuu ka hagran jirey aanay jirin nwuxuu ahaa ninkii naftiisa u hurey ee halkan {Hargesa}usoo baxay ee markii Dambe alla ha unaxariistee ibaarim koodbuur iyo rag kalle ay kasaareen .
waxaa kalle oo aqoontii ay marxuunka u lahaayeen ka waramey sarakiishiiSNM oo uukamid yahey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Ibraahim dhegaweyne,Maxamed Kaahin iyo dad kaloo ay kamid yihiin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye, Shirgudoonka golayaasha wakiilada iyo guurtida, gudoomiyaha xisbiga ucid iyo gudoomiye kuxigeenka xisbigaasi, wasiirada wasaraadaha arimaha gudaha iyo maaliyada, qoraa Boobe yuusf ducaale, mujaahid cali case, muj yuusuf cabdi gaboobe iyo Ismaciil Shaqalle.
waxayna dhamaantood isku raaceen in marxuunku ahaa shakhsiyad wanaagsan oo kusifaysanaa muwaadini dhab ah oo dalkii iyo dadkiisaba jecel.
MarxuumkuC/laahi Askar waxaa uu kamid ahaa jannanadii ugu sareeyey ciidamadii soomalaiya kahor intii aanu ku biirin SNM oo uu uqaabilsanaa Hawlgallada Gudaha ,Iyadoo Markii dambena lagu qabtey hargeysa oo lagu xidhey halkaa looyaqaano Miiska Saraakiisha,,Hase yeeshee waxaa dil lo qoondeeyey ka badbaadiyey koox Mujaahidin ah oo uu hogaaminaayey allah ha unaxariistee Mujaahid Ibaraahim Koodbuur .
Axmed Maxamed Shaqalle
SDWO News Desk
Hargeysa Somaliland

So he was buried in Boqoljiire south west of hargeysa? interesting it seems every Mujahiid likes to be buried into where his family are from i remember Muj.Siciid Maxamud Nuur AUN was buried in Xabalaha Naaso Hablood - Eastern Hargeysa, allaha uu naxaristo Muj. Cabdilahi Askar.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3807
- Joined: Wed Jun 22, 2005 2:56 pm
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Since I can see Siciid and Khalid are in this thread, was the late man HA or HY? May Allah forgive his sins.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Siciid85 wrote:So he was buried in Boqoljiire south west of hargeysa? interesting it seems every Mujahiid likes to be buried into where his family are from i remember Muj.Siciid Maxamud Nuur AUN was buried in Xabalaha Naaso Hablood - Eastern Hargeysa, allaha uu naxaristo Muj. Cabdilahi Askar.
Yeah cabdilahi askar was not born in hargeysa or Somaliland he was born near a village of dire dhawe , May he rest in peace for all the fallen soldiers amiin wuxu geeriyoodey bil Ramadan
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Lord Diplock wrote:Since I can see Siciid and Khalid are in this thread, was the late man HA or HY? May Allah forgive his sins.
He was habarawal Aun he was one of the best Somali colonels Back in the days he took part of the liberation of godey he got a medal of honour For that , From the kacaan regime in 1978
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Alle ha u naxariisto , top notch he was indeed.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Mujaheed cabdulahi askar state Burial pics

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial
Ilaahay ha uu naxariisto.
Ps: Ina Kaahin is alive
Ps: Ina Kaahin is alive

- Knight of Wisdom
- SomaliNet Super
- Posts: 6609
- Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
- Location: Eiffel Tower
Re: Mujaheed cabdilahi askar barkhad And his state Burial

What the fuck are they laughing for?

Shame On The Muslim Umah..cause I know they're not the only ones.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 705 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 313 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 544 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 401 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 574 Views
-
Last post by KingMJ
-
- 4 Replies
- 657 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 8 Replies
- 947 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 26 Replies
- 1970 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 25 Replies
- 1782 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 48 Replies
- 2286 Views
-
Last post by Siciid85