
Tartankii quraan akhriska ee wilaayooyinka Islaamiga ah oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho.
Maanta waxaa Masaajidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho lagu soo gabogabeeyay Tartankii quraan akhriska ee labo maalin ka hor ka furmay Masaajidka Dabaqaynka, tartankaasi oo loo qabtay arday ka kala socday todobo wilaayo oo ka tirsan wilaayooyinka islaamiga ah ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, wilaayooyinkaasi oo dhinac kale marka laga fiiriyo ka kooban sagaal gobol oo kala ah: labada Jubbo, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha hoose, Shabeelaha dhexe, Banaadir iyo Hiiraan.
Xafladan maanta oo bilaabantay salaaddii jimce kadib waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan iyo masuuliyiin ka socday Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xarkada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, waxaanay halkaa ka jeediyeen hadalo waano iyo waxsheeg u badnaa.
Ugu horeyn Xaflada waxaa furay Sheekh Abu Ruqiya oo ah Masuul ka tirsan Maktabka Dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, gaar ahaan qaybta quraanka Kariimka.
Sheekh Abu Ruqiya wuxuu halkaa ka bilaabay in uu mid mid ugu yeero dhammaan ardaydii kaalmaha hore gashay iyo kuwii aan galin intaba, mid kastana waxaa la gudoonsiiyay lacag dolar ah, saacad kaasiyo ah, Shahaado iyo alban quraan ah, waxana dadwaynihii daawanayay mar kaliya takbiir ku dhufteen markii ay maqleen ardaygii koowaad oo magaciisu ahaa Maxamed Aadan Cigaal da’diisuna ahayd 12 jir, yarkaasi oo la gudoonsiiyay labo kun oo dolar $2000, saacad kaasiyo ah, alban quraan ah, iyo shahaado, wiilkaasi oo ku tartamayay 30-ka jus una tartamayay wilaayada gobolada Jubbooyinka.
Dhammaan ardaydu waxay ka simanyihiin alban quraan ah, shahaado, iyo saacad, hadaba halkan hoose ka ka akhri shaxda magacyada ardayda sida ay u kala guulaysteen iyo wilaayooyinka ay u tartamayeen iyo lacagaha abaalmarinta ay u heleen intaba.
Magaca ardayga
Jusaska
Wilaayada
Abaal marinta
1
Maxamed Aadan Ciqaal
30-ka jus
Jubooyinka
$2000
2
Cabdiraxmaan Cabdilahi
30-ka jus
Banaadir
$1500
3
Anas Macalin Isxaaq
30-ka jus
Bay&Bakol
$1000
4
Cabdilaahi M.Max’ud
15-ka jus
Banaadir
$ 800
5
Muslix Maxamed Diriye
15-ka jus
Sh.Hoose
$ 600
6
C/samad Maxamed
15-ka jus
Jubooyinka
$ 500
7
C/Rashid Maxamed
5-ta jus
jubooyinka
$ 400
8
Liibaan Macalin C/lahi
5-ta jus
Banaadir
$ 300
9
Isxaaq Cabdi Ibraahim
5-ta jus
Bay&Bakol
$ 200
Sidoo kale dhammaan ardaydii aan kaalmaha galin waxaa lasiiyay midkiiba $200 labo boqol oo dolar, shahaado, alban qur’aan ah iyo saacad kaasiyo ah.
Kadib halkaasi waxa ka hadlay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Sheekh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo marka hore u mahad celiyay waalidiintii iyo macalimiintii kusoo dadaalay ardaydani inay heerkan soo gaaraan, waxaanu booriyay inay dadaalka sii wadaan oo ardaya ay baraan Tafsiirka quraanka Kariimka ah, waxaanu xusay in gobolada qaar uu kusoo arkay 12 jir la xifdisiiyay tafsiirka quraanka kariimka ee ibnu kathiir.
Sheekh Cali wuxuu intaasi raaciyay in ay jiraan macalimiin quraan oo lagu dhibaataynayo goobaha ay gacanta ku hayaan Murtadiintu kuwaas haatan ku jira xabsiyo tacadiyo loogu gaysaanayo wuxuuna ilaahay uga baryay in uu kasoo daayo.
Kadib halkaasi waxaa ka hadlay Sheekh Mukhtaar Cali Abuu Mansuur, waxaanu yiri dadkii waxay u jeesteen dhinaca quraanka iyo diinta, waxaanu xusay in gaalo usoo duushay oo ay diidantahay quraanka kariimka ah, waxaanu yiri “Bahuuke iyo asxaabtiisu uma joogaan wax kale oo aan ahayn in kitaabkaasi ay ka hortagaan”.
Ugu dambayn sheekh Abuu Mansuur wuxuu dadka kula dardaarmay in aan lakala reebin kitaabka quraanka ah iyo qoriga Ak 47 oo ah kii lagu ilaalinayay kitaabka.






