GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by udun »

GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Go’aankii shirkii Nairobi, ka dib markii lala soo jibaaxay Gacanka Carabta iyo Afrikada Bari, waxaa la keenay gogol uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u fidiyey Isimada SSC kana kooban 14 xubnood. Fadhigii u horeeyey wuxuu ka dhacay Hol-Hol, halkaas oo looga qaxay colaad, waxaana loo guurey Buuro-Wadal.

Halku-dhegga (Agenda)shirku wuxuu ahaa in la isla eego, lana lafa guro go’aankii shirkii Nairobi, lana ansixiyo. Lama saldhiggan markii dulucdii iyo qaabkii shirkaba la af-duubay, waxaana si cad ugu laba- laxaadseday Garaad Jaamac Garaad Cali, oo gaadhsiiyey Isimo la magacaabo, taasoo keentay fadeexadii u horayeysey ee madasha ka dhacda. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Gogosha fidiyey, xilna ka saarnaa hab wanaag u socodka shirku, iskuma deyin inuu xakameeyo oo si siman loo wadaago majaraha la aad siinayo danaha beesha, balse wuxuu garab aan qarsoodi lahayn ku siiyey Garaad Jaamac Garaad Cali. Halkaana waxaa ka dhacay waxaan loo fadhiyin, waxaana tumaatidii ugu culslayd haleeshay Isimidii goobta joogey, oo aad moodey inay ka gaabiyeen waajibkii saarna, xilkii ay beesha u hayeena baylihiyey. Murtida Af-Soomaaligana waxaa kusoo biiray ereyada ah “ Haddii aan Sac-Sac ka raacayn, cidna loo joojin mayo”, taasoo muujinaysa dareenka goobta yaaley sida uu u kala duwanaa, aragtiduna isaga soo horjeedey, iyo danaha shirka laga lahaa oo u aloosmay ujeedo-badan.

Shirkaa Buuro-Wadal, iyo gogoshii uu dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxaa ku wiiqmay niyad wanaagii beesha SSC, waxaana mar keliya meesha ka baxay baaqii aha MIDAYNTA iyo BADBAADINTA ee dad weynuhu ay u hanqal taagayeen, waxaana isla goobtaa ku burburay Hogaankii SSC. Halkaa waxaan soo dhaafin hab nidaamkii la doonayey inuu beesha isla doonto, isuna keeno aragtida, xooga iyo xoolaha dadweynaha. Gogoshaa Garaad Jaamac waxay noqotay mid aan dadka loogu talin, balse loogu tashaday, waxaana halkii ka dhashay, burburkii Hogaanka oo lala mideeyey is af garad la’aanta dadka. Nacayb iyo xumo aan hore loo arag ayaa la beeray.

Si dadka xaqiiqada loo gaadhsiiyo, waxaanu caddaynaynaa in Hogaankii, isagoo aan weli Degaanka soo gaadhin, kana iman Nairobi, lagu burburiyey Buuro-Wadal halkaana uu ku dumey. Haddiise weli la hadal hayo, waxay tahay xusuus inuu maalmo jirey, iyo nin-jeclaysi aan marna ku salaysnayn danaha bulshaweynta guud, isagoo aan socod baranna lagala laabtay kalsoonidi yarayd ee loo hayey . Qurba joogta dhexdooda inuu magac ahaan uga jiro ciddii doonaysaa ha u daysato. Waxaase yaab iyo amakaag leh, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si buuxda uga dheregsan in Gogoshii hore ee uu fidiyey lagu guul daraystay, inuu haddana doonayo mid kale inuu u dhigo, kuna dhex-dhexaadiyo Ururka NSUM iyo Hogaan aan jirin. Umadda quusta ka joogta kana samirtay dhex-dhexaadin dhan u janjeedha, Waxay talo guud ku leedahay:- Garaad maya gogol labaad, tii horaa lagu kala guuree, tanna sow lagu gubtee!!


1. Cali Cawl Xuseen
2. Maxamuud Xaaji Cumar Camey
3. Mohamoud Osman Awad
4. Jaamac Oogle
5. Cali Mahdi Maxamed Cadde
6. Abdullahi Dalmar Guleed
7. Maxamuud Faarax Ciise
8. Mr. Maxamed Jibriil Caateeye
9. Dr. Abdirahman Ainab Farah Miiraf
10. Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi
11. Cabdirashiid Cismaan Boos
12. Cismaan Xaaji Yuusuf
13 Caaqil Ahmed Diriye Jiinje
14.Caaqil Hindi Mohamed Adan Caws
15. Caaqil Cali Dahable Abdi
16. Sheikh Omar Soodani
17. Caaqil Hassan Isse Wacays
18. Caqil Abdirahman Ahmed Olol
19. Eng. Mohamud Farah Ali (Wayl)
20. Said Yusuf Garad
21. Sheikh Muse Seeraar Yusuf
22 Baabul X.Abdullahi Omar Amey
23. Abdirashid Ahmed Raabi
24.Sheikh Mubarak Sheikh Hussein
25. Sheikh Omar Sheikh Osman
26. Sheikh Mukhtar Ahmed Haji Farah
27.Abdirahman Calawaash
28. Adan Ali Axdar
29. Caaqil Ahmed Abdi Hirad
30. Caaqil X. Maxamuud Xaaji Ibrahim Garbiye
31. Caaqil Ahmed Ismail Muxumud Gurux
32.Chief Caaqil X. Cabdi Jama Halac
33. Caaqil Xuseen Mohaxamud Aw-Muse
34. Caaqil Cabdi Samad Cali Xasan
35. Caaqil Xasan Xuseen Daahir
36.Hassan Ali Yusuf
37. Abdullahi Warsame Cusman
38. Abdi Hassan Qanbi
39. Mohamud Nuh Moxamed Cajab
40. Mohamud Haji Hassan Ali
41. Mohamed Muse Farah
42. Xasan Mahdi Xaaji Faarax

http://taleex.net/2010/08/30/garaad-may ... gol-labaad
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by KyrieJama »

Iga daa liis magacyo wiil yari iska qorto oo ku sheego baaq, kaas waa laga ilbaxaye..qolyahan xaalkooduna waa " Cadowgaa cadowgiisu waa saxiibkaaye".. NSUM na u danayn maayaane..
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by udun »

Haddii runta la sheego ma cid baa loo danaynayaa? Baaqani waa jiraa ninkii diidayse yeelkiis.
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by Babygirl- »

RIDIN IYO CANBREYN MAQAL KU SOO BAXAYWEB TALEEX NET
Sep 11, 2010
Anaga oo aad ugu xun maqal ku soo baxay wabka an kor ku xusay ee ku hadla {AFKA BEESHA DEGTA GAROOWE} waxan cadayneyna haddan nahay beesha NUUR AXMED in aan nahay SSC MACNEHEDUNA YAHAY DHULBAHANTE
SHirkii lagu soo dhisay mamulka SSC waxa ka qayb galay xafidulah CAAQIL ISMACIIL MAXAMED CALI KOORE oo an amin sanahay in u yahay CAAQIL beesha iyo ergo kale oo beesha ah. Beeshu waa ay ka weyn tahay wax nin ama labo jebkoda gala waxana wax laga xumado ah ninka yidhi NUUR IYO NALAYE AY ISKU DILAYA LASCANOD BA LA XOREYNAYA. Beelaha Nur iyo Nalaye sharaf dhac ayey ku tahay in lagu sheego puntland waayo waxay u dhasheen SSC waxayna diyaar u yihin wax kasta oo sharafta SSC lagu soo ceelinayo iyo deganka maqan. CIIDANKA JOOGA TUKARAQ Cidanka jooga tukaraq sxb meel ayad kaga dhacday waa cidan ku dhimanaya qadiyadoda marka ad ledahay lacag ba lagu kala furfuraya waa ayaan daro maanta LASCANOD oo la haysto sadex sanadod in aad cadeyso in adan qadiyad lahayn oo aad ku qanacsantahay in aad u shaqayso rer kula mid ah . Hadanahay rer SSC bal wax noo cadeya, YAAB: waxa jira dad wax ma garato ah oo yidhahda doorasho baa lagaga adkaday MR, XAGLOTOSIYE. war waxaa la idinku doortay aqoon ma ahayn ee waxay ahayd askarinimo iyo soo celinta LASCANOD iyadiin waxay noqotay calooshoda mooye rag aan cid uu daneyneynin sxb musanoow, khayin iyo beenale beesha SSC waa ka weynatey. TALO Waxan idinka codsaneyna in aad joojisan magaca beesha aad isticmaleysan in aad joojisan karama dhaca aad beesha ku haysan in aad fidnada ka deysan tol weynaha SSC.
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by malakumod »

Babygirl- wrote:RIDIN IYO CANBREYN MAQAL KU SOO BAXAYWEB TALEEX NET
Sep 11, 2010
Anaga oo aad ugu xun maqal ku soo baxay wabka an kor ku xusay ee ku hadla {AFKA BEESHA DEGTA GAROOWE} .
looool
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by udun »

Some people started using Beesha SSC lately.

I am proudly saying Beesha Dhulbahante and can't never understand why people use the Beesha SSC. I guess it was all invented by the bogus Paltalk Political party and its cyberspace supporters :|
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by Babygirl- »

You can't use SSC but u can say am a Puntlander Nacalaad ogada kaa gubtaay Sheegato..
vangandi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 257
Joined: Sat Sep 11, 2010 5:10 pm
Location: Sultan of Maakhir

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by vangandi »

udun wrote:Some people started using Beesha SSC lately.

I am proudly saying Beesha Dhulbahante and can't never understand why people use the Beesha SSC. I guess it was all invented by the bogus Paltalk Political party and its cyberspace supporters :|

It is bogus.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by udun »

Babygirl- wrote:You can't use SSC but u can say am a Puntlander Nacalaad ogada kaa gubtaay Sheegato..
Maalmahan waa kuu soo ducaynayey ileen circle kuma jiri karno e. Walaashay Babygirl, ducada waa soo wadaa adiga kugu socota, hadda la soco waa iga dhabe. Call me any thing and I could care less what you called me as I have developed tough skin for your constant ..... Laakiin waa inaad kala fahantid political entity iyo clan name. PL waa political entity waxaana ku jira qabaail fara badan oo kunool degaanada ay ka taliso, Dhulbahantena waa qabiil ka mid ah PL. Markaa intaad kala saartid weeye qabaailka iyo autonomous region. Su'aashaydu waxay ahayd waa maxay magacan cusub ee Beesha SSC? Weligay intaan lagu dhawaaqin the bogus Paltalk Political Party (aka SSC Hogaanka trick) :lol: :lol: ma maqal magacaan Beesha SSC.

I can proudly say Beesha Dhulbahante and could never understand a Somali clan that is called Beesha SSC. Could someone provide a historic proof of this new claim called "Beesha SSC"?
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by Babygirl- »

Udun Waad Habaarantahay Saa Ceeyda toolka baad heeysa maliin kaasta (hadadan sheegato aheyn)

Adiiga & kaan Puntland soo wada & Somaliland soo hogamiya are the same today.

The majority will decide their future not you or couple tuugo calooshood ushaqeystayaal..

If you are a Real man you would speak up for your people it doesn't matter who (TFG, PL, SL)

Waxaad laso tagantahaay Harti baan ahaay anything that Puntland does is right! blabla




Puntland sida uu baratay, baa lagu baari.. get a pen and paper..

Beesha SSC = Dhulbahante
Beesha Saciid = Dhulbahante
Beesha Darwiish = Dhulbahante
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by udun »

Babygirl- wrote:
Waxaad laso tagantahaay Harti baan ahaay anything that Puntland does is right! blabla
Hartinimo iyo Daaroodnimo waa muqadas gabadhey cidna loo joojin maayo.
Babygirl- wrote: Puntland sida uu baratay, baa lagu baari.. get a pen and paper..

Beesha SSC = Dhulbahante
So when did we get this new nickname called SSC? :lol: :lol: Waar ileen tanaaba ugu daran. Naaneys cusub baa jeebka lagala soo bixi oo la odhan waa lagu bari. Haye goormay sheekadani soo baxday? :lol: :lol:
Last edited by udun on Fri Sep 17, 2010 2:10 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by Babygirl- »

Dhulbahantenimo waa Muqadaas.. Harti loo joojin maayo. :idea:
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by paidmonk »

Now this pro-Hargeisa Babygirl is trying to compare Puntland to the Separatelanders. :roll:

I have already said it, at the latest Summer 2011 Laas Canood will be liberated by mujahid Cabdisamad Cali Shire. The traveling Garaad can stay in Nairobi and collect luxury checks if he does not want to help the effort
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD

Post by Cumar-Labasuul »

paidmonk wrote:Now this pro-Hargeisa Babygirl is trying to compare Puntland to the Separatelanders. :roll:

I have already said it, at the latest Summer 2011 Laas Canood will be liberated by mujahid Cabdisamad Cali Shire. The traveling Garaad can stay in Nairobi and collect luxury checks if he does not want to help the effort
Babygirl is softening up to somaliland these days as her abti is the president - siilaanyo :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”