GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD
Posted: Sat Sep 04, 2010 7:05 am
GARAAD MAYA… GOGOL LABAAD
Go’aankii shirkii Nairobi, ka dib markii lala soo jibaaxay Gacanka Carabta iyo Afrikada Bari, waxaa la keenay gogol uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u fidiyey Isimada SSC kana kooban 14 xubnood. Fadhigii u horeeyey wuxuu ka dhacay Hol-Hol, halkaas oo looga qaxay colaad, waxaana loo guurey Buuro-Wadal.
Halku-dhegga (Agenda)shirku wuxuu ahaa in la isla eego, lana lafa guro go’aankii shirkii Nairobi, lana ansixiyo. Lama saldhiggan markii dulucdii iyo qaabkii shirkaba la af-duubay, waxaana si cad ugu laba- laxaadseday Garaad Jaamac Garaad Cali, oo gaadhsiiyey Isimo la magacaabo, taasoo keentay fadeexadii u horayeysey ee madasha ka dhacda. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Gogosha fidiyey, xilna ka saarnaa hab wanaag u socodka shirku, iskuma deyin inuu xakameeyo oo si siman loo wadaago majaraha la aad siinayo danaha beesha, balse wuxuu garab aan qarsoodi lahayn ku siiyey Garaad Jaamac Garaad Cali. Halkaana waxaa ka dhacay waxaan loo fadhiyin, waxaana tumaatidii ugu culslayd haleeshay Isimidii goobta joogey, oo aad moodey inay ka gaabiyeen waajibkii saarna, xilkii ay beesha u hayeena baylihiyey. Murtida Af-Soomaaligana waxaa kusoo biiray ereyada ah “ Haddii aan Sac-Sac ka raacayn, cidna loo joojin mayo”, taasoo muujinaysa dareenka goobta yaaley sida uu u kala duwanaa, aragtiduna isaga soo horjeedey, iyo danaha shirka laga lahaa oo u aloosmay ujeedo-badan.
Shirkaa Buuro-Wadal, iyo gogoshii uu dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxaa ku wiiqmay niyad wanaagii beesha SSC, waxaana mar keliya meesha ka baxay baaqii aha MIDAYNTA iyo BADBAADINTA ee dad weynuhu ay u hanqal taagayeen, waxaana isla goobtaa ku burburay Hogaankii SSC. Halkaa waxaan soo dhaafin hab nidaamkii la doonayey inuu beesha isla doonto, isuna keeno aragtida, xooga iyo xoolaha dadweynaha. Gogoshaa Garaad Jaamac waxay noqotay mid aan dadka loogu talin, balse loogu tashaday, waxaana halkii ka dhashay, burburkii Hogaanka oo lala mideeyey is af garad la’aanta dadka. Nacayb iyo xumo aan hore loo arag ayaa la beeray.
Si dadka xaqiiqada loo gaadhsiiyo, waxaanu caddaynaynaa in Hogaankii, isagoo aan weli Degaanka soo gaadhin, kana iman Nairobi, lagu burburiyey Buuro-Wadal halkaana uu ku dumey. Haddiise weli la hadal hayo, waxay tahay xusuus inuu maalmo jirey, iyo nin-jeclaysi aan marna ku salaysnayn danaha bulshaweynta guud, isagoo aan socod baranna lagala laabtay kalsoonidi yarayd ee loo hayey . Qurba joogta dhexdooda inuu magac ahaan uga jiro ciddii doonaysaa ha u daysato. Waxaase yaab iyo amakaag leh, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si buuxda uga dheregsan in Gogoshii hore ee uu fidiyey lagu guul daraystay, inuu haddana doonayo mid kale inuu u dhigo, kuna dhex-dhexaadiyo Ururka NSUM iyo Hogaan aan jirin. Umadda quusta ka joogta kana samirtay dhex-dhexaadin dhan u janjeedha, Waxay talo guud ku leedahay:- Garaad maya gogol labaad, tii horaa lagu kala guuree, tanna sow lagu gubtee!!
1. Cali Cawl Xuseen
2. Maxamuud Xaaji Cumar Camey
3. Mohamoud Osman Awad
4. Jaamac Oogle
5. Cali Mahdi Maxamed Cadde
6. Abdullahi Dalmar Guleed
7. Maxamuud Faarax Ciise
8. Mr. Maxamed Jibriil Caateeye
9. Dr. Abdirahman Ainab Farah Miiraf
10. Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi
11. Cabdirashiid Cismaan Boos
12. Cismaan Xaaji Yuusuf
13 Caaqil Ahmed Diriye Jiinje
14.Caaqil Hindi Mohamed Adan Caws
15. Caaqil Cali Dahable Abdi
16. Sheikh Omar Soodani
17. Caaqil Hassan Isse Wacays
18. Caqil Abdirahman Ahmed Olol
19. Eng. Mohamud Farah Ali (Wayl)
20. Said Yusuf Garad
21. Sheikh Muse Seeraar Yusuf
22 Baabul X.Abdullahi Omar Amey
23. Abdirashid Ahmed Raabi
24.Sheikh Mubarak Sheikh Hussein
25. Sheikh Omar Sheikh Osman
26. Sheikh Mukhtar Ahmed Haji Farah
27.Abdirahman Calawaash
28. Adan Ali Axdar
29. Caaqil Ahmed Abdi Hirad
30. Caaqil X. Maxamuud Xaaji Ibrahim Garbiye
31. Caaqil Ahmed Ismail Muxumud Gurux
32.Chief Caaqil X. Cabdi Jama Halac
33. Caaqil Xuseen Mohaxamud Aw-Muse
34. Caaqil Cabdi Samad Cali Xasan
35. Caaqil Xasan Xuseen Daahir
36.Hassan Ali Yusuf
37. Abdullahi Warsame Cusman
38. Abdi Hassan Qanbi
39. Mohamud Nuh Moxamed Cajab
40. Mohamud Haji Hassan Ali
41. Mohamed Muse Farah
42. Xasan Mahdi Xaaji Faarax
http://taleex.net/2010/08/30/garaad-may ... gol-labaad