Saalaadihii Ciidaha oo la siyaasadeeyay iyo Shabaab oo baro u Cayimay tukashada Salaadaasi.
Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa Maanta dadweynaha Muqdisho u cayimay meelo ay ku tukadaan Salaad Ciidda, waxaana meelahaasi ka mid ah goobaha ay gacanta kaga hayaan Muqdisho, Sanadkii la soo dhaafay, Muqdisho iyo nawaaxigeed waxaa laga tukaday 5 Saalaadood oo ciid ah oo u muuqday kuwa Siyaasadeysan (Aqriso Warbixin).
Wariye Abuumar Al Badri ayaa Warbixintaani ka diyaariyay Sanadkii la soo dhaafay dukashada Salaada ciida ee Muqdisho iyo duleedkeeda.
Mugdisho 28 November 2009. Waxaa Soomaaliya maanta laga oogay shan salaad Ciideed oo dhamaantood is diidan. Shanta mid dadweynahaa oogay. Afar ka mid ahna waxay ahaayeen salaado siyaasadeed oo ay oogeen kooxaha dagaalamaya.
Maalin ka hor Ciidda ayey Bayaan soo saartay Xakarada Alshabaab. Waxay qoraalkooda ku sheegeen baro ay u cayimeen in salaadda Ciidda lagu dukado. Ujeedadoodu waxay ahayd inay Ra’iyul caamka dadweynaha iyaga hagaan.
Saacado yar kaddib waxaa iyadana bayaan soo saartay Xarakada Xisbul Islaam oo iyagana baro u cayimay dadka. Balse bayaankooda waxaa ka muuqatay inay baraarugeen markii ay saxaafadda ka maqleen kan Alshabaab.
Dowladda KMG-ka ah iyadu ma heysan fursad ay kaga qeyb qaadado dhoolatuska hor dhaca ahaa ee salaadaha Siyaasadeed. Iyagaaba Naflacaari ah oo qarsoodi ku dukaday oo ka baqayay in la isku qarxiyo haddii ay sii sheegaan meesha ay madaxdooda ku dukanayaan.
Xarakada Ahlu Sunna Waljamaaca, intooda mowqifka fog, markoodii horeba waxay aaminsanaayeen maalinta inaysan Ciid sax ah aheyd oo maalin ay ka dhimaneyd Ciidda saxda ah laakiin Bidco Sacuudiyaan ah ay salaadii maalin soo hormariyeen. Taasi waxay keentay in qaarkood ay dukadaan qaarna maalin kale sugaan.
Intuba waa ujeedooyin siyaasadeed ee ma jirto qolo uu fekerkoodii ahaa cibaadeysi oo kaliya. Balse ila eega sida ay u dhaceen salaadaha Siyaasadeed.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DKMG-ka ah, ayaa wuxuu koox dad ah salaad ku tujiyey masaajidka isbaheysiga. Salaadda wuxuu soo galay markii loo istaagaayey, kaddibna imaam ayuu noqday. Arrinta yaabka lehi waxay ahayd qudbaddiisa salaadda kaddib.
Waxay ku saabsaneyd qolooyinka ka soo horjeeda. Xaqiiqdii waxay aheyd qudbad siysaadeysan oo dhadhankeeda cibaadada uu ka badnaa dhadhankeeda siyaasadda.
Soo xaadiritaankiisa masaajidka ayaa ahaa dhoolatus siyaasadeed oo weyn. Waayo Ciiddii hore wuxuu ku dukaday masaajid ku dhex yaala madaxtooyada.
Xasan Daahir Aweys, Guddoomiyaha Xisbul Islaam, wuxuu koox dad ah oo aan sidaas u badneyn ku dujiyey deegaanka loo yaqaano calamada oo ah meel duleedka Muqdisho ku taala oo dad barakacay ay ku nool yihiin.
Qudbadiisa salaadda ka hor iyo middii ka dambeysayba wuxuu kaga hadlay siyaasadiisa iyo dagaaladda ay ku jiraan. Wuxuu ku celceliyey inay dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM ku saxan yihiin siina wadayaan.
Laakiin mid baa cajiib aheyd. Xasan Daahir oo Weriye Macalimowga BBC-da la hadlayey wuxuu sheegay inay wadayaan dagaalka ka dhanka ah AMISOM iyo DKMG-ka ah, balse wuxuu Alshabaab ka codsaday inay dagaalada ka joojiyaan oo arrinta ka dhexeysa u celiyaan Kitaabka iyo Sunada.
Waxaan is weydiiyey “Sheekha diinta wuu yaqaanaaye, muxuu marka uu TFG jalleecayna Qoriga u cuskaday, markii uu alshabaab qoraansadayna Kitaabka u cuskaday” anigaa isu jawaabay oo is iri. “Alshabaab laga wada baqay!”
Salaad seddaxaad oo aan dhihi karo waa tii ugu ballaarneyd ayaa waxaa lagu oogay Garoonka Cayaaraha Muqdisho. Salaaddan waxaan hogaaminayey Cali Dheere, Afhayeenka Xarakada Alshabaab.
Salaadan, waa tan ugu dadka badneyd, uguna diyaarsaneyd salaadihii siyaasadeed dhammaantood. Waxaa lagu waardiyeynayey tiro hub ah oo ka badan dadka salaadda soo xaadirtay. Madaafiicda goobta iyo lidka Diyaaradahana waa lagu hareereeyey.
Sheekh Cali Dheere markii uu salaadii ka baxayba wuxuu qudbadiisii ku soo qaatay inay ku jiraan dagaal xaq ah oo jihad ah. Waxaan is iri “Nabad Xaq ah maba jirto miyaa!” waxaa intaas dheeraa, ka qeyb galayaashii oo u badnaa taageerayaasha Xarakada iyo dadka xaafadda wuxuu ku oogay xujo ah inay Jihaadka ka qeyb qaataan.
Dhanka Xarakada Ahlul Sunna wal Jamaaca, kama aysan qeyb qaadan dhoolatusyada salaadeed ee Muqdisho. Walow laga yaabo imaamyo iyaga qalbiga ka taageersan inay salaado aysan raalli ka aheyn dad u dujiyeen baqdinta Alshabaab darteed. Alshabaab waxay imaamyada Muqdisho ku tartarsiisay in la mideeyo salaadaha.
Waxaa Hubaal ah in Allaah SC, dulqaad badnaaye qalbiyo aad isu diidan salaado kala jaad ah oo caro iyo naceyb ka buuxo la hor istaageen.
Waxaa xiise gaar ah leh sida imaamyada qushuucoodii uu u qaatay dhararka ay dhararayeen qudbooyinka siyaasadeed ee salaadda kaddib.
BAL AAN QULUUBTOODA U DHAADHACNO IMAAMYADA SALAADAHAN SIYAASADEED TUJINAYEY WASWAASKOODII.
Shariif Sheekh Axmed, waswaaskiisii waxaan ku qiyaasay inuu is lahaa, “Ilaahow Alshabaab naga qabo, diin isma dhaanee xilkan uun bay iga rabaane” wuxuuna sii raacsanayey “Haddii beesha caalamka si sax ah ii taageeri lahayd waan ka taqlusi lahaa kuwan”
Cali Dheere, waxaan waswaaskiisii ku qiyaasnay inuu is lahaa, “waxay ku fiicnaan laheyd inuu Shariif iyo inta maamulkiisa ugu waaweyn iyagoo salaadda xirtay uu igaar jaakado bambeysan wata oo Shabaab ah uu safka la galo, kaddibna dhamaantood isku qarxiyo” wuxuuse ka shallaynayey haddii hawshaas la sii qorsheyn lahaa inuusan qofna madaxtooyada la geli karin jaakad miineysan, lama uusan socon in Isbaheysiga uu imaanayo shariif oo waa lagu gaaday taas.
Xasan Daahir Aweys, waxaan waswaaskiisii salaada ku qiyaasay inuu is lahaa, “Ninka Shariif ah waaban iskala dagaali lahaaye halkeebey ka yimaadeen cayayaankan Alshabaab, war illeyn balaayo inaan baryootanno ayey nagu qasbayaan, waa waxaanan weligeey filaneyn, Ilaahayoow naga qabo kuwan, kuwaas anagaa ku aadee”
Qeybta Ahlul Sunna ee salaadda oogtay, walow aan Imaamkooda magiciisa helin, waxaan qiyaasayaa waswaaskiisa, waxaan ku qiyaasay inuu is lahaa, “Alshabaab waa Khawaarij, Xisbul Islaam waa Khawaarij kale, Qolada dowladda sheeganeysana waa bidco, Ilaahow dhamaantood naga qabo” wuxuuna sawiranayey iyadoo dalkoo dhami ay la wareegeen xoogagooda oo meel walba siyaaro ka socoto, la xadreynayo, qabuurihii la faagayna dib loo dhisay.
Haddaba, dadkan salaadahaasi dukaday ee dhammaantood hubeysnaa haddii ay Awoodi karayeen inay Ilaah ku yiraahdaan Ilaahow salaadda haka aqbalin qoladaas, way dhihi lahaayeen.
Ugu dambeyntii. Waxaan leeyahay “Kursiyoow lagu jeclaa. Jaceylkaagiina dadka loo dil. Haddana salaadihii siyaasadeysaye waan sugeynaa halka aad u sido inta hubka kuu sida.
The political Eid Prayer
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- Mzbeautifull
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2547
- Joined: Wed Mar 19, 2008 5:01 am
- Location: I SMELL FISH !
Re: The political Eid Prayer
Translate it to English not bothered to read a full page of news on Somali .. 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1374 Views
-
Last post by Phd in naago kudis
-
- 2 Replies
- 1106 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 1345 Views
-
Last post by incognito1
-
- 18 Replies
- 4039 Views
-
Last post by sahal80
-
- 5 Replies
- 1005 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 18 Replies
- 2998 Views
-
Last post by TZ Somali
-
- 4 Replies
- 1430 Views
-
Last post by Freakishly_Free
-
- 11 Replies
- 1610 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 1 Replies
- 557 Views
-
Last post by Kramer
-
- 48 Replies
- 4985 Views
-
Last post by Alphanumeric