Taariikh Nololeedkii Marxuum Muj Abwaankii Weynaa ee Muxumed

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Taariikh Nololeedkii Marxuum Muj Abwaankii Weynaa ee Muxumed

Post by Siciid85 »

Taariikh Nololeedkii Marxuum Muj Abwaankii Weynaa ee Muxumed Soofe Cilmi (Kaneeco).

Hargeysa:(OWN) Abwaan Muxumed Xaaji Soofe Cilmi (Kaneeco) oo ahaa Abwaan si weyn looga qadariyo guud ahaanba geyiga Soomaalidu degto ayaa caawa fidkii ku geeriyooday Cusbitaalka Manhal ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu jecelahay in aan waxyar idinla wadaagno taariikh nololeedkii Marxuum Muj Muxumed Soofe Cilmi (Kaneeco). Abwaanku wuxuu ku dhashay miyiga magaalada Hargeysa waxaanu waxbarashadiisii Hoose dhexe iyo sareba ku soo qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Marxuum Muxumed Xaaji Soofe (Kaneeco) waxaa uu ku biiray markii uu waxbarashada dhamaystay ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed waxaana si gaar ah loogu cabrbiyay ciidanka Kamaandooska isaga oo in mudo ah ku soo jiray. Mujaahid Muxumed Xaaji Soofe wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu horaysay ee ku biirta Ururkii SNM, waxaanu marxuum noqday tababarihii ugu horeeyay ee ururka SNM ku yeesho gudaha dalka Ethiopia waxaanu macalin dhanka tababarka ah ka noqday dugsigii Baabuli horaantii siddeetamaadkii intii aan loo soo rarin dhinaca magaalada Awaare. Xildhibaan Maxamed Maxamuud X Cumar Xaashi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa mudadii uu noolaa madal kaga markhaati furay in Abwaan Kaneeco uu halis ugu badheedhay naftiisa in wixii meesha ka dhacayay ee cadaalad daro ahaa uu ku duubay cajeled rikoodh isla markaasina uu gacantooda soo gaadhsiiyay dhalintii UFO ee xabsiga loo taxaabay markii laga soo daayay xabsigii ay ku xidhnaayeen, halkaas waxaad ka xasuusan kartaa dhiirananaantiisii iyo sidii uu dulmiga u nebcaa. Abwaan Kaneeco wuxuu ka mid ahaa hal-doorka suugaanta Soomaalida kaga jira safka hore, waxaanu curiyay gabayo, maansooyin iyo heesoba, marxuumku wuxuu aad ugu wanaagsanaa dhanka jilida ama masraxiyada waxaanu meteli jiray masraxiyado badan, sida Oday waayeel ah iwm. Bal aan isku dayo in aan midh iyo laba idinka xasuusiyo suugaantii uu marxuumku curiyay intii ifka joogay gaar ahaan dhanka heesha, waxaana ka mid ah:–
Heesta Jacayl waa bukaan, haduu baaho uu balaadhoo fidee, ee uu ku luuqeeyo Muj Maxamed Mooge Liibaan.
Qumanoo u jeedada, waxaad qayb u leedahay qofna kaama siiyee, ee ay ku luuqeeyaan Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdilaahi Xirsi, heestan oo ku jirtay riwaayadii Dab Jacayl Kari ee Abwaan Xasan Ganey hal-abuuray.
Heesta: Ilayn taran jacayl iyo, talaal malaha caashaqu ragna taada kama naxo. Heestan waxaa ku luuqayn jirtay Fanaandii Shamsa Cumar (AHUN)
Heesta: Naftan Gabiga dheer iyo garbadaa ka lulatee Heestan waxaa ku luuqayn jirtay Fanaandii Shamsa Cumar (AHUN)
Ugu danbayntii waxaa marxuum Muxumed Xaaji Soofe Kaneeco waxa uu ahaa nin aad u bulshaawi ah isla markaasina wuxuu ahaa nin afgaaban oo dadku ka nabad galo, waxaa uu sidoo kale ahaa nin deeqsi ah, afmaal ah, isku soo wada duuboo waxaa uu Abwaan Muxumed Xaaji Soofee (Kaneeco) ahaa tiir adag oo ka baxay Somaliland.

Muraad Mooge Cabdi/Oodweynenews.com
Netherland
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Taariikh Nololeedkii Marxuum Muj Abwaankii Weynaa ee Mux

Post by The_Emperior5 »

ilahay ha u naxaristo he died today , died ramadan wa ehlu janno
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Taariikh Nololeedkii Marxuum Muj Abwaankii Weynaa ee Mux

Post by Goljano Lion »

AUN
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Taariikh Nololeedkii Marxuum Muj Abwaankii Weynaa ee Mux

Post by HooBariiska »

AUN to the abwaan and mujaahid
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”