Abaaro 1:40 daqiiqo ayaa mar qura kooxo labo gari oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, waxaa ay qarax ismiidaamin ah maanta ka sameeyeen afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyadoo halkaasi ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxaha qaraxyada ismiidaaminta geystay ayaa waxaa la sheegay in ay wateen lago gaari oo nuucooda ay kala ahaayeen Runeet iyo Kaarib, waxaana ugu horeyn iridka hore ee Garoonka ku qarxay gaariga Kaaribta iyadoo xiligaasi kadibna gaariga kale ee Runeetka oo ay saarnaayeen dhowr qof oo ka tirsan kooxihii falkaasi geystay ay ka soo tageen kadibna ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Kooxahaasi oo ku hubeysnaa qoryaha looyaqaan Baasuukayaasha ayaa waxaa ay sitoos ah u baareen goobo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay ku baari jireen dadka galaya garoonka diyaaradaha iyadoo mudo daqiiqado ah uu garoonka dhexdiisa ka socday iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo kooxihii hubaysanaa, waxaana daqiiqado kadib gudaha garoonka isku qarxiyay qaarka mid ah kooxahaasi halka kuwii kalana ay iyana isku qarxiyeen Masjid kuyaala iridka hore ee Airapoorka.
Kooxaha hubaysan ayaa inta aysan is qarxin ka hor waxaa ay rasaas ku dileen dhowr qof oo xiligaasi ku sugneeyd Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa Masuul ka tirsan Shirkadaha Diyaaradaha duulimaadyada ee garoonkaasi ka shaqeysa.
Inta la ogyahay qaraxyada iyo weerarka kooxaha hubaysan ay ka geysteen garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 ruux oo isugu jira ciidamada AMISOM, kooxihii hubaysanaa iyo dad rayid ah oo ay ku jireen kuwa ka dawarsanayay albaabka hore ee garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada AMISOM ay kaga dhaawacmeen ilaa 4 askari.
Goobta ay qaraxyada ismiidaaminta ka dhaceen ayaa waxaa tahay Wariyaha Shabelle Max’ed Bashiir Xaashi, waxaana halkaasi yaalay meydad aad u jarjarmay oo ay haleeleen qaraxyada ismidaaminta, waxaana meydadkaasi ku jiray haween ku sugnaa afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuwaasi oo hilbahoodu ay aad u jarjarmeen
Daqiiqado kadib markii falkaasi uu dhacay ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika, waxaana ciidamadaasi dadweynaha ay uga digayeen inay ku soo dhawaadaan goobta uu qaraxu ka dhacay xiligaasi oo uu goobta yaalay gaarigii Runeetka ahaa oo aan wali qarxin walow markii dambe ay qarxiyeen ciidamada AMISOM.
Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugnaa iridka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xilgii falkaasi ismiidaaminta ay dhaceysay ayaa Shabelle u sheegay in kooxaha hubaysan ee ka soo dagay gaariga Runeetka ay gaarayeen ilaa 4 ruux kuwaasi oo uu sheegay in markii dambe lagu dilay gudaha Garoonka.
Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi hase ahaatee qaraxyada nuucaani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay Xarakada Al Shabaab oo bilowgii bishaan Barakeysan ee Ramadaan ku hanjabay in ay weeraro kala duwan ku qaadi doonaaan fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Muqdisho.

