
Shirkad lagu magacaabo Bollore Africa, ayaa sheegtay inay ku guulaysatay inay dib-u-habayn ku samayso Dekedda magaalada Berbera.
Siday faafisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, Maareeyaha guud ee shirkadda Bollore Africa Logistics Mr. Dominique Lafont oo Khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa inay qandaraaskan ku guulaysteen si dalka aan Badda lahayn ee Itoobiya looga caawiyo fududaynta alaabooyinka uga soo dega Dekedda Berbera iyo baahida adeegyada dekedeed.
Waxa uu sheegay in hawlaha shirkaddoodu qabanaysaa ay caawin doonto fududaynta baahiyaha wax la soo degista iyo dhoofinta ee isu-socodka nidaamka dhinaca gaadiidka Badda.
Mr. Dominique waxa uu sheegay in hawshani ilo cusub oo dhaqaale u furayso dawladda Somaliland. “Waxaanu dekedda u hawlgelinaynaa inay noqoto sidii deked qaran oo Itoobiya ah,” ayuu yidhi Mr. Lafont.
Waxa uu sheegay in dekedda loogu shaqayn doono heshiis ogolaansho ah, taasoo gundhig u noqonaysa doorka shirkaddu ka qaadanayso heshiisyada kaabayasha dhaqaale ee Bariga Afrika.
Kambaniga Bollore Africa waxa uu horeba u maamulayay dekeddaha dalalka Ghana, Ivory Coast, Nigeria, Benin, Togo, Cameroon iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.
Sidoo kale, waxay maamushaa khadadka Tareenada ee dalaka Ivory Coast, Burkina Faso iyo Cameroon, waxayna ka hawlgashaa ilaa afartan wadan oo ku yaala Afrika, kuwaasoo ay qaab farsamo uga shaqayso.