Second University opened in Sanaag

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Second University opened in Sanaag

Post by Siciid85 »

Jaamacddii Labaad Ee Sanaag Oo Laga Furay Badhan
Ceerigaabo(Oodweynenews)-munaasibad ballaadhan oo manta lagu qabtay Xarunta W/Waxbarashada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayna kazoo qayb galeen Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Madaxda laamaha dawladda heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo,

Image
Maayorka degmada Yubbe Ibraahin Max’ed (Gacmayare), Madaxda Jaamacadda Ceerigaabo ka furan ee Sanag University, Madax-dhaqameedyo, Ururrada bulshada rayadka iyo marti-sharaf kaleba ayaa sida ay halkaas ka sheegeen xubno kasocdey maammulka jaamacaddan cusubi waxa jaamacaddan oo magaceedu yahay Maakhir University bishan aynu ku jirno hwlaheeda waxbarasho ka bilaabmayaan magaalada Badhan oo xarunteeduna ku taallo, islamarkaasna lixda bilood ee ugu horreeya oo waxbarashada jaamacadadani lacag la’aan tahay waxa kor loo qaadi doonaa aqoonta ardayda (Students Upgrading Program) laguna bilaabi doonaa qaybaha waxbarasho ee (Education and IT Programs), waxana jaamacaddan sida halkaas laga sheegay iska xilsaaray oo dusha u ritey qurb-joogta kazoo kala jeeda guud ahaan degaannada gobolka Sanaag.



Image
Guddoomiyaha W/Waxbarashada gobolka Sanag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ee xaruntiisa kulankani ka dhacay ayaa isagoo u mahad celiyey furitaanka jaamacaddan cusub iyo cid kastoo gacan ka geysateyba waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Waxan si weyn usoo dhowaynayaa jaamacaddan cusub iyo cid kastoo xil iska sartay suurto gelinteeda waana arrin gobolku bahi weyn u qabey, waayo waad ogtihiin waqtiyadii hore ardaydeennu markay dugsiga sare dhammaystaan in ay waxbarashd jaamacadda u tegi jireen Burco Hargeysa Boorama iyo meelo kaleba arrintaas oo dhibaatooyinkeedna lahayd”. Wuxuna intaas kusii daray “Waxan rajaynayaa jaamacadaha laftooda ee waxbarashada qaybaha kala duwan ee loo baahan yahay in ay intaas kasii bataan oo baahida jirta intii suurtogal ah innaka daboolaan”.


Image

Maayorka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Jaamacadda Cammuud ee aynu horumarkeeda ku ammaanno waxa u guntadey oo ka midho dhaliyey oo taageerona u helay Saleeban-cawar. Tan Hargeysana waxa bilawday gabadh la yidhaahdo Ina Xaaji Aadan. Innakana reer-Sanaag ahaan gudo iyo debedba laynooka baahan yahay isku duubnaan iyo in aynu wax wada qabsanno oo is bar-bar taagno wax kastoo horumar innoo soo kordha ah annaguna maammul ahaan jaamacaddan waa soo dhowaynaynaa waxannuna bulshada ku boorrinaynaa fursaddaas in laga faa’iidaysto”.

Prof-Axmed Xaaji Aadn (Sanag University) Faadumo Xaaji Xasan (Isuduwaha Arrimaha qoyska gobolka Sanaag) Axmed Ibraahin Yuusuf (Maammulaha Shirkadda Somtel/Erigavo) iyo xubnihii kale ee iyaguna kulankaas ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay in ay jaamacaddan soo dhowaynayaan sidoo kalena mahadnaq weyn usoo jeediyey maammulka jaamacaddan cusub.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”