
Faalo: MAREEGTA OODWEYNENEWS OO NOQDAY MURAAYADA WARBAAHINTA SOMALILAND.
LONDON(OWN)- Mareegta Oodweynenews waxaanu ku fay aad ugu faraxsantahay adeega ay u hayso bulsho-weynta reer Somaliland iyo dhamaanba dadka ku hadla afka Soomaaliga ee ku baahsan baalaha aduunka. Mudadii aanu ku jirnay warbaahinta waxaanu dadweynaha reer Somaliland u soo gudbinay warar lagu kalsoon yahay oo sumad iyo sowracba leh, waxaanu sidoo kale idin la socdsiinaa barnaamijyo door ah oo aan ka xusi karo: Xulashada webka, Wacdaraha Abwaanka, Fanka iyo Fanaanka, Toddobaadka iyo wargeysada Somaliland, Nasashada Axada, Sawirka Maanta, Barnaamijka Muusiga iyo Salaamaha, Falanqaynta Webka, Saaxiibka iyo Siyaasadda, Bandhiga Siyaasadda, Madaxda Maanta iyo qaar kaleba.
Geesta kale waxaanu aad ugu faraxsanay in aanu noqonay damal lagu soo hirto oo badiyaaba warbaahinta Somaliland ka dhimbiil qaadato. Waxaa xusid mudan in markii aanu bilownay barnaamijka Radio Oodweyne oo u jeedada aanu ka lahayn ay ahayd in dadka aan akhriyin farta Soomaaliga aanu u sahalno dariiq ay wararka ku heli karaan arintaas oo noqotay mid wax ku ool ah, waxaana mudo yar kadib bilaabmay in mareeg kale ay bilowday hawshaasi mid la mid ah. Waxaanu sidoo kale ku niyadsanahay in aanu warbaahinta Somaliland u noqonay tusaale toolmoon.
Dhanka kale waxaanu habeenkii xalay ahaa idiin soo tebinay waraysi uu bixiyay Fanaankii, Macalinkii weynaa Muj Maxamed Mooge Liibaan bishii January sanadkii 1981 wakhtigaas oo u ku sugnaa gudaha dalka Ethiopia, waxaana xusid mudan in warbaahinta qaar ka mid ahi nala dareemeen in Muj Maxamed Mooge mudan yahay in la xuso. Oodweynenews waxaanu si mugleh u ognahay warbaahinta iyo muhiimada ay u leedahay bulshoweynta reer Somaliland sidaasi darteed waxaanu markasta ka taxadirnaa waxkasta oo dheg xumo u keeni kara milgaha mareegta sharfta badan, waxaanu ognahay in qawlkayga iyo qoraalkayagaba uu yahay mid nalagula xisaabtami doono If iyo Aakhiroba, waxaanu ku dedaalaa hadh iyo habeenba in aanu u shaqayno si xor ah oo xalaal ah anaga oo ka digtoon falsefada odhanaysa (War ka xuni wuxuu ka yimaadaa cadowga, waxaa soo qaada doqonka waxaana rumaysta wax-magaratada).
Hadii aanu nahay Bahda Shebekeda Caanka ah Oodweynenews.com waxaanu tixgelinaa aaraada iyo fikradaha bulsho weynta ku xidhan mareegtan. Geesta kale waxaanu ku baraarujinaa qorayaasha maqaalada in ay ka fogaadaan hadalada aan qiimaha lahayn anaga oo dhanka hoose ee qoraalka ku dhaafna fariin u dhigan sida tan: (Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kala dila).
Ma haboontahay In aad warbaahintaada u adeegsato shakhsi weerar ?
Akhristoow wariyaha gudanaya waajibaadkiisa shaqo waxa uu xeeriyaa qawaaniinta saxaafada iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed sidaasi darteed waa arin aad u foolxun in shakhsi warbaahintiisa u adeegsado shakhsi weerar, waxaanu tusaale aad u xun ka bixinayaa naftiisa ama shakhsiyadiisu waxa ay tahay. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la ilaaliyo karaamadiisa shakhsi ahaaneed. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaahda (Gaal dil gartiisana sii) taasi oo macnaha ku duugani uu yahay in qofkasta xaqiisa la mariyo. Waxaase dhawaanahan dabarka soo goostay warbaahino bilaabay shakhsi weerar iyo qof si gaar ah loo saaran yahay. Akhriste Oodweynenews wuxuu kula talinayaa warbaahinta u shaqaysa qaabka noocani ah in ay ka waantoobaan isla markaasina ay ogaadaan in aan bulshada la majaro habaabin karin.
Oodweynenews.com/London
http://oodweynenews.com/news/12884-faal ... iland.html
