Saylac: Doonyo La Sheegay Inay Qalab Milatari Sideen Oo Ku Soo Xidhay Xeebka Buul-Cadde Ee Saylac
Saylac (Oodweynenews) – Taliyaha Ciidanka Qaranka ee dagan Caasimada Gobolka Salal ee Saylac Cabdi Xudhuun iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Gobolka Salal Cabdi Qayre oo fadhiisinkoodu yahay Magaalada Saylac, ayaa la sheegay inuu muran xooglihi soo kala dhex galay ka dib markii laba doonyood oo la sheegay inay qalab milatari sideen ay ku soo xidheen xeebta Gobolkaas.
Murankan labada taliye ayaa yimid kadib markii doonyahan oo la sheegay inay sideen qalab milatari oo aan la sheegin nooca uu ahaa si qarsoodi ah gawaadhi loogaga daad guryeeyey iyadda oo aanay ogayn ciidamada ilaalilada xeebaha iyo kuwa Milatariga ah labaduba.
Wararka ka Saylac waxa ay sheegayaan in labada ciidan ay ogaadeen in qalabkii ay sideen labadaa doonyood loo raray dhinaca dalka Itoobiya oo ay xidhiidh dhow leeyihiin Somaliland, sidaas daraadeedna taliyaha ciidanka Milatariga ayaa sida la sheegay ku doodaya in ilaalida xeebaha ay u xilsaaran yihiin, sidaas daradeed masuuliyadda dhibaatada amni daro ee ka timaada qalabka ay sideen doonyahaasi uu ka masuul yahay ciidanka ilaalida xeebaha Gobolka Salal oo uu taliye u yahay Cabdi Qayre.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gawaadhida labada doonyood lagaga daad-gureeyay qalabka ay sideen ay u kolonyeysteen deegaano dhanka galbeed ka xiga gobolka Salal, halkaana ay ku dajiyeen qalabkii ay sideen.
Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo halka ay ka yimaadeen doonyahan ku soo xidhay Badda Gobolka Salal iyo cidda ay u wadeen qalabka la sheegay inay sideen.
Waxaa suurto gali weyday in aanu ku helo khadka telefoonka taliyaha ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland Axmed Cismaan, si aanu arimahaasi waxa uga weydiino.