Gadabursi clan elders: These events are just fear mongering
Posted: Mon Sep 13, 2010 1:56 pm
Ciidamado aan la garanayn oo lagu arkay Buuralayda Xariirad Ilaa Saylac u dhexasaysa
Xariirad(Saylac.com)- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Xariirad, Cabdiqadir, Jidhi iyo Lawyacado ayaa saxaafada gobolka Awdal u sheegay inay indhahooda sareen ciidamado hubaysan oo u safar ku maray degaanadaa ka dibna aan la garanayn meel ay ku danbeeyeen.
Ciidamada Federaalka Itoobiya oo ay iskaashanayaan ciidamada Jamuuuriyada Somaliland ee ku sugan Gobolada Awdal iyo Selel ayaa si dhakhsiyo ah u dabagalay ciidamadan lagu sheegay Buuralayda Gobolka Awdal waxaana wararku intaa ku darayaan in ciidamada Itoobiya iyo Kuwo Awdal ay heleen dirays iyo saanado rasaas ah oo ay ka tageen ciidamada lagu arkay Buuralayda gobolka Awdal.
Inkasta oo aan ilaa hadda la kala ogoyn cida ay yihiin ciidamadan buuraha gobolka Awdal lagu arkay, hadana dadweynaha degaanadaa degani waxay shegeen inay yihiin ciidamo soomaali ah oo afsoomaali ku hadlayey mudadii ay galayeen Buuralayda ee safarka ku marayeen dhulka lagu arkay. Ciidamadan Buuraha galay ayaa dadku u dhigeen inay yihiin ciidamado Jabhad mucaarad ku ah dawlada cusub ee Jamuuriyada Somaliland oo kasoo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel Halka dadka qaarkiisna ay iska dhex marayaan inay yihiin Ciidamo Jabhad mucaaradku ah dawlada Jabuuti oo dhanka Itoobiya kasoo galay dalka Jamuuriyada Somaliland Dadka kale ayaa iyaguna aaminsan yihiin ciidamo ka tirsan Hadhaagii Jabhada ONLF .
Dadweynaha Borama ku dhaqan ayaa isla dhex maraya in arimahani yihiin kuwo aad loo buunbuuniyey isla markaana lagu damacsan yahay in gobolada Awdal iyo Selel ay noqdaan goob dagaal oo dadka lagu cabsi gasho cid arimahan ka danbaysana ilaa hadda lama garanayo.
Kala soco wararka intooda kale iyo waraysiyo aanu ka qaadnay dadweynaha ku dhaqan buuralayda gobolka awdal saylac.com
Saylac.com