Page 1 of 1

A military man in dolow arrested

Posted: Mon Sep 13, 2010 2:16 pm
by grandpakhalif
September 13 @ 08:50:52 EDT



Shalay uun bay aheyd markii ciidamada Ethiopia ay ku xireen magaalada Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, guddoomiye ku xigeenkii Gedo haddana sheegto in uu gobolka barasaab ka yahay, hase yeeshee maantadan waxaa soo baxay baaq dowladda Ethiopia lagaga codsadanayo in ay siideyso mas'uulka.




Qaar badan oo kamid ah saraakiisha ku sugan degmada Doolow ayaa soo saaray war cad ayaa sheegay in ay ka xun yihiin tallaabadan looma qaateenka ah ee xabsiga loogu taxaabay Maxamed Cabdi Kaliil oo militariga Ethiopia isagoo jeebadeysan ay xireen.


Siyaad Cabdi Kaliil waa sargaal kamid ah kuwa Doolow, walaalana ay yihiin Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu u jeediyey dowladda dhexe Ethiopia in ay ilaaliso xiriirka iyo deris wanaagga kala dhexeeya reer Gedo, sidaa daraateedna ay si shuruud la'aan ah xoriyadiisa ku siiso Mr Kaliil.


''Wax aanu qaadan karno ma ahan, waxaanan si deg-degga ah u codsaneynaa in la siidaayo Maxamed'', ayuu yiri Siyaad oo laf ahaantiisa ku sugan Doolow.


Ilaa hadda lama oga sababta loo xiray Maxamed Cabdi Kaliil oo kamid ah ragga aadka u abaabulayo ciidamada lagu ururinayo mudadaba Ethiopia, xilligii la qabanayey wuxuu kulan albaabada u xiran yihiin kula jiray saraakiil ciidan oo Ethiopian ah.


Si kastaba ha ahaatee Ethiopia waxaa lagu tilmaamaa in ay caadadeeda tahay in ay xirato dadka iyada u dhow-dhow, horay waxay xabsi toddobaadyo ah u dirtay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan, Maxamed Dheere, saraakiil iyo mudanayaal ka tirsan dowladda KMG.

Re: A military man in dolow arrested

Posted: Mon Sep 13, 2010 3:54 pm
by abdirisak22
wuu istaahilaa
Cid kast oo magan u noqota ama gargaar weydiisatay Ethiopia waay istaahilaan in si xun loola dhaqmo, haddii aayan la dagaalami karin Shabaabka waxaan kula talin lahaa in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga ee Kenya.