Page 1 of 1

Sufis holding protest against alqaacida

Posted: Wed Sep 15, 2010 2:27 am
by AhlulbaytSoldier
Ahlu Sunna oo maanta dhigtey banaanbaxyo ka dhan ah Al Qacidda.
Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Maanta qorsheynaya deegaanada ay ka maamulaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka dhigaan Banaanbaxyo ka dhan ah urur weynaha Al Qaacida.

Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cabdulaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa waxa uu sheegay in ay ka wadan deeganada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo Uruka Al Qaacidda oo ay ku eedeeyeen in uu Mas’uul ka yayihiin gubista Qur’aanka Kariimka iyo Sheekh Cumar Faaruuq oo isna ay ku eedeeyen in uu diinta meel ugu dhacay

Sidoo kale Abuu Qaadi waxa uu si kulul u weeraray Uruu weynaha Al Qaacidda, waxaana uu ku tilmaamay in ay dhibaato ku hayaaan bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Caalamka, isagoo sheegay in Uruka Al Qaacida iyo baadariyasha Maraykanak ee gubay Kutaabka Alle ay xiriir leeyihiin sida uu hadalka u dhigey.

Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al qaadi Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca waxa uu sidoo kale si kulul u weeraray Sheekh Cumar Faaruuq oo ka mid ah culumada ugu waaweyn Soomaaliya, waxaana uu ku eedeeyay in uu meel ugu dhacay Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

Banaanbaxyadaan looga soo horjeedo Urur weynaha Al Qaacidda oo ah in ay dhibaato ku hayaan Muslimiinta Caalamka ayaa waxa uu maanta ka dhacaya qeybo farabadan oo ay ka arimiyaan Culumaa’duuinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Waa Markii ugu horeysay oo Banaanbaxyo ka dhan Al Qaacid ay ka dhacaan gudaha dalka Soomaaliya, kaasi oo ay qaban qaabadiisa wadaan Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka taliya deegaanada Bartamaha Soomaaliya


WTF has shiikh Cumar faaruq xafiduhullah to do with alqaacida? They are wrong on this!