Xisbiyada Mucaaridka ah Ee UCID Iyo UDUB Oo Si Adag Uga Hadlay Jabhadda Doonyaha Ku YImi Somaliland, Dammanaan Iyo Jilicsanaanna Ku Eedeeyey Xukuumadda
Hargeysa(Togaherer.com):- Labadda Xisbi mucaarid ee UDUB iyo UCID ayaa aragtiyo aan siddaa u kala durugsanayn ka bixiyey Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, taas oo ay sheegeen in aanay darayn, isla markaana xooga saarin dhaqdhaqaaqa ku lidka ah Amniga ay Somaliland ku naaloonaysay mudadda dheer, waxaanay ka sanqadhiyeen in Haya’adaha Sirddoonku ay ku fashilmeen inay la socdaan Maleeshiyaadka sida badheedhka ah uga soo degay biyaha Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo u waramaayey Talefeshinka caalamiga ah ee Horn Cable TV, ayaa sheegay in aanay la yaabin Maleeshiyaadka hubaysan ee ka soo degay Xeebta Buulo caddo, kuwaas oo shaaca ka qaadday in aanay dawladdaha jaarku isku halayn Somaliland ee ay ka tashadaan nabadgalyadooda, isla markaana waxa ay tilmaameen inaanay Somaliland ku xeer naanayn.
Ugu Horreyn Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Arrintani waa fashilaad ku timid dawladdeenii, waxaana loo baahan yahay inay dawladdu mudnaanta siiso nabadgalyadda, waayo adduunka nabadgalyaddu waa ta kowaad, waxaana loo baahan yahay in la dhiso Ciidanka qaranka oo ay helaan qalab casriya oo ku filan.” Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; “Dadka maamulka gacanta ku haya waxa laga doonayaa inay maamul wanaagsan oo isku xidhan hirgeliyaan, waayo mandaqadda wax badan ayaa jira.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo markii ugu horaysay ka hadlay Maleeshiyaadka ka soo degay Xeebta Saylac, ayaa waxa uu yidhi; “Maleeshiyaadkan hubaysani inay Ethiopia ku wadda socdeen iyo inay badh Somaliland ku hadheen ma kala caddayn karno, waxaanay noqon karaan Dad meelo kala duwan ku socdda, markaa haddii aanay Kooxdani ahayn Dad u dhashay deegaankaas u malayn mayo inay dhibaato badan u geysanayaan shacbiga reer Somaliland, balse waxa aanu eegaynaa talaabooyinka ka soo baxa.”
Mar la weydiiyey Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB in arrintani ay wax u dhimayso samcaddii ay Somaliland ku lahayd beesha caalamka iyo dawladdaha la jaarka ah, waxa uu yidhi; “Haa arrintai samcadda Somaliland wax wayn ayey u dhimaysaa oo waxa kale oo wax u dhimaysaa kalsoonidii shacbiga reer Somaliland ay ku qabeen nabadgalyadda, anagu werwerkayaga waanu qabnaa in la soo wadda geli doono Buuraha, waxaanad mooddaa in aanay Xukuumaddani danaynayn nabadgalyaddii ma wadda odhanayo dhammaantood, laakiin meeshan waxa jira ragg halbowlayaasha u fadhiya Madaxweynaha, waana rag leh danno gaara.”
“Markaa anagu (UDUB),ahaan waanu u baqaynaa nabadgalyadda dalka, waxaas oo dhammi waxay ku xidhan yihiin Madaxweynaha oo garta kooxdaa uu ka tallo qadanayo oo markuu KULMIYE joogayna uu talada ka qaadanaayey, markaa isaga (Madaxweynaha) way u dhamaynayaan oo Somaliland ayey u dhamaynayaan, wadamadda aynu jaarka nahay halis ayey ku jiraan.” Ayuu yidhi Cali Guray.
Afhayeenka oo ka jawaabaayey su’aal ahayd inay arrintani wax u dhimayso xidhiidhkii Somaliland iyo Ethiopia, ayaa waxa uu yidhi; “Wuu dhaawacmaa oo Ethiopia waa dawladd weyn oo is baddelkeeda si fiican ula socota, raga qabsadday halbowlayaashii ee loo wadda dhiibay-na si fiican ayey u taqaanaa weliba si aynaan inagu u garayn ayey iyagu inoo yaqaanaan oo Dad aynu meel kala jirno maaha oo waxaad la socotaan in gobol dhami uu Somali yahay.”
Waxaanu istaas ku darray oo uu yidhi; “Fariinta aanu dawladdaha jaar u gudbinaynaa waxa weeye inaanay isku lahayn nabadgalyadda Somaliland oo aanay deyr ka dhigan Somaliland waanay dhammaatey Somaliland-tii deyrka idin ahayd. Koox gaara, cid gaara, goor gaara, wax gaara oo si gaar ah isugu xidhanta oo iyagu awooda dalka gacanta ku qabsadda Madaxweynuhu waa inuu ka ilaaliyo, Madexweynuhu isagaa ina badbaadin kara.”
What is UDUB & UCID's latest take on the Buulo caddo issue?
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 223 Replies
- 8878 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 0 Replies
- 424 Views
-
Last post by SSSM
-
- 18 Replies
- 1535 Views
-
Last post by SNM_Warrior
-
- 93 Replies
- 3758 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 14 Replies
- 1136 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 6 Replies
- 674 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 650 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 466 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 6 Replies
- 831 Views
-
Last post by guryasame
-
- 8 Replies
- 1364 Views
-
Last post by Cali_Gaab