Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Gobolka Awdal iyo Xukuumada Silaanyo oo ka Aamusan
Heestii Hambalyo iyo Fanaankii Weynaa ee Caanka ahaa Sir Maxamud Cumar
September 4, 2010
Boorama, (sli) – Wararka ka imanaya dhinaca soohdinta gobolka Awdal la leeyahay dalka Itoobiya ayaa la sheegeyaa in ciidamada dalkaasi lagu soo dhaweeyey xadka, halkaasina ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha dhinaca amniga.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, wararkan oo ilaa labadii maalmood ee u dambeeyeyba soo noqnoqonayay, ayaa aakhirataankii la sheegeyaa in goobo ka mid ah degaanada soohdinta labada dal ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, laga soo bilaabo magaalada Wajaale ilaa galbeedka gobolka Awdal.
Sida wararka socotada ka imanaysa degaanada xadku sheegeyaan, waxa dhawrki maalmood ee ugu dambeeyeyba halkaasi lagu soo daadgureynayey ciidamadaasi, iyadoo dhinaca kalena aanay jirin wax war ah oo ka soo baxaya labada dal kuna saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamadaasi.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegeya in dawladda Itoobiya beryahan feejignaan dhinaca amniga ah saartay soohdinta Somaliland ay la leedahay, halkaas oo sida la sheegeyo looga baqayo inay ka soo galaan kooxaha dagaalka kula jira Somalia una soo tallaabaan dhinaca Itoobiya.
Isku socodka gaadiidka Boorama iyo Aw Bare oo awal si fudud iskugu gudbi jiray xitaa haddii aanay lahayn lambarada labada dal, ayaa iyadana la adkeeyey isla markaana aanay Itoobiya u gudbi karin gaadiid aan lahayn lambarka Itoobiya, iyadoo dhinaca kalena baadhista dadka socotada ah ee u sii gudbaya gudaha Itoobiyana la adkeeyey.
Printer-friendly version
Submitted by news on September 4, 2010 - 5:30pm.
September 4, 2010, Ethiopian soldiers getting ready???
Moderator: Moderators
- AbuDujanah
- SomaliNetizen
- Posts: 351
- Joined: Mon Aug 30, 2010 9:19 am
September 4, 2010, Ethiopian soldiers getting ready???
Last edited by AbuDujanah on Thu Sep 16, 2010 5:49 am, edited 1 time in total.
- AbuDujanah
- SomaliNetizen
- Posts: 351
- Joined: Mon Aug 30, 2010 9:19 am
Re: September 4, 2010, Ethiopian soldiers getting ready???
Dumb East Africans, at least if your going to do an inside job, do it properly and make it believeable
This is all one big set-up by Siilaanyo. There is NO ONLF. He just wants to make firm his grip on power which will never happen
Source: http://somalilandinfo.com/node/10267

This is all one big set-up by Siilaanyo. There is NO ONLF. He just wants to make firm his grip on power which will never happen

Source: http://somalilandinfo.com/node/10267
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: September 4, 2010, Ethiopian soldiers getting ready???
He wants a firm grip on power? He just won the election, dumb arse 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 358 Views
-
Last post by Adali
-
- 2 Replies
- 460 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 7 Replies
- 667 Views
-
Last post by kaliil
-
- 1 Replies
- 323 Views
-
Last post by AbuDujanah
-
- 12 Replies
- 2095 Views
-
Last post by Ninxoon2
-
- 10 Replies
- 1456 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 4 Replies
- 1442 Views
-
Last post by Fale
-
- 17 Replies
- 1380 Views
-
Last post by Shift
-
- 59 Replies
- 3363 Views
-
Last post by original dervish
-
- 4 Replies
- 836 Views
-
Last post by gambit