Waxaa si weyn looga xusy magaalada Gaarisa sanadguuradii 26aad markii la aasaasay JABHADA WADANIGA XORAYNTA OGADENIYA, Sanadguuradan oo ah mid Taariikhi ah Ahmiyad balaadhana u leh dhamaan Muwaadiininta reer Ogadenia guud ahaan. Ayaa waxaa ka soo qayb galey Boqolaal qof oo isugu jira Masuuliyiinta JWXO, Xubanaha Jahliyada Faraca Farasan ee Gaarissa, Aqoonyahano, Culumada ugu Waaweyn Magaalada Gaarisa, Marti Sharaf,Hooyooyin iyo Qeybo kale duwan ee Bulshada, Sanad guuradan oo loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxaa sidii Caadadu ahayd lagu furay Aayadaha Qur’aanka kariimka.
Kadib waxaa la gudo galay furaataankii Xaflada Sanadguurada haalkaas oo uu Khudbad Muhiima ka jeediyay Gudoomiyaha Faraca Farsan ee Gaarisa Mudane Cabdinuur Isagoo oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan maalintan iyo qiimaha weyn ay ku leedahay bulsho weynta somalida ogadeniya waxaa kale oo uu gudoomiyuhu intaa raaciyay in ay tahay maalin ay si weyn u sugayeen ugu danbaytiina wuxuu gudoomiyuhu hadalkiisu kusoo gunaanaday in ay bulsho weynta somalida ogadeniya inay gacmaha is qabsadaan una diyaar garoobaan isdaba raacinta nacabkaa kusoo duulay dhulkooda uga Xorayn lahaayeen Gumasytahan daashaday Dadkoodii iyo Dalkoodiiba waxaa kale oo uu kula dardaarmay bulshadii meesha isugu timid inay alle ka cabsiga badiyaan.
Kadib waxaa lagusoo dhaweeyay Masuul ka tirsan Jabhada una jooga garissa Mudane Cali Ahmed (Cali Dheere) isagoo ka sheekeeyay aas aaskii jabhada Caqabadihii ay soo martay iyo heerka ay maanta marayso,wuxuu Masuulku ka sheekeeyay dhibatada loo maro halgan iyo dheefta ka danbaysay, waxaa kale oo uu masuulku sheegay shirqoolada ay itoobiya damacsanatahay kadib marki ay ku fashilantay hawl gal kasta oo ay isku daydo maantana ay marayso meeshii ugu danbaysay aadna ay u tabar daran tahay,halaka Halagankeenuna uu marayo meeshii ugu saraysay xag ciidan, xag siyaasadeed, xag dhaqaale,marka wuxuu masuulku ku celceliyay in maanta gumaysigu isdaba raacin kaliya u baahanyah.