Wararkii ugu dambeeyay ee hawlgalkii Calanside
CWXO oo goordhaweyd la soo xidhiidhay wakaaladda ONA ayay ku sheegeen inay todobaadkan hawlgalo qorshaysan oy ugu magacdareen Calanside bilaabeen dhamaan qaybaha CWXO iyagoo ku qaadaya weeraro qorshaysan bartilmaameedyo kala duwan oo cadawga uu ku lahaa Ogadenya.
Hawlgalka Calanside ayaa daryaankiisa uu gaaray caalamka ka dib markii ay Itobiya faafisay beenta ah in ciidamadii ka fulinayay hawlgalkan aagaga Shiniile ay ahaayeen ciidan xoogan oo badda ka soo dagay taasoo la ogaaday hadda inay ahayd dacaayad ka dib markii ciidamadii la lahaa waxaa lagu hareereeyey buuraha Waqooyi Galbeed la waayay meel ay cidhib dhigeen.
Cadawga ayaa gurmad badan isugu keenay aagaa ka dib markii cagta la mariyay ciidamadii horee dagaalka ka galay aaga Dambal iyo Caysha oo dhamaan wax la dilay iyo wax dhaawac ahaan loo soo qaaday laga dhigay.
Dagaala xoogan ayaa tan iyo shalay ka socday aagaa Shiniile halkaasoo dadweynihii lagala xidhiidhay ay sheegeen in gawaadhida ciidanka gumaysiga ay shalay iyo maantaba keenayeen dhaawac farabadan isbitaalada Dirdhabe iyo Jigjiga. Mar aan la xidhiidhnay dad ka shaqeeya isbitaaladaa la keenayo dhaawaca Wayaanaha wuxuu noo sheegay inuu wax ka daad gureeyay dhaawac la keenay 3ex jeer oo kala ahaa 21 mar ah iyo 28 iyo 36 mar ah.
Aaga Shabeele iyo agagaarka Godey oo hawlgalka Calanside uu ka socday ayaa jabweyn loogu gaystay cadawga iyadoo qaar badanna laga laayay cadawga iyo dhaawac loo soo qaaday magaalada. Waxaa halkaa gacanta lagu dhigay qaar badanoo la socday cadawga, sidoo kale rasaas iyo hub badan iyo qalab militari ayaa halkaana lagaga furtay cadawga.
Warar kale oon goordhaweyd ka helnay magaalada Godey waxay sheegayaan in nin oday ah oo magaciisa naloogu sheegay Qorane Aftaag ay Wayaanaha ku togteen magaalada dhexdeeda isagoo maraya isla markaana la diiday in la aaso. Falal dambiyeedka noocan ah oy ka muuqato waxashnimo iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha ayaa dhaqan u ah gumaysiga Itobiya iyagoo ula jeeda inay dadweynaha ku argagixiyaan.
Wixii soo kodha kolba waan idinla socodsiin doonaa.
ONA.
Wararkii ugu dambeeyay ee hawlgalkii Calanside
-
- SomaliNet Super
- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Wararkii ugu dambeeyay ee hawlgalkii Calanside
ululululululululululululululululululululululullululu















































-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 681 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 2 Replies
- 267 Views
-
Last post by knet
-
- 0 Replies
- 343 Views
-
Last post by yawle
-
- 2 Replies
- 408 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 361 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 309 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida
-
- 2 Replies
- 614 Views
-
Last post by watchman
-
- 1 Replies
- 352 Views
-
Last post by afisoone
-
- 1 Replies
- 398 Views
-
Last post by Fall