More puntland troops join SSC
Posted: Fri Sep 17, 2010 7:13 am
Tikniko iyo Ciidamo uu Taliye u Yahay Maxamuud Foorteyn Oo Si Rasmiya Ugu Soo Biirey Ciidamada SSC.
Written by jidbaale.com
Friday, 17 September 2010 06:35
Tuka-raq:- Sida uu warbaahinta u sheegey afhayeenka Aaga bari Cabdi Daahir waxaa maanta magaalada Tuka-raq xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Tikniko iyo Ciimado uu taliye u tahay Maxamuud Max’ed Cabdi Geelle, kuwaasi oo horey uga tirsanaan jirey Puntand.
Tirada ciidmadan oo lagu sheegey Lix Tikniko ah iyo Boqol Askari ayaa waxaa si rasmiya ula wareegay Taliyaha Aaga Bari Col Faysal Maxamed Xasan Falaalug ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Khusuusiga ee SSC.
Xaflad lagu soo dhaweynayo ciidamadan oo maanta ka dhacdey Tuka-raq ayaa waxaa ciidamada loogu qaley xoolo iyagoo soo dhaweyn weyna kala kulmey dadweynaha deegaanka Tuka-raq, waxaanna ciidamadan doorweyn ka qaatey xubno jaalliyada ka mid ah oo uu hormuud u yahay Aadan Cali Ducaale (Aadanka Hawada)
Maxamuud Maxamed Cabdi Geelle Taliyaha ciidankan oo warbaahinta u waramayey ayaa sheegay in ciidankani uu mudaba ku sugnaa aaga Tuka-raq ayna ku faraxsan yihiin ku soo biiridooda ciidanka SSC.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxaa ay sheegayaa in maalmaha soo socda ciidamo tira badan oo ku kala sugan Taleex.Awrboogays iyo deegaamo kale ay ku soo biiri doonaan Ciidamada SSC ee Aaga bari.
Dhanka kale waxaa 14 bishan soo gaadhey magaalada Tuka-raq Cabdi qawdhan iyo xubno ka tirsan maamulka waqooyi bari ee faroole, kuwaasi oo dadweynaha deegaanku dhagxaan kaga saareen magaaada.