



Madaxa warfaafinta ee ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca Sheekh Cabdullaahi Cabdiramaan Abuu Yuusuf (Al-Qaadi) ayaa caawo shaaca ka qaaday in maleeshiyadoodu qabatay askar ka tirsan dagaalyanada kooxda Al-Shabaab kadib howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.
Qaadi waxaa uu sheegay in askartan laga qabtay wadada u dhexeysa deegaanada Ceelbuur iyo Ceel-Garas,halkaasoo uu xusay in ay saldhig u tahay Al-Shabaab,wuxuuna intaas ku daray in ay soo xireen laba dagaalyahan oo ku eedeeyey in ay abaabulayeen falal ammaanka lagu qalqal gelinayo.
Wuxuu ku eedeeyey Al-Shabaab in ay dhibaato aan loo aabo yeelin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraateedna buu yiri ay tahay in la iska qabto oo la ciribtiro sida uu warka u dhigay.
Ururka Al-Shabaab kama aanay jawaabin in iyaga kamid ahaayeen iyo inkale askarta la qabtay.
Kooxaha magcyada badan ee Somalia ku dagaalamayo ayaa mararka qaar dagaalkooda gacan ka hadalka u beddelo boro-bagaando xagga afka ah.
Gedoweb News Desk
Galgaduud.


