Banaanbaxan oo ay iskaga horyimaadeen ciidamada booliska iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa inta la hubo ay ku dhaawacmeen laba qof, kuwaas oo kala ah nin iyo gabadh, waxaana lagu soo waramayaa in ay banaanbaxayaashu ay mid ka mid ah dirawalada kala baxeen xabsigii uu ku xidhnaa.
Taliye ku xigeenka qaybta booliska oo u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in dadka mudahaaradada dhigaya si xun wax loogu sheegay isla markaana lagu yidhi ragga la hayo waxa loo dhiibayaa ciidmada Ethiopia, warkaas oo ah buu yidhi mid aanay waxba ka jirin.
Ciidamada booliska ayaa hada gacmaha ugu jiraan laba ka mid ah dirawaladii loo haystay in ay u fududeeyeen kooxda Maleeshiyada ONLF in ay gudaha u soo galaan Somaliland iyaga oo nabad ah.
Dhacdadan ayaa ku soo beegan tahay xilli guddidii xaqiiqo raadinta ahayd ee uu madaxweyne siilaanyo u magacabay in ay ka hawlgalaan sababta keentay in ciidamo intaas le’egi ay gudaha u soo galaan dalka ay isla shalayba hawshoodii ka bilaabeen deegaanka Xariirad.
