War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali Harge

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali Harge

Post by Bohol iyo karaman »

Wacdarihii wadaniyadda iyo Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali Secondary School Hargeysa Somaliland + SawiroBy admin | No Comments
Last updated: Sunday, September 19, 2010 Wacdarihii wadaniyadda iyo Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali Secondary School Hargeysa Somaliland + Sawiro

Image

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo ah Unugg ay ku bahoobeen Ardayda Jaamacadaha Dalku waxa uu ku hawlanyey Hirgalinta Wadaniyad dhab ah oo ka tisqaada Dhamaanba Dhul-waynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Hadaba si loo gaadho ujeedadaas iyo Himiladaas wayn, unuggu wuxu hadh iyo habeenba ka hawl galaa inuu da’yarta JSL ku talaalo Dareen wadaniyadeed si ay dalkooda hooyo u jeclaadaan isla markaasna ugu tafa xaytaan horumarka Dhulka hooyo iyadoo loo maraayo iskaashi dhab ah oo dhamaystiran oo dhex mara Bulshada iyo Dawlada JSL.

Image

Hadaba Unugga Wadaniyaddu isaga oo ku guda jira hawlahaas wadaniyadeed waxa uu Bookhasho wadaniyadeed ku tagay dugsiga sare Ee Maxamuud Axmed Cali Secondary School oo ku yaala Caasimadda JSL ee Hargeysa.

Ugu horayn Ardayda Wax ka barata Dugsigaas Maxamud Axmed Cali School waxay ku qaabileen unugga soo dhawayn heer sare ah oo ay ku dheehantahay Wadaniyaddi

Waxay ahayd Madal iyo kulan xiiso badan oo lagu soo bandhigay Barnaamijyo wadaniyadeed oo taabtay raadayn wayna ku yeeshay Quluubta Ardayda dugsigaas oo ay ka mid ahaayeen Suugan, Khudbado wadaniyadeed IWM Oo hadi si kale loo dhigana ahaa aqoon is waydaarsi wadaniyadeed oo dhex maray Ardayda jaamcadaha iyo Ardayda Dugsiyada Sare oo maalmihii ka dambeeyey oo dhan hadal hayntoodu ahayd Wadaniyadda iyo sidii loo huru marin laha Mustaqbalka.

Image

dhibka jira waxa weeye iyadoon Dugsiyada Dawladda ama kuwa gaar ka loo leeyahayba aan lagu dhigin wax khuseeya wadaniyadda ama waxa loo yaqaano Tacliinta Madaniga ah ( Civic Education ) oo runti ardayda yar yar ee soo kacaysa jeclaysiin lahayd ama bari lahayd waxa uu dhulkooda hooyo ka duwan yahay dhulka kale ama waxay uu qofkastaba xaqa u leeyahay iyo wixii isaga xaq loogu laha amaba dhulkiisu xaqa uu ku leeyahay muwaadinkasta, dhab ahaanti wadaniyad la’aantaasi waxay keentay inay dhalinti somaliland dhulkoodi hooyo iyo dhulkii shisheeyaha kala garan waayaan oo ay u tahriiban dhul shisheeye oo lagu adoon sado, laguna xidh xidho, laguna laayo qaarkood, qaarkalana badaha ku sii dhamaadan ba intanay gaadhinba Wadamada ay u tahriibayan ee xadhiga, kufsiga, darxumada iyo karaama daraduba kaga sii horayso.


Image


Gunti iyo gabagabadi Barnaamij kaasi wuxuu ku dhamaaday Farxad wadaniyadi ku dheehantahay oo lagu balamay iskaashi wadaniyadeed iyo in inta ka maqnayd madashaas xiisaha gaar ka ah lahayd la gaadh siiyo. loona dhaqaaqo horumarka dalka iyo adkaynta nabad galyada somaliland oo ah ta inoo suurta galisay wax barashada.

ugu dambayn unugga wadaniyada somaliland waxa uu Geed loogu magac daray GEEDKA WADANIYADDA ku beeray Dugsiga Sare M. A. Ali Secondary School

waxana lagu balamay inaanu geedkaasi qaadhin ee si fiican loo daryeelo si uu u noqdo geedki wadaniyadda ee maxamud axmed cali School loona wada Hadhsado wadaniyada insha Allah.

Rajadeenu waa somaliland oo noqon doonta meel qurux badan oo loo soo dalxiistago loona soo tahriibo insha allah.. Muwaadiniinteeduna ku naaloonayaan Horumar, Barwaaqo, Ictiraaf, Qofkasta oo muwaadin ahina karaamo iyo sharaf ku dhex leeyahay dalkiisa hooyo iyo ciidiisa dahabka ah insh aallah.

Image

By: Khadar A/rahman A/lahi

Email: unugga@gmail.com

Hargeisa, Somaliland
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali H

Post by Bohol iyo karaman »

[youtube]KD9_tGX2rac&feature[/youtube]
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali H

Post by Cumar-Labasuul »

Masha'allah waxbarashadda aad bey u wanaagsantahay :up:
User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali H

Post by HaragWafi85 »

waxbarashada wa iftiinka nolosha. :up:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali H

Post by Keyse_0208 »

maanshalla beautifull photos, the look of success and hope can be seen in those students faces :up: :up:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: War bixin iyo Sawiro Dugsiga Sare ee Mahamud Ahmed Ali H

Post by Dhaga Bacayl »

They look veru healthy Ma'asha ALLAH.

One of my best moments in Hargeisa was noon time when kids are released from school. The ultimate sign of civilized society!.....

Sheikh Bashiir primary in my bones. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”