Ra’iisul wasaarihii DKMG oo is casilay iyo Madaxweyne Shariif oo soo dhaweeyay.
Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Maanta isku casilay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyadoo iscasilaadiisana uu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
kulan mudo dhowr Saacadood ah qaatay oo Xarunta Madaxtooyada Viila Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho maanta ay ku qaateen Madaxda sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulankaasi Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu iska Casilay xilkii uu ka hayay dowladda KMG Soomaaliya.
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada KMG Soomaaliya oo isagu ugu horeyn kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ku dhawaaaqay iscasilaadiisa isagoo sheegay in iscasilaadiisa ay ka dambeysay kadib markii uu sii xoogeystay sida uu sheegay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Marxaladda Xun ee dalka uu marayo,
Waxaa uu u mahad celiyay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo Wasiiradii la soo shaqeeyay isagoo uga mahad celiyay qaabkii ay ula soo shaqeeyeen intii uu hayay xilka Ra’iisul wasaaranimada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in uu u rajeynayo guul, islamarkaana ugu baaqay inay meel iska dhigaan wax walba oo dhib u keeni kara Shacabka Soomaaliyeed ee ay masuulka ka yihiin.
Intaasi kadib waxaa makaroofanka la wareegay Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo isagu sheegay in Ra’iisul wasaarihii uu Khilaafka kala dhaxeeyay ee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu ku dhaqaaqay Talaabo taariiqi ah oo geesinimana ay ku dheehantahay.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watta ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Ra’iisul wasaaraha Xilkiisa iska casilay intii ay wada shaqeynayeen sida wanaagsan ee uu waajibkiisa u gutay, isagoo sheegay in uu soo dhaweynayo talaabada uu isku casilay taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu soo afjaray khilaafka hareerayay hogaanka sare ee dowlada.
Ma’ahan Cumar C/rashiid Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dowladda KMG Soomaaliya oo xilkiisa isaga Casila khilaaf Madaxweyne hase ahaatee dhamaadkii 2007-da ayaa Ra’iisul wasaarihii hore dowladda KMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi waxaa uu Barlamanka KMG Soomaaliya oo xiligaasi ku shirsanaa Magaalada Baydhabo uu ka horcadeeyay in uu xilkiisa isaga tagay, waxaana ilaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay is casilaada Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke walow wararka qaar ay sheegayaan in cadaadis uu uga yimid dhinaca beesha Caalamka.
Shisheeye forces fatboy to resign
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Shisheeye forces fatboy to resign
Run Omar! run to daroodland! run! but first stell all the money you can!
hawyie doent want the rule of law to return!

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 578 Views
-
Last post by Kramer
-
- 1 Replies
- 337 Views
-
Last post by noer
-
- 0 Replies
- 297 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 10 Replies
- 737 Views
-
Last post by waryaa
-
- 1 Replies
- 543 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 570 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 16 Replies
- 1696 Views
-
Last post by Insomniac
-
- 77 Replies
- 2739 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 0 Replies
- 186 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 8 Replies
- 738 Views
-
Last post by RIIGHAYE