Page 1 of 1

Selected PM: Walks away

Posted: Tue Sep 21, 2010 6:54 pm
by vangandi
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo ku dhawaaqay inuu is casilay iyo madaxweyne shariif oo ka aqbalay iscasilaadiisa ka dib markii uu manta baaqday kulankii baarlamaanka

Waxaa daqiiqado ka hor xilkiisii iska casilay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke, isagoo kaga dhawaaqay iscasilaaddiisa xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.



"Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya wuxuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ku dhawaaqay inuu iscasilay" ayuu Inj. C/raxmaan Yariisow u sheegay Dhahar Online.



Intii aysan iscasilaaddu ku dhawaaqin Cumar C/rashiid ayaa waxaa kulan muddo saacad ah qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.



Sharma'arke, oo si kooban uga hadlay sababta uu isku casilay ayaa ku sheegay inay tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xoogeystay iyo dalka oo ku sugan xaalad khatar ah.



Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid ayaa waxaa u dhexeeyay bilihii ugu dambeeyay khilaaf siyaasadeed sababay inay hadallo isku mariyaan warbaahinta, waxaana khilaafkaas uu saameeyay baarlamaanka Soomaaliya.



Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlahaa sidii uu labadan ma'suul isugu keeni lahaa, iyadoo hadalkii ugu dambeeyay ee uu jeediyo Sharma'arke uu ku sheegay in dowladdu ay weerari doonto gobollada koonfurta Soomaaliya ku yaalla.



Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda xilka Ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya u magacaabo C/waaxid Cilmi Cumar (Goon-jeex) oo ahaa wasiir iyo ra'iisul wasaare ku xigeen, waxaana iscasilaaddan ay madaxda xubnaha dowladdu ku sheegeen inay soo afjarayso khilaafkii muddada soo jiray.



Iscasilaadda ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo xalay ruux ka tisran Xisbul Islaam oo isi-soo-miidaamiyay uu weerar ku qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyn ay toogteen ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ee ilaaliya Madaxtooyada.



Maxamed Ciise Maxamuud_Dhahar Online



Mociise@hotmail.com



Muqdisho-Somalia

Re: Selected PM: Walks away

Posted: Tue Sep 21, 2010 6:57 pm
by grandpakhalif
NEW PM- Abdiwaxid Elmi 'Goonjeex' wuxuu ka mid ah Reer Cabudwaaq :up:

Re: Selected PM: Walks away

Posted: Tue Sep 21, 2010 7:00 pm
by vangandi
Does it matter?

This system and the people involved where they slaughter each other daily, no sane individual would be part of. Unless, suicide is your mission you cant control nor rule parasites who are full blown terminal.

A solid alliance should come out of this against the people of Southern Somalia. We don't need them.

Re: Selected PM: Walks away

Posted: Wed Sep 22, 2010 12:21 am
by IslamState
grandpakhalif wrote:NEW PM- Abdiwaxid Elmi 'Goonjeex' wuxuu ka mid ah Reer Cabudwaaq :up:
:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:

Finally The rightful leaders are being recognised.

The X-Men have always been the best of leaders, love their country and equally treat people!!

Re: Selected PM: Walks away

Posted: Wed Sep 22, 2010 10:20 pm
by Blue_609
^ X-men kuna waa ayo ?