with food and where to sleep?
and specialised in rare diseases?
WOMAN FROM KISMANYO, MOGADISHO, BOSSASO, HARGEISA are treated free.

Boorama-(Lug)-Dhawr iyo labaatan haween ah oo uu si ba’an u saameeyay xauunka Iskufuranka eek u dhaca haweenka waqtiga dhalmada ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Caalamiga ah e Fistulaha ee Magaalada Boorama, haweenkan oo ka kala yimid dalka Somalia, Puntland iyo qaybo ka mid ah Somaliland ayaa waxa ay soo gaadheen cisbitaalka iyaga oo lagu wado gaadhi bas nooca yaryar ah, inkasta oo ay guud ahaan haweenkan ka muuqatay duruufaha xanuunka iyo naxdinta isugu jira ee ay soo mareen mudadii uu xanuunkani hayay ayaa hadana waxa aan meesha laga saari Karin inay jirtay farxad wajiyadooda ka muuqatay markii ay soo gaadheen Cisbitaalka Caalamiga ah ee Fistulaha taasi oo kuu tilmaamaysay inay rajo wayn maanta ka qabaan inay caafimaadaan.
Khadiija Cali oo ahayd gabadha haweenkan garabka ka siisay inay soo gaadhaan halkan ayaa waxa ay u sheegtay Lughayanews xaaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen waxana ay tidhi “ Waxa aan ka keenay haweenkan meelo kala du-duwan oo ayka mid yihiin Kismaayo Jilib, Jamaame iyo meelo kal eoo kala fog-fog dhamaantood ha kala duwanaadaane waxa ay qabaan xanuunka isku furanka, Muqdisho waxa aan ku soo gaadhnay baabuur, wixii ka dambeeyay ilaa Somaliland waxa an us oo raacnay Diyaarad waxana ay tahay rajadaugu wayn ee aan qabnaa inay haweenkani dhaqso u caafimaadaan isla markaana aan ku celiyo qoysaskii ay ka yimaadeen”.
Qaar ka mid ah haweenkan oo ay Lughayanews la boobtay bakarafoonka isla markaana ay waydiisayinta ay leegtay mudadii ay xanuunkan qabeen ayaa u sheegay taariikho kala duwan oo isugu jiray inta u dhaxaysa 1 sano ilaa 20 sano, waxase ay ka sinaayeen in ay maanta qabaan rajo aad u wayn oo ah inay ka soo kabtaan maalmo xanuun kulul oo ay kala kulmeen xaunuunkan isku furanka.
Haweenay iyadu ka timid degaanka Jilib oo si gaar ah uga waramaysay sida ay ku soo ogaatay in uu jiro Cisbitaalkan caalamiga ah ee Fistulaha ee magaalada Boorama ayaa tidhi “ Waan nasiib badnaa waxa aan la kulmay gabadh kale oo iyadu fursad u heshay inay dhaqtarkan lagu daaweeyo waxana ay ii sheegtay inuu jiro cisbitaalkan oo waliba lacag la’aan ah oo dhaqaatiirtiiisu ay fiican yihiin…. Wixii intaas ka dambeeyay waan soo raadiyay ilaa aan la kulmay Dr. Liibaan oo halkan noo soo diray”.
Dhinaca kale Dr. Ibraahim Siciid Qaws oo ka waramayay ilaa intii uu furnaa cisbitaalkani waxyaabaha u qabsoomay ayaa waxa uu yidhi “ Dad aad u badan ayaan ku dawaynay halkan waxana ay ahayd ujeedadii aan u furnay in hooyada qabta xanuunka isku furanka ah aan siino fursad ay ku hesho dawayn bilaash ah, haweenkan ugu dambeeyay ee noo yimid waxa ay ka kala yimaadeen meelo kala duduwan waxana suurto galiyay inay nasoo gaadhaan oo aan u mahad naqayaa hayada WAHA iyo saaxiibkay Dr. Liibaan oo isagu isku hawlay inuu soo ururiyo haweenkan.
Dr. Qaws waxa uu u diray bulshada geeska Africa fariin muhiim ah waxana uu yidhi “ Cidwalba oo ka cabanaysa xanuunkan isku furanka waxa aan ku boorinaynaa inay noo timaad waxa aan ula diyaar nahay soo dhawayn wayn waxa aan ugubishaaraynaynaa dawo, qaliin cuno iyo hoy bilaash ah, shuurda kaliya eek u xidhani waa in ay nasoo gaadhaan anaka, waxa an u diyaarinay oo aan taba barnay shaqaale yaryar oo hawsha ka adag waxana aan ku dadaalaynaa inaan wajibka u gudano si balaadhan.