Max’med Amiin “Mayeelayno in degmada Doolow loo wareejiyo ciidankii Kenya dowlada loogu tababaray waxaana u aragnaa arrin qabiil”.
Mid kamida Xildhibaanada Baarlamanka Dowladda KMG ah ayaa sheegay in Itoobiya iyo Kenya ay wadaan dadaallo ciidankii dowladda loo tababaray loogu wareejinayo dhanka Doolow.
Max’med Amiin oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka ee Dibadda jooga ah ayaa sheegay in Kenya iyo Itoobiya ay isaga iyo siyaasiyiin Beeshiisa ah ay uga bexeen Heshiis ay sanadkii lasoo dhaafay lagaleen.
Wuxusuu sheegay in Itoobiya ay la wareegtay Kumanaan Maleeshiyaad ah oo Dowladda KMG ah loogusoo tababaray dalka Kenya kuwaasi oo ladoonayay in ay qabsadaan Gobalada Jubbooyinka.
“Itoobiya iyo Kenya waxay wadaan Hagardaamo, ciidankii aan muddo abaabulaynay ee larabay in ay Jubbooyinka qabtaan ayay Doolow Gedo u wareejiyaan arrinkaasi waa khiyaano aan laqaada karin’’ayuu yiri Max’med Amiin.
Xildhibaankan ayaa ku eedeeyay Dowladaha Deriska ah in ay beel gaar ah lasafanayaan islamarkaana ay wiiqmi karaan isbahaysigii ka dhanka ahaa Islaamiyiinta ee sanadii lasoo dhaafay Kenya lagu dhisay.
“waxa ay wadaan Itoobiya iyo Kenya waxaa kuwa qabiil gooni ah u danaynaya, Doolow in ciidanka laysugu geeyo mayeelayno waa arrin qabiil, hadii in laxoreeyo larabo Jubbooyinka waa in anaga nagala tashadaa”ayuu warkiisa sii raaciyay Max’med Amiin.
Eedayntan kasoo yeertay Xildhibaanka ayaa kusoo aadaysa xilli ay fashilmeen qorshayaal ay Kenya ku doonaysay in ciidan dowlada loo tababaray ay ku qabsadaan gobalada Jubbooyinka oo ay xoogag islaamiyiin ah maamulaan.
Xildhibaan Max’med Amiin ayaa doonaya in qaab beeleed uu isugu diro saraakiisha Dowladda KMG ah ee dhawaan loo magacaabay, ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha dowlada ee Gedo ku sugan.
Cagdher calaacal about Dolow
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Cagdher calaacal about Dolow
loooooool@Maxamed Amiin who does this guy represent? he has no clue whats happening in Jubboyinka.
Ciidamada can be toys for Xabashi troops thats upto you.
Ciidamada can be toys for Xabashi troops thats upto you.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 550 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 457 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 347 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 3 Replies
- 6079 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 2 Replies
- 395 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 403 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 27 Replies
- 1605 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 1 Replies
- 319 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 3 Replies
- 635 Views
-
Last post by TarTar