









Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Guulihii ay Ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalladii ay Maanta la galeen Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Dagaalladii Maanta ka dhacay Degmooyinka Hodon,Wardhiigley,Howlwadaag iyo Boondheere islamarkaasna u dhewxeeyay Ciidamada Dowladda Soom aaliya iyo Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah ayaa waxaa gullo la taaban karo ka gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminyeen Saraakil ka tirsaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday Fariisimo ay horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxaha Soomaali diidka ah iyadoo qasaare xooggan la gaarsiiyay Maleeshiyaadka kooxahaasi,islamarkaasna ay Ciidamadu hub kala duwan kasoo qabsaden.
Taliyaha Guutada Ilaalada madaxtooyada ee Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliyaha Aaagga sadexaad ee Ciidamada Xooga dalka G/Sare Cabdullaahi cali caanood oo isagoo ku sugan aagga hore ee dagaalka kula hadlay Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan R/Muqdisho ayaa sheegay inay Ciidamadu guullo wax ku ool ah ka gaareen dagaalladaasi islamarkaasna ay Ciidamadu werar ku qaadeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxda Shabab iyo Xulafadooda,waxa uuna tilmaamay taliyuhu inay Ciidamada qaranka uu ka shahiiday hal askari halka uu dhaawac soo gaaray 2-kale oo ka tirsan Ciidamada isagoo tilmaamay in dhinaca Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ha ay ka dileen illaa iyo 6-Ruux oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi.
Sidoo kale C/Kariim Dhego badan Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo isna la hadlay R/muqdisho isagoo ku sugan Jiidda hore ee dagaalka ayaa hosta ka xariiqay inay Ciidamadu soo furteen Labo qori oo ay Soomaalidu u taqaano Dabjeexa,iyo Afar AK,isagoo intaasi ku daray inay Ciidamadu si rasmi ah u bilaabeen waajibaadkooda islamarkaasna ay dhowaan shacbigu arki doonaan wax ay ku farxaan ,waxa uuna abaanduuluhu ugu yeeray dhammaan shacbiga Soomalaiyeed inay gacan siiyaan Ciidanka Dowladda si wax looga qabto Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Qaranimada soomaaliya.
Abaandule dhago badan aya aintaasi ku daray inay ciidamadu sii wadi doonaan dagaallada tan iyo inaty ay kasoo afmeerayaan maleeshiyaadka Kooxaha Shababa iyo Xulafadooda ee dhibaatooyinka ku haya Bulshada Soomaaliyeed.
Saraakisha Ciidamada ayaa sidoo kale Suxufiyiinta kusoo wareejiyay dhammaan aagagii xoogga loga saaray maleeshiyaadka Koxda Shabaab iyo sidoo kale Labo ruux oo meyd ah kuwaasoo ka tirsanaa Kooxda Shaba islamarkaasna naftooda ku waayay dagaalladii maanta,waxaana la arkayay Ciidamnada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Daarta aaden Cadde iyo sidoo kale deegaanno hor leh oo ka tirsan Degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Gobolkani banaadir.
Dhinaca Kale Afheyeenka Ciidamada Nabad Illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Bariijiye Bahuuko oo ka hadlaya dagaallada ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalamaya inay weli haystaan Fursad ay ku badbaadsadaan Naftooda isalamarkaasna loo baahanyahay inay ka daayaan qalalaasaha Caruurta da’da yar oo ay ka keenayaan qaar kamid ah Gobollada dalka Soomaaliya.
Dagaallada ay Maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku qaadeen Maleeshiyaadka qaranimo diidka ah islamarkaasna ay kula waregeen xarumo faro badan oo horay gacanta ugu jiray maleeshiyaadka Shabaab ayaa u muuqda Howlgallo ay Dowladda Soomaaliyeed uga gol leedahay inay Shacbiga Soomaaliyeed uga saarto dhibaatooyinka iyo handadaadda ay kala kulamayaan maleeshiyaadka Kooxaha Nabad diidka ah oo ay ugu horreyso Kooxda Xiriirk adhow Ururka la leh Alqaacida ee Alshabaab



