Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeedka

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeedka

Post by Bohol iyo karaman »

Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeedka Candlelight.
Ceerigaabo(Oodweynenews)- Munaasibad ballaadhan oo maalintii khamiista (maanta) lagu qabtay isla dhismaha labada dabaq ee iskuulkan cusub ayna kazoo qayb galeen maammulka heer-gobol iyo degmo ee Ceerigaabo. Mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Candlelight iyo ISF Shirkadaha Isgadhsiinta. Boqorro iyo Salaadiin iyo Marti-sharaf kale oo badan ayaa waxa halkaas xadhigga laga jaray Dugsiga Tababbarrada iyo Xirfadaha dhallinyarada ee Candlelight/Erigavo.
Image
Madaxa hay’adda waddaniga ah Candlelight(CLHE) ee gobolka Sanaag Mr-Xasan Diiriye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa wuxu ka xog warramay xaaladda waxqabadka hay’addan iyo muddadii 2004—2010 ay gobolka Sanaag ka hawl gelaysey oo uu sheegay in ay fuliyeen mashaariic tiradoodu ka badan tahay siddeed mashruuc oo isugu jira mashaariicda horumarinta bulshada iyo faya-dhawrka deegaanka ee kala duwan iyo gargaarka degdegga ah oo ay ka mid tahay lcag mararka qaarkood loo qaybiyey bulshada danyarta ah iyo weliba gudniinka fircooniga ah. (Livelyhood projects, Emergency, and FGM projects), kuwaas oo sida uu sheegay ay kala qayb qaateen hay’adaha Caalammiga ah ee ay kamid yihiin CARE NOFIP WFP SCF hay’adda Waddaniga ee PENHA iyo hay’adda caalammiga maalgelisey mashruucan ugu danbeeyey ee dugsigan barashada xirfaduhu ka mid yahay ee ISF.

Image
Madaxa hay’adda CLHE Somaliland Mrs-Shukri Bandare oo iyaduna munaasibaddan ka hadashay ayaa iyadoo guud ahaan mahadnaq usoo jeedisey madaxda maammulka iyo bulshada Ceerigaabo iyo hay’adaha gacanta ka siiyey fulinta mashaariicdaas intaba, sidoo kalena hawl-wadeennada iyo shaqaalaha CLHE ku ammaantay gudashada hawlaha hay’addan, sidoo kalena ay sheegtay in hay’addan oo 1995 laga abuuray degmada Oodweyne ay maanta ka hawlgasho guud ahaan gobollada Somaliland. Waxa kaloo hadalladeedii soo jeedinta ahaa ka mid ahaa “Maanta oo dawlad cusubi innoo dhalatay oo weliba aan filayo gobollada bariga in ay wax weyn innoo qaban doonto waxan ku talinayaa in diiradda la saaro saddex arrimood oo ah Biyo ku filan miyi iyo magaaloba gobolka Sanaag sidii loo heli lahaa waayo baahida manta ugu darani waa biyaha, Caafimaad bulshada Sanaag hesho iyo weliba Tacliin socota”.

Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxan si weyn uga mahadnaqayaa hay’adaha CLHE iyo ISF waxqabadkan aynu aragno ee ay muujiyeen. Hay’ad kastaana haddii ay intan oo kale innoo qabato horumar la taaban karo ayay noqon lahayd. Innakana waxan leeyahay waa in aynu ka faa’iidaysanno horumarkaas oo dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee jira aan lagu cajisin waayo mustaqbalka fursadda shaqo ee dadka xirfadaha kala duwan bartay wuu iman doonaa”.

Madaxa shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Axmed Ibraahin oo ka mid ahaa madaxdii munaasibaddan kazoo qayb gashay ayaa wuxu isaguna dugsigan cusub ugu deeqay Telefoon (Wireless) wacitaankiisu lacag la’aan yahay sidoo kalena madaxdii iyo bulshadii munaasibaddan kazoo qayb galay oo tiro badan dhammaan guddoonsiiyey kaadhadhka ku-hadalka shirkaddiisa SOMTEL.


Madaxa hay’adda ISF Finland iyo Somaliland ee maalgelisey mashruuca iskuulkan manta xadhigga laga jaray oo haweeney caddaan ah runtiina xusid mudan hadalkeedii qaybta hore oo Af-Soomaali ahaa ayaa waxay si weyn ugu mahad celisey guud ahaan maammulka dawladda iyo hay’adda mashruucan fulisey kazoo qayb galayasha iyo guud ahaanba bulshada reer Sanaag.

Waxana munaasibaddan soo gebagebeeyey Kuxigeenka Badhasaabka gobnolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna dhiniciisa hay’addan Candlelight iyo hay’adaha mashaariicdan horumarineed kala qayb qaatayba halkaas uga mahad celiyey sidoo kalena bulshada Sanaag iyo dadka xirfdahan fursadda u helay iee bartay ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan, bulshadoodana ugu adeegaan aqoontan ay barteen.
Kaddibna Maayorka Ceerigabo ayaa Iskuulkaas cusub halkaas xadhigga kaga jaray.
Madax-dhaqameedyadii iyo xubnihii kale ee munaasibaddan ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda.usoo jeediyey maammulka iyo hay’adaha iska kaashaday mashruucan iyo guud ahaanba horumarinta gobolka Sanag, sidoo kalena bulshada iyo dadka xirfadahan la barayo usoo jeediyey talooyin kala duwan.


Dhinaca kalena Kulan Xarunta Waxbarashada Ceerigabo ay isugu yimaaddeen Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Guddoonka Waxbarashada Waalidiinta iyo Macallimiinta dugsiga sare (Haji Aden Secondary School) ayaa laysla qaatay dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo oo saxitaan dartiis laba casho xidhnaa in Sabtida soo socota dib loo furo oo lasoo gebagebeeyey arrimihii dhaliyey hakadka muddada kooban dugsigaas ku yimid.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by HooBariiska »

We need more dugsi, we need one bigggg jaamacad in sanaaG to rival Hargeisa UNI and Camuud

Some delightful News 8-)

I wanna thank haayada Candle Light :up:

Ceerigaabo is going place :sland: :up:
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Bohol iyo karaman »

Timo_Case wrote:We need more dugsi, we need one bigggg jaamacad in sanaaG to rival Hargeisa UNI and Camuud

Some delightful News 8-)

I wanna thank haayada Candle Light :up:

Ceerigaabo is going place :sland: :up:
Gobolka nin ragaa kaa geeriyoodey wiigii laa soo dhaafay ilahay ha uu naxariisto madaxii Hayada Candlelight ee gobolada Bari Prof. Siciid Aw Nuux, wuxu ahaa nin waxa badan kaa qabtay gobolka
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Cumar-Labasuul »

Great work :up:
Horta was that road work between burco and ceerigaabo they were doing finished?

Image
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Bohol iyo karaman »

Qubbato wrote:Why do you care about erigavo it belongs to harti Warsangali and dhulbahante go post about burco or something stay away from harti affairs
I know it belong to Harti but they are muslim, right? I will go and post Burco, I am very sorry
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Bohol iyo karaman »

Cumar-Labasuul wrote:Great work :up:
Horta was that road work between burco and ceerigaabo they were doing finished?

Image
xooga dibu hagaajinaa lagu sameeyeey, waxay wadaduu aad ugaa fiicaantahay intaa uu dhaxaysaa Yufle iyo Ceerigaabo oo siifiicaan loo dhisay, dhanka Ceelafweyn iyo Yufle waxabaa aad lomaa hagaajin, waxan shalay akhriyaay qarashkii ku baxay dibu habayntaa wadadaa caro shubka ah waxa ku baxay lacaag dhan 37Kun oo doolar, hadii siifiicaan oo daacad ah lagu hawl gelilaaha waxan is idhi lacagtaasu waxabadan bay qabaan lahayd.
Last edited by Bohol iyo karaman on Thu Sep 23, 2010 6:21 pm, edited 1 time in total.
Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Xamari_76 »

Erigavo is making moves. :up:
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Cumar-Labasuul »

Insha'allah this road helps bring eastern somaliland and western somaliland closer. :up:
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by HooBariiska »

Bohol,

waaxay dhagxaantu, wadada ma sidaas ayaa looo dhisaa?
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Bohol iyo karaman »

Timo_Case wrote:Bohol,

waaxay dhagxaantu, wadada ma sidaas ayaa looo dhisaa?
waa wado caroshub ah, marka dhagaax dedib ah baa markii horee lagu daadiyeey kaa dibnaa waa lagu burburiyeey, dhagcaantaa waxa lagu qarinayaa oo lagu simaayaa dhagcaantii markii horee wadaadaa kaa soo jedjeedey ee saaftaa taayirkaa goynaysaa ahaa.
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Bohol iyo karaman »

wadadaa waxad moodaa laami markad Yufle kaa baxdo ee aad ceerigaabo uu socoto, great road walahay, wuxu uu baahanyahay uun in aan gacaantaa lagaa dhigiin ee laa siiwado uun intaa waxa dhaamaa lagaa helaayo
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Bohol iyo karaman »

International Labour Organisation (ILO)
Community Based Cash for Work Employment Support of Food Security in Somalia


Somaliland Sites
Item
Project
Project Type
Estd. Cost
US $
Estd. Work Days
1
Erigavo road II
Spot improvement of access track into road
36,367
6,706
2
Yufle road II
Spot improvement of access track into road
36,504
6,401
3
Khal Sheik road II
Spot improvement of access track into road
35,875
6,605
4
El Afweyn road II
Spot improvement of access track into road
37,551
7,428
Erigavo
Clearing of internal Municipal roads
32,395
5,400
Totals
146,296
32,540
Combined Total
542,037
94,575

lacaag badan baa meeshan lagagu cunay, subxaan waxnaa lagumaa qabaan
Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Ceelafweyn »

salaam,

Gobolku wuxuu aad ugu bahanyahay in dadka deegaanku aaney ku mashquulin siyaasada hoos hoose ee ay ka koreyn dadka kalee degen gobolada dalka somaliland.

Waxaa ugu horeyn gobolku u bahan yahay in gobolka lagu xidho somaliland inteeda kale oo dib u habeynti caro tuurka wadada dib loo bilaabo oo iminka laga dhigo laaami.

Marka taa la helo dhaqaalaha gobolku wuu kobcayaa, dadku waxay u soo daawasho tagayaan meelaha kugu quruxda badan dalkeena sida DAALLO iyo dooxooyinka sida godmo-biyo cas, bixin, midhisho valley, iyo xeebaha khasatan magalada taariikhiga ah ee MAYDH.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by udun »

Good news that people are doing things on their own. :up: :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Maayorka Ceerigaabo oo Xadhigga Ka Jaray Dugsi-Xirfadeed

Post by Siciid85 »

good news. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”