Dagaal Ka dhacay Saaxdheer
Posted: Fri Sep 24, 2010 9:28 am
Saaxdheer:-War hada naga so gaadhaya magaalada Saaxdheer oo hilaadii 65 km koonfur kaga aadan Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socda dagaal ka dib markii Maleeshiyo beeleed ka tirsan Beesha Cumar Maxamuud ay dagaal qaawan ku soo qaadey magaalada gaar ahaan dhinaca uu degan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali,waxaana la sheegayaa in dib layskaga caabiyey.
Warka aanu ka helayno aagaas oo aan sidaas u badnayn xiliga oo Habeen ah awgeed iyo khadka oo aad u u liita ayaan wax khasaare ah wali naloo soo sheegin.
Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka helney Dagaalka lagu soo qaadey Saaxdheer ayaa waxa ay sheegayaan in xabadii istaagety taasi oo socotey mudo nus caas ah,waxaa kale oo uu warku intaas ku darayaa in aaga Tuulada Qoriey iyadana laga soo sheegayo in Ciidamada labada dhinac ay isku hor fadhiyaan lagana cabsi qabo in dagaal culisi uu Aroortii ka bilaabmo Aag.
Waa markii labaad ee Beesha Cumar Maxamuud ay weerar balaadhan ku soo qaado Magaalo ay dad shacab ahi dagan yihiin,iyadoo dagaalkan kii ka horeeyey ay ku soo qaadeen Tuulada Mutulka Eerigoo oo 25km dhanka hawdka ka sii xigta Tuulada Saaxdheer.
Dagaalka ay Beesha cumar Maxamuud soo qaadey ayaa ka danbeeyey colaad dhawr jeer soo noqnoqotey oo Beelaha Bahararsame iyo Cumar Maxamuud u dhexeeyey 5 sano ee ugu danbeeyey,taasi oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 40 ruux,waxaanna ugu danbeeyey dil aagaasi ka dhacey dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey.
Jidbaale.com