Kusimaha ama sii hayaha Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaaliya mudane C/waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) ayaa marey Raas Media waraysi la yeelatey shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay tartanka xilka Ra’isal wasaaraha oo uu hadda sii hayaha asagu ka yahay, waxaana igu kalifay ayuu yiri inaan xilkaas Ra’isal wasaaraha u istaago waqtigaan si aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga badbaadiyo xiliga iyo waqtiga adag oo xasaasigaa ee maanta lagu jiro, sidii loo heli lahaa tubtii saxda aheyd ee lagu gaari ahaa geedi socodka nabada iyo badbaadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxuu sanadkii 1956-dii ku dhashay magaalada (Dhuusamareeb) ee gobolka galgaduud kaasoo jaho ahaan dhaca gobolada dhexe ama bartamaha soomaaliya, waxuuna yaraantiisii kusoo barbaaray isla magaaladaas (Dhuusa mareeb) ee gobolka galgaduud,waxuuna halkaas ka bilaabay waxbarashadiisii Dugsiga Hoose ilaa Dugsiga dhaxe oo uu ku dhameeyey isla magaaladaas Dhuusa-mareeb ee gobolka g/gaduud.
Mudane- C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxuu ka dib waxbarashadiisii Dugsiga sare kusoo qaatay ilaa uu ku dhamaysto magaalada caankaa ee (Jawhar) ee gobolka Shabeelaha dhaxe oo jiho ahaan dhacda koofurta soomaaliya,taasoo magaalo madaxda soomaaliya ee mugdisho u jirta fogaansho 90km ah.
Mudane- C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxbarashadii dugsiga sare kadib waxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardadii loo qaatay (kuliyada Beeraha ee jaamacada umada soomaaliyeed- qaybta kiimikada).
Mudo ka dib markuu soo dhamaystey waxbarashadiisii kuliyadeed ama jaamacadeed waxuu mudane C/waaxid cilmi cumar(goonjeex) ka mid noqday ardadii soomaaliyeed ee waqtiga dheer tacliintay soo baranayeen ku intifaacay,waxuuna ka mid noqday hawl wadeenadii ugu firfircoonaa (warshadii Bacriminta ee soomaaliya) ilaa uu ka gaarey Maareeye ku xigeen oo ah xubinta labaad ee ugu sareeya hawlwadeenadii (warshadii Bacriminta ee soomaaliya.)
Mudane- C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) mudo kadib waxuu doorbiday inuu waxbarashadiisii jaamacadeed halkii kasii wato waxuuna waxbarasho ka helay oo uu u aadey jaamacada sida gaarkaa uu u leeyahay dalka maraykanku oo la yiraahdo (American university) oo ku taal magaalada nairobi ee dalka Kenya,waxuuna si gaara ugu soo taqaqusey (Managment-ga) waxuuna halkaas kusoo qaatay shahaadada loo yaqaan (Master digree-ga ama MA).
Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxbarashadii ka dib waxuu dib ugu soo noqday dalkiisii hooyo, mudo kadibna waxaa loo magacaabay inuu noqdo maareeyaha mashruucii la magacbaxay (LIBSOM) oo ay si wada jira isaga kaashanayeen dawladii soomaaliya iyo dalka Liibiya, ilaa laga soo gaarey qaran burburkii saameeyey dalkii iyo dadkii soomaaliyeed,gaar ahaan koofurta soomaaliya.
Burburkii ka dib waxuu mudane- C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) doorbidey inuu naftiisa,maalkiisa iyo waqtigiisa qaaligaaba uu u huro sidii uu uga qayb qaadan lahaa dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka iyo dadka soomaaliyeed,sidii mar uun dib loogu heli lahaa qaran soomaaliyeed oo lugahiisa ku istaaga.
Waxuuna mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) ahaa xubin aad u firfircoon oo ay ka go,antahay dib u heshiisiinta umada soomaaliyeed, waxuuna geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii mar uun loo heli lahaa dib u heshiin dhaba iyo dawlad qaran oo soomaali yeelato.
Dadaalkii mudane C/waaxid cilmi cumar(goonjeex) iyo dib u heshiisiinta.Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxuu ahaa halyeey dhiiran oo dadaalkii uu dib u heshiisiinta dalka iyo dadka soomaaliyeed usoo galay halkan aan lagusoo koobi karin,balse hadaan wax ka taataabano,
Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxuu si buuxda uga qayb galay shirkii dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada (CARTA ee dalka Jabuuti) dawladii halkaas lagusoo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa mudane C/qaasin salaad xassan,waxuu mudane C/waaxid cilmi-goonjeex kasoo qabtay xilal mahiim ah oo ay ka mid ahaayeen (Wasiirka Beeraha),
Dowladii mudane C/llaahi yuusuf axmed ee dalka (Kenya) lagusoo dhisana maadama aanu xil la taaban karo aanu ka qaban,hadana waxuu ahaa nabadeeye ku caan baxay dhexdhexaadinta iyo ukala dabqaadka dawladii xiligaas jirtey iyo mucaaradkii sida ba,an uga soo horjeeday,ilaa uu ugu danbeyn mudane C/waaxid Goonjeex iyo xubnihii kaloo hawshaas kala shaqeeyey ay ku guulaystaan inay hirgasho,dib u heshiisiintii ka dhacdey magaalada (jabuuti ee dalka jabuuti) oo lagusoo dhisay dawlada hada jirta oo uu madaxweynaha ka yahay mudane-(Shariif sh Axmed) raysal wasaarana uu ka noqdey ra,isal wasaarihii dhawaan sida sharafta leh isu casilay mudane-Cumar c/rashiid c sharmarke).
Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxaa loogu abaalmariyey dadaalkiisii nabadeynta in dawladii uu madaxweynaha ka noqdey shariif sh axmed laga mid dhigo xubnihii u horeeyey ee loo magacaabo golaha wasiirada,waxaana mudane C/waaxid cilmi goonjeex loo magacaabay (wasiirka tamarta iyo macdanta-ama qayraadka dabiicigaa) iyo weliba Ra’isal wasaare ku xigeen.
Kadib markuu isku shaandhaynta raysal wasaare Cumar c/rashiid c sharmaarke uu ku sameeyey golihiisii wasiirada ee dawlada soomaaliya,waxuu mudane C/waaxid cilmi cumar(goonjeex) hadana loo magacaabey (wasiirka Gaadiidka cirka iyo Dhulka) iyo ra,isal wasaare ku xigeenkii oo halkeedii weli sii taagnayd, ilaa iyo intii uu is casilay ra’isal wasaarihii hore ee dawlada soomaaliya mudane-Cumar c/rashiid c sharmarke,
Mudane- C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waqtigan hada aan joogno waa masuulka madaxweyne shariif uu ku aaminay inuu noqdo sii hayaha xilka ra’isal wasaaranimada ee dawlada soomaaliya.
Ku simaha ra’isal wasaaranimada dawlada soomaaliya ee xiligan waa shaqsi aan taariikhdiisii ama waxqabadkiisiiba runtii maqaalkan lagusoo koobi karin, balse marey RAAS MEDIA weydiisay mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) su’aal ah maxaa kugu kalifay inaad xilkaan raysal wasaarenimo oo aad hada ku simaha ka tahay, waxbadana ku xigeenkiisa aad ahayd doorbido inaad dib ugu tartanto oo aad musharaxiinta ka mid noqoto waxuu ku jawaabey.
Mudane Goonjeex— maadaama dalkii soomaaliyeed uu ku jiro marxalad aad u adag oo xaasaasiya ayaa doorbidey inaan hormuud ka noqdo sidii dalka iyo dadkaba badbaado loogu heli lahaa, isla markaana loo hirgelinlahaa dawlada iyo qaranka soomaaliyeed ee hada jirta oo aan xilkeeda ugu soo dhaaranay inaan naf iyo maalba u hurayno u adeega qaranka soomaaliyeed.
Waxuuna goonjeex asoo hadalkiisii sii wata ku darey, Runtii igama ahan sharaaxadeydu xil jacayl iyo sad bursi midna,balse waxaa ii cuntami waayey inaan masuuliyiintii uu ka mid yahay madaxweynaha dawladan mudane shariif,oo aan dawladaan aas-aaskeedii kasoo wada qayb qaadanay inaan garabkooda baneeyo maanta ilaa aan ka gaarayno hadafkiyo ula jeedadii dhabta ahaa ee aan higsanayney,oo aan hayaanka iyo geediga dawlada aan u raray anagoon gaarin halkii aan ku furi lahayn inaan cidla uga tago ayaa ii cuntami weydey.
Iskusoo wada duuboo Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) waxuu ka mid yahay halyeeyada wadanigaa ee soomaaliyeed ee fara ku tiriskaa, waana ninaan han iyo damaaci badnayn, jecela inuu gargaaro liitaha dhiban,dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo dawladooduba jecel inay horumar la taaban karo ay higsadaan.
Mudane C/waaxid cilmi cumar (Goonjeex) oo ah oo ah ku simaha xilka ra’isal wasaaraha ee xiligan, waxuu shaaca ka qaadey oo cadeeyey inuu u taagan yahay musharaxnimada xilka ra’isal wasaaraha dawlada soomaaliyeed, si uu xiligaan kala guurka ah oo marxalada adag lagu jiro uu u samo bixiyo dalka dadka iyo qaranka soomaaliyeedba.
Inta aadan kabixin warbixintii mudane C/waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) aanbal ku nasano erayadiisii oo maqal iyo muuqaalba ah, oo weliba aad ka arki karto kalsoonida iyo jacaylka ay u qabaan umada soomaaliyeed ee ku dhaqan dal iyo dibadba.
Waa Qalinkii Durraan C/llaahi shirwac, oo ah, Gudoomiyaha shirkada xayiisiinta iyo saxaafada noocyadeeda kala duwan ee RAAS advertising and media resource limited- london/uk oo waraysi la yeeshay mudane C/waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) oo maqaalkaas idiin soo diyaariyey iyo soo bandhigida musharaxnimada ra’isal wasaarenimo ee dawlada Soomaaliya.
Mahadsanidiin.
Duraan C/llaai Shirwac
Guddoomiyaha shirkadda Xayiisiinta
London, UK
Email-
Taarikdha sii hayaha Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaaliya
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Taarikdha sii hayaha Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaali
Brother i hope you dont think we gonna read that 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Taarikdha sii hayaha Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaali
Him and Xassan Dahir probably went to the same dugsi in D/MareebHutuKing01 wrote:Brother i hope you dont think we gonna read that

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Taarikdha sii hayaha Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaali
^LOL
Anyways, we have no more punani. I can live with that

Anyways, we have no more punani. I can live with that


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 407 Views
-
Last post by damu
-
- 13 Replies
- 574 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 6 Replies
- 612 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 5 Replies
- 1170 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 9 Replies
- 1409 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 2 Replies
- 488 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 257 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 10 Replies
- 932 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 4 Replies
- 547 Views
-
Last post by BeyondQabil